SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - BAAQ

Baaq Ardayda Puntland ee Dalka Sudan

kulan ay iskugu yimaadeen ururka ardada reer puntland ee dalka sudan iyo xubnaha ardayda puntland ugu jira Ururka guud ee Ardayda Soomaaliyeed ee dalka Sudan loogana hadlayay xaaladaha cusub ee ka taagan maamul goboleedka Puntland ee Soomaaliyeed gaar ahaana arrimaha la xiriira dhiibista iyo xirixirada dad soomaaliyeed oo ka soo jeeda kililka 5aad ee itoobiya waxaana usoo jeedinaynaa maamulka , isimada , waxgaradka , culumaa'udiinka iyo bulshada Puntland talooyinka soo socda:

1. waxaan ugu baaqaynaa masuuliyiinta maamul goboleedka puntland ee soomaaliyeed inay muujiyaan wax qabad dhab ah oo ku wajahan:
A) wax ka qabashada nabadgalyada deegaanada Puntland oo lagu yaqaanay degenaansho ayna kusoo hiran jirtay dhamaan umada soomaaliyeed.
B) sara uqaadista nolosha iyo dhamaan horumarka puntland.
C) ilaalinta xiriirka suuban ee walaaltinimo ee puntland la leedahay dadka soomaaliyeed iyo talaabada ku haboon ka qaadista cidkasta oo danaheeda gaarka ah ama dana shisheeye u dhaawacaysa xiriirkaa wanaagsan.

2. waxaan ku boorinaynaa isimada , waxgaradka iyo culumaa'udiinka reer Puntland inay kaalin buuxda ka qaataan wax ka qabashada dhibaatooyinka sii fidaya ee ka taagan maamul goboleedka puntland ee soomaaliyeed taabtayna nabadgalyada , nolosha iyo xiriirka wanaagsan ee aan la leenahay bulsho weynta soomaaliyeed ee aan walaalaha nahay.

3. waxaan usoo jeedinaynaa bulshada rayidka ah , isimada , waxgaradka iyo culumaa'udiinka inay barbar istaagaan maamulka wax ka qabashada dhibaatooyinka jira iyo horumarka deegaanada Puntland ayna hor istaagaan kana dhiidhiyaan wax kasta oo wax u dhimaya nabadgalyada , nolosha iyo xiriirka hagaagsan ee ay bulshada Puntland la leedahay ummuda soomaaliyeed meel kasta ay joogto.


4. waxaan kula talinaynaa hay'adda Amniga in ay kafiirsadaan xir xirida daka aan lagu hayn danbyo cad, waana in la ixtraamaa dadka soomaliyeed ee aan walaahanahay oo yimaada Puntland sida loo ixtiraamo dadka dag gobolada Puntland, qofkii danbi lagu helo wax u dhimaya nabadgalyada Puntland waa in maxkamad la soo taaga laguna dhex xukumaa gudaha puntland.

5. waxaan raali galin buuxda u soo jeedinaynaa dhamaan dadka soomaliyeed ee lagu qaldamay xuquudooda dastuurka Puntland siinayo oo ah in ay dagi karaan Puntland kana ganacsan karaan ayna Puntlandna u simantahay umada soomaliyeed oo dhan, waxaan si xushmad leh uga codsaynaynaan walaaha soomaliyeed ee ka soojeeda gobalada kale in ay dulqaataan taxader dheeri ahna muujiyaan iyagoo tixgalinaya duruufaha iyo kala guurka uu marayo dalka soomaliyeed gaarhaan gobalka pountland


C/kariim Faarax Ismaaciil    | Daud Max'ed Cigal
xoghaya guud ee Ururka      |  gudoomiyaha xubnaha
Ardada Puntland ee Sudan    |  puntland ugu jira ururka guud ee Aradayda
soomaaliyeed ee Sudan


Abdifitah M. Sugule
Mobile:00249-923858020
Sudan- Khartoum
somalinews@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 19, 2008

 

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS