SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Ethiopia oo Nikaaxsatay ( Mehersatay ) maskaxda Siyaasiyiinta Somaliyeed ee Wakhtigan

Sannadkii Somali Jabka ee 1991,Dalkii wuxuu gacanta u galay

Jabhadihii Dastuurkoodu ahaa Qabiiloow hebeloow  Qaataye  adna qaado.waxaana loo qabtay shirar badan oo laysku mari waayey shir kastana waxaa calqaladeeya dhowr arimood. 
 

. Diintii  iyo Xeerkii Somalida oo shirkasta aan lagu salayn

. Dadkii oon Cashar loo dhigin waxna la fahasiin  waxan  wixii keenay

. Inagoon laheyn Siyaasiyin inoo sheegin karta halkay aynu tagayno

. Somalida oo diidan inay heshiiso oo rabta in la heshiisiiyo

. Ethiopia oo Nikaaxsatay Siyaasada iyo Siyaasiyiinta Somaaliyeed

. Masaakiinta (danyarta ) Somaliyeed oon lagu hor cunin xaqoodii oo lagala dhuuntay isla markaana lala aaday Wadamada dariska 
 

Danaha Ethiopia ee ku aadan Somalia

. inay hesho Dawlad dabo-dhilif u ah una adeegta

. inay kala qayb-qaybiso ayna sameyso Maamul Gobolleedyo u adeega oo maalinba  in yar lagu daro Ethiopia.  ilaa qiyaastii 30 Sannadood ee soo socda .Illahayna ma odhan . ama goobo ka mida lagu qabsado Ciidan Xoog badan sidii 1935-1954 ku dhacday Somali galbeed & Ogaden. U fiirso 27 July 2007 waraysigii BBC ee Meles: no Somali, Somalia is the part of my country ) Somali ma jiro  Somaaliyana waa qayb ka mida Dalkayga.

.Indhaha Caalamka inay Ethiopia ka qariso Qadiyada Dhulka Somali-galbeed & Ogaden( Killinka 5aad ) kuna dhamaato marin habaabin iwm  sida Dagaalkii 14tii Jan 1964 weerarkii Ciiidamada Ethiopia ku soo qaadeen Somaliya si ay caalamka u u tusaaninay yihiin labo wadan oo  Madaxbanaan oo Dagaal dhexmaray ,Laakiin 7dii feb 1964 Ciidankii  XDS wuxuu ku qaaday weerar dhamaan fadhiisimihii Amxaarada guushuna ku raacday Somalia wakhtigaas oo Ciidanka Ethiopia ahaa 40,000 oo askari halka Ciidanka Somaliduna ahaa 5500 oo Askari & 5000 oo qori. oo Dawlada Somalida uu ugu deeqay  Madaxweynihii Masar Jamaal Abdi Nasir Illahay ha u naxariistee, laakiin Ethiopia waxay ku guulaysatay Diblomaasiyadii Dibada ee Qadiyada dhulka Somalida inay cirka ku laasho.waxayna ku guuldaraysatay argagixiso inay ku tilmaanto Onlf & Olf   
 

Heshiisyada Dawlada Federaalka ( Fadarro ) iyo Ethiopia

Dawlada lagu wado gaadhi-gacanka ( Kaaryoone )iyo Ethiopia waxay isla gaadheen labo heshiis oo kala ah

1.Heshiis muuqda oo mara habaabin ah

2.Heshiis Dadban oo khiyaamoyin badan wata 
 

Heshiisyada Muuqda waxaa ka mida sidan hoos ku xusan

. Somaaliya inay ka hadho sheegashada Qadiyada Kiilinka 5aad

. Somaaliya in Ciidankeedu ka badan 17000 oo Askari iyo 30,000 oo Police ah

. In Wasaaradaha Maaliyada ee laba wadan wada shaqeeyn ka dhaxeeyso isla markaana la Caawiyo Bangiga dhexe ee Somalia

( Cenrtal Bank) waxaana markhaati kaaga ah  Markii Raisul Wasare Nur Cade Booqday Ethiopia inuu wareysi siiyey 12dii feb 2008 BBC.wuxuu yidhi Ethiopia waxaan isla meel dhignay heshiisyo badan oo uu ugu horeeyo inay naga caawiyan Bangiga Dhexe iwm. 
 

Heshiisyada dadban ee (Fadaro) iyo Ethiopia

. Ethiopia Airlines inay ku duusho astaanta Somali airlines

. Somaliland inay noqoto Dawlad Dawlad sugaysa oon la aqoonsan

. Ethiopia muddo 50 sannadood isticmaasho meelo ka mida Dekedaha

. Ethiopia inay maareyso dhamaan Xarumaha isgaadhsiinta sida hadaba ay shirkadaha Telefoonada uga qaadaan  $15.000 bishii

. in Somaaliya laga dhiso Xarumo ay Illahay ku Caasiyaan iwm

. Luqada Amxaarigu ka baxdo Codadka Warlaliska Qaranka & TV

. In Taariikhda Dugsiyada lagu daro Dagaalkii Ethiopia & Maxkabadaha

. in la xadido lana xakameeyo Dusiyada Quraanka iyo luqada carabiga 
 

Nasiib xumo waxaa ah:

Dawlada Fedaraalku Carruurta Somaliyeed uma sheegi karto kamana dhaadhicin karto: Dalka in la haysto iyo in la Caawinayo ?

Dawlada Fadaro iyo Maamulladda Somaliland & Puntland intooduba

kama jawaabi karaan su,aashan hoos ku qoran

. Killinka 5aad Ma dhul Somaliyeed oo Ethiopia gumaysataa ?

. Killinka 5aad ma dhul Ethiopia leedahay baa oo Somaali ku nooshahay?

Hadaba Xoolo ninkii leh baa raaca . Dawlada Federaalkana Ethiopia ayaa Daajisa Cawska & Dareemada Dhulkenii hooyo

Somaaliya Dawlad ka dhalanmayso Heshiina mayso waxay ku jirtaa Maskaxda Meles iyo qalbiga Dabo-dhilifkiisa. 
 

Waa bilaahi tawfiiq

Somalia nin baa Riyooday,Somalilandna dadbaa Riyooday 
 

Yaa u maqan Somalia ? 
 

Mahdi Farah Aden ( Mahdi Ghandi )

Holland 

 

Faafin: SomaliTalk.com | May 19, 2008

 

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS