SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Ninkii qeyrkiis loo xiirayoow adna Soo Qoyso

Maahmaahdani waa mid maanta haysata xubno badan oo ka mid Isbahaysiga Dib-u-xoreynta  Somaaliya. Runti markii aad u fiirsato dhaliilaha & fadeexadaha maanta loo geysanayo masuuliyinta sar-sare ee Isbahaeysiga Dib-u-xoreynta Somaaliya sida  gudoomiyaha gudiga fulinta Shiikh Shariif Shiikh Axmed  & ku xigeenkiisa Shariif Xasan iyo xubnaha kale ee shirka Jabuuti u matalayay isbahaysiga ee ay ka midka yihiin C/raxmaan C/shakuur & prof. Ibraahim Xasan Cadow, fadeexadaas ma’ahan mid ay sigaara u sababsadeen ee waa mid wada sugaysa dhamaan xubno badan oo ka mid isbahaysiga kuwasoo qaarkood ay maanta u sacab tumayaan fedexadaas sharaf ka qaadka ah ee ay ku dhawaaqayaan xubno ka mid isbahaeysiga dib-u-xoreynta kuwaas oo ah xubno kooban oo si hoose oo gaar u ah ay u dhibayso wadahadalada bilowga ah.

Hadii aynu si kooban u kala qaadno fikradaha siyasadeed & danaha gaarka ah ee ay kala wataan xubnaha ku bahoobay isbahaysiga dib-u-xoreynta Soomaaliya inagoo koox koox u falanqeyn doona waxay ay ka kooban yihiin afar qaybood oo kala ah (1) Midowgii Maxkamadaha Islaamiga,  (2) Xildhibaanadii Baarlamaanka Xorta ah, (3)Urarada bulshada rayidka (4) Siyaasyiinta cusub ee Qurba-joogta.

  1. Xubnihii Midowga Maxkamdaha

Kooxda A -  Xubanaha Midowga Maxkamadaha ee ku jira isbahaysiga dib-u-xorenta waxaa ka mid ah xubno si toos ah u aaminsan kuna dhaqma siyaasadihii lagu dhisay midowga maxkamadaha markoodi horena si weyn uga soo horjeeday talaabooyinkii dhaliyay burburkii Midawgii Maxkamadaha Islaamka, waana xubnihii soo jiitay rabitaanka bulshada Somaaliyeed gudaha iyo dibada, kasbadeyna inay helaan si fudu ku helaan taageero cudud & dhaqaale dadkuna ay aad u aamineen.

Xubnahani xiligan waxay danynayaan in dalka Somaaliya laga xoreeyo ciidamada shisheeyo lalana shiro bulshada caalamka lagana qaybgalo shirarka maslaxada ummada Somaaliyeed ay ku jirto iyagoo si gaara u danaynaya in dalka lagu xukumo shareecada islaamka dalkuna yeesho nidaam dawladeed ogolaanaya in gobol walba uu yeesho maamul hoosaad u gaar ah degmo walibana ay si xor ah oo diinta waafaqsan u doortaan maamulkooda kana tashadaan aayahooda & dhaqaalahooda si is dhibsiga iyo isdulsaarka keenay dulinimada & is aamindarida looga baxo, waxaana ka mida madaxda sidaa aaminsan Shiikh Shariif Shiikh Axmed oo ah Gudomiyaha Golaha fulinta Isbahaysiga iyo xubno badan oo ay xaga fikirka siyaasiga ah ka mideysan yihiin oo ay ugu horeeyaan C/raxmaan Cabdi shakuur, Prof. Ibraahim Xasan Cadow iyo siyaasiyiin badan oo aynan soo koobi karin.

Kooxda B – Xubnaha Midowga Maxkamadaha Islaamiga ee ku jira isbahaysiga Dib-u-Xoreynta Somaaliya waxaa ka mida  xubno si dadban ugu dhaqma siyaasadihii lagu dhisay Midowga Maxkamadaha Islaamiga markoodi horena ahaa xubnihii ka dambeeyay talaabooyinkii dhaliyay in ay burburaan Midowgii Maxkamadaha Islaamka, waana xubnihii inta badan dagaaladii sokeeye sida weyn uga soo qeybqaatey kuwaasoo markasta danaynayay sidii dalka ay ugu heli lahaayeen nidaam dawladeed la mida kii dawladii militariga ee madaxda ka ahaa Marxuum M Siyaad Bare ama nidaam dawladeed ku salaysan kacaan islaami ah oo dalka dusha ka maamula kasoo danaynaya inuu madaxda  gobolada & degmooyinka dusha kasoo wada magacaabo, dalka hogaankiisana ay gacanta ku hayaan gole sare oo diktaator ah ama gole shuuro oo mayal adag, waxaana horkacaya siyaasiyiinta sidaa aaminsan Shiikh Xasan Dahir Aweys oo horey u ahaa gudoomiyihii golaha shuurada ee Midowgii Maxkamadaha Islaamiga & xubno kaloo badan oo ay ka mid yahiin Fiyoore &  Indhacade.

  1. Xubnaha Baarlamaanka Xorta ah

Kooxda – A Xubnaha Baarlamaanka xorta ah ee ku jira Isbahaysiga Dib-u-Xoreynta Somaaliya waxaa ka mida xubno si gaar ah u aaminsan in dalka laga hirgaliyo nidaam dawladeed ogolaanaya in gobolada & degmooyinku yeeshaan maamul hoosaadyo madaxbanaan dalkana laga hirgeliyo nidaamka doorashooyinka degmooyinka in kastoo ay jiraan cadaadisyo mararka qaarkood uga imanayay qaybo ka mida siyaasiyinta mayalka ad ee diidan nidaamyadaas, xubnahani mudadii ay ka midka ahaayeen DFKMG waxay u codeeyeen in dalka la keeno ciidamo abniga sugo oo ay ku midyihiin dawladaha safka hore waxayna DFKMG uga baxeen kadib markii ay dareemeen in ay socoto moshin xilalka ay hayaan looga xayuubinayo tasoo ay ka doorbideen inay mucaarad noqdaan inta aan laga qaadin xilalka ay hayeen, waxaana horkacaya xubnahaas Shariif Xasan oo aah gudoomiyihi hore ee baarlamanka KMG Soomaliya iyo xubno badan oo aan xiligan ismuujin una badan kuwo mucaaradnimadoodu bilaabatay markii ay iska dhex waayay golaha wasiirada DFKMG eyna ka mid yihiin Xildhibaan Cumar Xaashi, Cawad A Xasharo, Zakaria X Cabdi iyo qaarkaloo badan.

Kooxda – B Xubnaha Baarlamaanka xorta ah ee ku jira Isbaheysiga Dib-u-xoreynta Somaaliya waxaa ka mida xubno si gaar ah u aaminsan in dalka aysan ka hirgelin nidaam dawladeed federaali ah ama decentrlization ah, kuwasoo danynaya in dalku yeesho dawlad dhexe oo si diktaator ah dusha ka maamusha gobolada & degmooyinka oo idil, degaanada dalkana aan la kala yeelan, doorashooyinkuna noqdaan kuwa ku ekaada oo keliya baarlamaanka dhexdiisa ee aan la gaarsiin degmooyinka & gobolada, xubnahani waxa ay taageera u hayaan hadba dawladii nidaamkeedu u saamaxeyso hirgelinta rabitaankooda gaarka ah mana kala jecla hadii ay dawladaasi noqonayso mid xukun milatari ku dhisan ama mid xukun diini ah ku salaysan, waxaan ka mida xubno kooban oo deegaano isku mida kasoo jeeda.

  1. Xubnaha Bulshada Rayidka ah

Kooxda – A Xubnaha Bulshada Rayidka ah ee ku jira Isbahaysiga Dib-u-xoreynta Somaaliya waxaa ka mida xubno badan oo ka mideysan in Somaaliya ay ka dhalato dawlad dimoqraadi ah ay madax ka yhiin aqoonyahanada soomaaliyeed ee aan kasoo qeybqaadan dagaalada sokeeye, sidoo kale waxa ay isbahaysiga kula mideysan yihiin fikrada aha in Itoobiya laga saaro dhulka Soomaaliyeed, laakiin waxa ay marnaba raali ka ahayn in dalka laga hirgeliyo nidaam dowladeed ay hor kacayaan ururo diini ah oo mayal adag, madaama ay ururada mayalkadag ay caadiyan ugu yeeraan ururada bulshada ee moderate ka ah gaalo raacyo, xubnahan waxa ay si weyn u danaynayaan in dalka laga hirgeliyo nidaamka doorashooyinka xorta ah in laga hirgeliyo degmooyinka dalka dadkuna xor u noqdaan inay doortaan shuruucda iyo nidaamka ay ku dhaqmahayaan dawlad ahaan, waxaana ka mida xubno badan oo aan lasoo koobi karin oo ay horkacayaan Jen, Jamac M Qaalib.

kooxda – B Xubnaha Bulshada Rayidka ah ee ku jira Isbahaysiga dib-u-xareynta Somaaliya waxaa ka mida xubno ka socda ururada xagjirka ah ee xiriirka adag la leh uradrada mayalka adag ee ka jira dawladaha Carabta, xubnahani waxa ay si weyn  u danaynayaan inay dalka ka hirgeliyaan nidaam dawladeed diini ah oo ay aqoon ahaan & siyaasad ahaan iyagu hogaanka u hayaan, sidii lixdii bilood ee Midawga maxkamadaha tasoo ahayd fursad weyn oo soo martey, xubnahan waxa ay awooda saaraan gacan ku haynta waxbarashada dalka & dhaqaalaha sida bangiyada/Xawaaladaha si ay awood dhaqaale & mid aqooneed dalka ugu hantaan, mana lahan wadaniyad saa usii fog oo lagu tilmaami karo, waxaana ka mida xubno badan oo gacanta ku haya Bangiyada maxaliga ah, Jaamacadaha & daladaha waxbarashada dalka.  
 

  1. Siyaasiyiinta Cusub ee Qurba-Joogta

Xubnaha Siyaasiyiinta cusub ee qurba-joogta ee ku jira Isbahaysiga Dib-u-xoreynta Somaaliya waxa ay inta badan wada yihiin siyaasiyiin aan fursad u helin ka mid noqoshada xildhibaanimada baarlamaanka DFKMG taas oo uu mid waliba ku eedeyo qab-qablaha beeshiisa ah inuu ka reebay liiska xulista xildhibaanida.

kooxda – A Xubnahan siyaasyiiinta qurbo-joogta waxaa ka mida xubno lagu tilmaamo inay yihiin xubno si weyn uga dhexmuuqda ururada maxaliga ah ee ka jira wadamada shisheeye ee ay degan yihiin sharciga muwadinimadana ay ku leeyihiin, waxaana ay caan ku yihiin taagirida nidaamyada dimoqraadiyada ku salaysan ee ay ku dhaqmaan wadamada reer galbeedka ah, qaar badan oo ka mida xubnahan waxay iska sharaxeen ka mid noqoshada golayaasha degaamada wadamada ay degen yihiin, waxayna wada yihiin xubno isbahaysiga dib-u-xoreynta ka dhexraadinaya inay ka helaan fursad ay mucaarad ahaan uga dhex muuqan karaan siyaasda Somaaliya si ay kuraas uga isku shaandheynta la rajeynayo in lagu sameeyo DFKMG, waxaan kaa mida xubno kooban oo aaminsan in aqoon ahaan & firfircooni ahaan isbahaysigu u baahan yahay.

Kooxda – B Xubnahan siyaasyiiinta qurbo-joogta ee ku jira Isbaheysiga dib-u-xoreynta waa isku mid marka laga reebo xubno aaminsan inaysan shaqsi ahaan ka dhex-muuqan karin oo aysan kasoo dhex bixi karin siyaasi ahaan beelaha ay kasoo jeedaan, waxayna isbahaysiga ka dhex raadinayaan fursad u saamaxaysa inay helaan siyaasiyiin ay xulafaystaan kuwaasoo ay is leeyihiin marka xulafa ahaan wax lagu helo aad garab ahaaan ha idinka xubnihii beeshiina u mid noqon lahayd kuraasta laga heli doono isku shaandhe  lagu sameyn doona DFKMG ama lagu dhisi doono dawlad loo wada dhan yahay.

Gabagabadii anigoo ku dheeraaday falanqaynta ayaan qormadayda ku soo koobayaa waxa haatan idaacdaha ka wada hadlaya ee dhalaceynta sharaf ka qaadka ah sii daynaya in ay yihiin sida muuqata shan siyaasi oo ka tirsan koox ka mid ah kooxaha isbahaysiga dib-u xoreyntu ka koobanyihiin, ku waasoo gaarey xiligii ay lasoo bixi lahaayeen seefta labada dhan wax u xiirta, marka ninkii qayrkiis loo xiiroow adna soo qoyso.

Wabilaahi Tawfiiq

Eng. Ahmed M Moalin - Waharey

Ahmed.moalin@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 19, 2008

 

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS