SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BOORAMA

Borama: Shirkada TELESOM oo $4.000 Dollar ugu deeqday dhismahada Isbitaalka Haweenka.

Sawirada Halkan ka daawo...

Wafdi uu hogaaminayay Madaxa Xiriirka Dadweynaha ee Shirkada TELESOM Md. Cali Maxamed Saalax "Cajab" oo kamid caasimada Hargeysa ayaa shalay galinkii dambe soo gaaray magaalada Boorama.

Wafdigaan waxaa soo dhaweeyay Maamulaha Telesom ee G/Awdal Md. Cabdiqaadir Aadan Nuur, isagoo kormeer kusoo mariyay guud ahaan magaalada Borama.

Wafdigaan ayaa waxa ay galinkii dambey shalay gaareen xarunta Isbitaalka Haweenka ee dhismahiisa iminka laga wado magaalada Boorama, waxaan halkaasi kusoo dhaweeyay Dr. Ibraahim Saciid Cismaan "Qows".

Dhartar Qows ayaa kormeer wafdigaan kusoo mariyay dhamaan qeybaha uu ka kooban yahay dhismahada isbitaalka, waxuuna ugu warbixiyay xaalada dhismahada isbitaalkaan uu marayo.

Maamulaha Telesom ee Boorama Cabdiqaadir Aadan Nuur ayaa Mikrofoonka kusoo dhaweeyay Md. Cajab oo ah madaxa xiriirka dadweynaha ee Telesom, waxuuna sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay imaantinkiisa magaalada Boorama.

Md. Cajab waxuu sheegay in shirkada Telesom lacag gaareysa $4000 (Afar kun oo doolar) ugu deeqeyso dhismaha isbitaalka haweenka ee Boorama laga hirgalinayo, waxuuna sheegay in kaalmadaan aysan ahaan doonin tii ugu dambeysay.

Waxa uu sheegay in shirkada indhaha ku heyn doonto marxaladaha isbitaalka isla markaana hadii waxyaabo kale loogu soo baahdo shirkada ay kaalin weyn ka geysan doonto.

Waxaa isna halkaasi ka hadlay Dr. Ibraahim Saciid Cismaan "Qows" waxuu u mahaceliyay shirkada TELESOM oo ku tilmaamay horseedka shirkada Somaliland.

Waxa uu sheegay in Telesom inta badan ay gacan ka geysato howlaha horumarka ee Somaliland laga hirgalinayo, waxuuna sheegay in isbitaalka bilaha soo socda uu shaqa bilaabi doono.

Dhaqtarka waxuu sheegay in qarash xoogan uu galay dhismahada isbitaalka, isla markaana isbitaalkaan uu yahay kii ugu horeeyay oo noociisa ah oo laga hirgaliyo Geeska Africa gaar ahaan Somaliland, isla markaana lagu daaweyn doono haweenka xanuusan gaar ahaan haweenka cudurada kaadi heysta ka xanuunsanaya.

Dhinaca kale, Maamulaha TELESOM ee G/Awdal C/qaadir Aadan Nuur ayaa Saxaafada kula hadlay hotelka RAYS ee magaalada Boorama waxuuna sheegay in shirkadooda muddooyinkii ugu dambeeyay gacan weyn ka geysanaysay howlaha horumarka ee gobalka Awdal ka socda.

Waxuu sheegay in dhawaan Maayar K/xigeenka magaalada Boorama uu ka codsaday shirkada TELESOM inay wadada laamiga ah ee magaalada ka dhisto labo goobood oo askari jiifa ah isla markaana ay shirkada sameysay labadaasi goobood.

Waxuu sheegay in dadweynaha ku dhaqan magaalada Boorama ay shirkada arrintaasi ku aameen isla markaana u duceeyeen, iyadoo dhibaatooyin badan wadada laamiga ah muddooyinkii ugu dambeeyay ka jiray.

"Gaadiidka marayay wadadaan laamiga ah khasaarooyin badan ayay geysanayeen waayo waa wadadii ugu horeysay oo laami ah oo magaalada laga dhiso gaadiidka si xowli ah ayay ugu socon jireen balse labada askari jiifa ee wada aa ka sameynay waxey hakiyeen xowligii gaadiidka ay wadada ku mari jireen" ayuu yiri C/qaadir Aadan Nuur.

Waxa uu sidoo kale u mahaceliyay Ururka ARNA ee ka shaqeeya dhismada waddooyinka gobalka Awdal gaar ahaan wadada isku xirta magaalooyinka Dilla iyo Boorama, isagoo sheegay in ururkaasi kaalin weyn ka ciyaaray dhismahada wadadaasi oo iminka gaadiidka si wanaagsan u maraan.

Waxa uu mahaceliyay dumar gobalka u dhashay oo ku dhaqan dalka Ingiriiska kuwaasoo kaalin weyn ka ciyaaray howlo ku saabsanaa horumarka gobalka gaar ahaan magaalada Boorama, isla markaana xiligaan ay lacago aruurinayaan si loogu dhiso laami wadada isku xirta Dilla iyo Boorama.

"Hablahaan aad baan u amaanaya, caruurtoodii iyo shaqooyinkoodii waxey inta badan u hakiyeen lacag u aruurinta howlaha gobalka Awdal waana haween taariikhda baal dahab ah ka gali doona, balse aaway ragii gobalka u dhashay ee dibadaha ku dhaqnaa waxaan ugu baaqayaa raga inay iyagana kasoo qeyb galaan howlaha horumarka ee gobalka ku saabsan" ayuu yiri Maamule C/qaadir.

Waxa uu yiri "Ururka ARNA iyo Shaqaalaha TELESOM ayaa isoo faray inaan hambalyo ka gaarsiiyo haweenka Ingiriiska ku dhaqan ee adeega shacabka gacanta ka geysta, isla markaana iminka lacagaha usoo aruurinaya wadada isku xirta Dilla iyo Boorama sidii laami loogu sameyn lahaa".

Maamulaha Telesom ee Borama C/qaadir Aadan Nuur ayaa inta badan laga weyn goobaha laga hirgaliyo waxyaabaha horumarka ah ee gobalka ku saabsan, isagoo shirkad ahaan iyo naf ahaanba lacago badan gaarsiiyay goobo badan oo laga waday mashruucyo gobalka horumar u leh.

Cabdiqaadir ayaa ahaa maskaxdii ka dambeysay dhismaha wadada isku xirta Dilla iyo Boorama taasoo markii dambe usoo bandhigay shacabka Awdal kadibna lagu dhawaaqay ururka ARNA oo ka shaqeeya dhismada waddooyinka gobalka.

Si kastaba ha ahaatee, inta badan gobalka Awdal waxaa muddooyinkii ugu dambeeyay ka socday mashruucyo kala duwan oo horumarneed kaasoo gacan ka geysanayeen Ganacsatada gobalka ku sugan iyo Jaaliyadaha dibadaha ku dhaqan oo iskaashanayay.

Qore: Cabdifataax Axmed

Faafin: SomaliTalk.com | May 19, 2008

 

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS