SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo
17 May 2008.


Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga

Dil iyo xidhay gumaysigu u gaystay dadwaynaha

Xukuumadda gumaysiga oo kordhisay cabudhinta ururrada NGO-ga ah

Waraysi xubnihii doodu ay dhexmartay iyaga iyo waftigii gumaysiga itoobiya ee uu hogaaminayay Dirir.

======================

Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga

Labadii toddobaad ee u denbeeyay dagaallo badan oo dhex-maray CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya oo ka dhacay meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 133 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay in ka badan 100 askari. Ciidammada gumaysiga waxaa dagaalladan lagaga gubay hal baabur oo Uuraal ah, hub kala duwana waa lagaga burburiyay, sidaas waxaa noo soo tabiyay wariyaha noga soo warrama dalka Ogaadeenya. Dagaalladani waxay u dhaceen sidatan:

15/05/08 cutub ka tirsan CWXO ayaa seddex mar oo is-xigta weerarro mir ah ku qaaday ciidammada gumaysiga eek u sugana Far-madow, oo ka tirsan Qabridaharre, waxayna gaadhsiiyeen khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

Isla 15/05/08 dagaa ka dhacay Dhala-cad, oo Godey ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 1 askari.

14/05/08 dagaal CWXO iyo kuwa gumaysiga ku dhex-maray meesha lagu magacaabo Awur-jira, oo Qabridaharre ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 3 askari, 4 kalana waa lagaga dhaawacay.

13/05/08 Ceelma-xidho, oo ka tirsan degmada Dannood, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay inta la ogyahay 1 askari.

Sidoo kale 13/05/08 Qolloji, oo Baabili ka tirsan, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 7 askari, 6 kalana waa lagaga dhaawacay.

12/05/08 dagaal adag oo ka dhacay meesha lagu magacaabo Suudaan, oo ka tirsan Jigjiga, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 20 askari, 30 kalana waa lagaga dhaawacay.

11/05/08 dagaal ka dhacay Dhurwaalayowga, oo ka tirsan degmada Qabridaharre, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 15 askari, 9 kalana waa lagaga dhaawacay.

Isla 11/05/08 Dudumo-cadka, oo ka tirsan degmada Fiiq, waxaa ciidammada gumaysiga loogu gaystay weerar mir, iyadoo la gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

Sidoo kale 11/05/08 dagaal ka dhacay Mula, oo ka tirsan degmada Qabri-bayax, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 10 askari, 12 kalana waa lagaga dhaawacay.

Isla 11/05/08 dagaa isaguna ka dhacay meesha lagu magacaabo Yooca-dhayley, oo Qabridaharre ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 6 askari, 8 kalana waa lagaga dhaawacay.

10/05/08 dagaal ka dhacay Iimey waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 13 askari, 14 kalana waa lagaga dhaawacay.

Sidoo kale dagaal isaguna ka dhacay Higla-adamo, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 4 askari, 9 kalana waa lagaga dhaawacay.

09/05/08 Kudunbuur waxaa ciidammada gumaysiga lagaga hal baabuur oo Uuraal ah, kaasoo isaga wixii saarnaaba ay isla bas-beeleen. Baabuurkan waxaa lagu dilay in 50 askari oo saarnaa, waxaa sidoo kale lagu gubay hubkii iyo saanaddii kale ee askartaasi wateen.

07/05/08 dagaal isaguna ka dhacay Jiingadda, oo ka tirsan degmada Iimey, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 3 askari.

Sidoo kale 07/05/08 dagaal ka dhacay Salumaha, oo ka tirsan degmada Dhanaan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 6 askari, 8 kalana waa lagaga dhaawacay.

04/05/08 dagaal ka dhacay Abosa waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 1 askari inta la ogyahay.

Dil iyo xidhay gumaysigu u gaystay dadwaynaha

Ciidammada gumaysiga ayaa waxyeellooyin kala duwan u gaystay dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya. Waxyeellooyinkan, oo ka dhacay meelo kala duwan oo gobollada Ogaadeenya ka mid ah, waxay u dhaceen sidatan:

07/05/08 Higla-yarey, oo ka tirsan Dhagaxmadow, waxay ciidammada gumaysigu ku dileen nin shacab ah oo lagu magacaabo Macalin Sayid C/llaahi.

Waxay sidoo kale ciidammada gumaysigu ganaax 200 oo Bir ah ku soo rogeen dhammaan dadwaynaha ku dhaqan degmada Dhagaxmadow.

12/05/08 Wabi-yar, oo Qabridaharre ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah:
1- Damac Maxamed Sulub
2- Khadra Shugri Ubaxle
3- Khadra Suldaan
4- Iyo qof kale oo magaciisa aanaan haynin

Xukuumadda gumaysiga oo kordhisay cabudhinta ururrada NGO-ga ah

Xukuumadda gumayisga Itoobiya ayaa diyaarinaysa waxa ay ugu yeedhay sharci cusub oo lagu sii xakamaynayo dhaqdhaqaaqa iyo hawlgalka ururrada aan xukuumiga ahayd ee NGO-ga loo yaqaano.

Sharcigani wuxuu dhigayaa in xukuumaddu ay wakiil qarsoodi ah ama muuqdo u dirsato shirar hoosaadka ay qabsadaan ururrada aan xukuumiga ahayn. Wakiilkan ayaa shaqadiisu noqon doontaa inuu la socdo hawlaha ururradaas iyo qorshayaasha ay dajisanayaan ee hawlgalladooda la xidhiidha.

Sharci ku sheeggani wuxuu sidoo kale xukuumadda gumaysiga u oggolaanayaa inay la wareegto hantida ururrada NGO-ga ah, isla markaana ay dabagal ku samayso ama qaqabato shaqaalaha ururradaas mar kastoo laga shakiyo hawlohooda.

Sharcigani wuxuu sidoo kale ururrada NGO-ah ka xakamaynayaa dhinaca maalgalinta dibadda ah ama kaalmooyinka ay ka halaan dalalka iyo ururrada deeqda bixiya.

Xukuumadda Woyaanaha ayaa ururrada NGO-ga ee caalamiga ah ku eedaysa inay qorshayaal qarsoodi ah u yimaadaan Itoobiya.

Diblumaasiyiin reer galbeed ah iyo deeq biyayaasha caalamiga ah ayaa sharcigan aad uga buya-diiday, isla markaana isu diyaarinaya inay kala hadlaan kaligii taliye Meles Zenawi, waxayna sheegeen in sharcigani uu yahay tallaabo kale oo lagu wiiqayo waxa ay ugu yeedheen dimuqraadiyada Itoobiya.

Xukuumadda gumaysigu waxay muddo dheer ka hor caydhisay dhammaanba ururradii samafalka ahaa ee ka hawlgalayay Ogaadeenya, iyagoo ku eedeeyay inay gacan-saar la leeyihiin CWXO

17 May 2008

Axmed Gaal-Eri

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 7560 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 5:00PM – 5:30 waqtiga Afrikada Bari
 

Faafin: SomaliTalk.com | May 19, 2008

 

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS