SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

YAA MIDAYN KARA SOOMAALIYA.

Wadanka soomaaliya ama dadka soomaalidu waa hal qoys oo sinaba kukala maarmin maxaayeelay waa hal qoys  hal diin haysta hal Af kuhadla hal meel dagan iskuna baahan.

Wixii kahorreeyay markii gumaystayaashu soo galeen dhulka soomaaliya qarnigii 19-aad dadka soomaalidu ma ahayn dawlado kala qaybsan ama xuduud kala qaybiya leh ee waxay ahaayeen dad walaalo ah oo wada dagan. 

Markii gumaystayaashu kala qaybsadeen soomaaliya sida aan ognahay wuxuu sameeyay xuduudo uu kala dhexdhigay qabaailka soomaaliyeed xuduudahaas waxaa kamid ahaa kii udhexeeyay gobolada Waqooyi galbeed iyo waqooyi bari ee soomaaliya waxaa kaloo kamid ahaa kii talyaanigu dhigay gobolada dhexe ee soomaaliya  sababta xuduudahaas gumaysigu udhigay waxay ahayd maadaama dadka soomaaliyeed yihiin dad wada islaam ah wada soomaali ah isku af ah haddii sidaas looga tago in ay noqonayaan dad xoogan oo awood leh sida kaliya ee lagu jabin karo ay tahay in jufo kasta xudud loo sameeyo taasna waa uu kuguulaystay waana caadada lagu yaqaan gumaysiga inuu xuduud beenaadyo uu usameeyo bulshada si uu u wiiqo awoodooda ayna ayagu isku mashquulaan, sida Ethiopia iyo Somalia, Somalia iyo Kenya, chad iyo libya, India iyo Pakistan Sacudiga iyo yamen, Iiran iyo Ciraaq iyo kuwa kale oo farabadan. Laakiin Somaliya tan udheer waa jufooyinkii soomaalida dhexdooda oo xuduudo loo sameeyay  waxayna sabab unoqotay dagaalada joogtada ah ee kadhaca soomaaliya buburkana kukeenay dawladii soomaaliya. Hadaan usoo laabto suaashii ahayd yaa midayn kara soomaaliya waxaan ognahay markii  soomaaliya  gumaysigu soo galay ee uu  cadaadiyay shacabka soomaaliyeed  dadkii sedex ayay uqaybsameen,

1: mid gumaysi kalkaal ah oo mushaar kuqaata sidii dadkiisa loo gumaysan lahaa waligoodna aysan xoriyad uhelin kaas waan ognahay baalka uu kagalay taariikhda.

2: kuwa iska shacab ah oo dhibaato hayso una baahan in gumaysiga laga dulqaado.

3: kuwa wadaniyiin ah oo kadamqaday dhibta  lgu hayo shacabkooda iyo dhulkooda  o oaf iyo adimba isugu geeyay sidii gumaysiga looga saari lahaa dalkooda ogo akhristow markii dhibaato dhacdo uu dulmi yimaado waxaa soo baxa koox barakaysan oo wanaag rabta dadka ugu horreeya ee taageera kooxdaas waa dhalinyarada, dumarka, caruurta iyo dadka danyarta ah sida la ogsoonyahay kuwa qoom ama dawlado isbadal kurida oo waji kale uyeela waa dhalinyarada ma ahan suldaan ama kaabe qabiil, ma ahan oday dhaqameed ama hogaamiye kooxeed, tusaale ahaan SYL waxaa aas-aasay 13 dhaliyaro soomaaliyeed waxaana taageeray dhamaan dhalinyaradii ma ahaysan taageerin kaabbe qabiiladii ilaa ay markii dambe arkeen inaysan jirin cid hor istaagi karta SYL. Waxaa lawada ogyahay isbadalka ay keeneen SYL waxaa lawada ogyahay sida ay umideeyeen dadkii soomaaliyeed, hadaba dhaliyarada somaaliyeedey manta arintu waxay taagan tahay meeshii SYL kabilaabeen meel kaliidata waxaad in dhihiinna ku arkaysaan sida soomaaliya loogu qaybiyay land-land iyo xabashidu u rabto inay soomaaliya u hoosgayso maamulkeeda waxaa loobaahan yahay inay dhalinyarada soomaaliyeed muujiyaan sida ay oga goantahay inay soomaaliya mideeyaan cududoodana umuujiyaan maamul kusheegyada xabashidu kor kamaamushu.

WQ cali muxamed diini (calidhuux) Nairobi Kenya.

Email calidhuux20@hotmail.com.

Faafin: SomaliTalk.com | May 19, 2008

 

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS