SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Maxay tahay Caqabadda hortaagan Dib u Heshiisiinta Soomaaliya?

Dunida Caalamka ayaa waxay diiradda saaraysaa Siyaasadda jahawareersan ee Dalka Soomaaliya, taasoo maanta noqotay mid is mariwaageedu uu ku baahay dhammaan Dunida daafaheeda oo dhami markaan ka gudubno Shirarkii hore ee lagu Qaybsaday Dalka oo dhan sida kii Nairobi ee lagu soo dhisay DFKMG ah oo maanta Dalkii Xorta ahaa Gacanta u gelisay Gumeysi Madaw oo Itoobiyaan ah , Shirarkii kale ee ka dambeeyey oo wax mira ahi aysan ka soo bixin iyo Shirkii Jabuuti oo abuuray kala fogaasho iyo Tafaraaruq kala duwan.

Haddaba, go'aanka ay gaareen Golaha Ammaanka ee Addunka ayaa waxaad moodaa inuu yahay mid lagu sii kala Qaybsanaayo Dalka Soomaaliya oo gacanta markale loo gellin doono Gumeysi reer Galbeed ah oo aan weligii dambe aan taag iyo tabar loo heli doonin Ciidamada Qaramada Midoobay maxay kaga duwan yihii kuwa maanta ku Gumaadaya Shacabka Soomaaliyeed Dhulkoodii Hooyo ee Ciidamada Qaramada Midoobay waa kuwa la mid ah kuwa Maanta Dhulkeenii Haysta , Soomaaliyey Godkaan intaad ka baxdaan God kale ha gelina "Ajnabi Ehel kuu noqon maayo, Arxanna kama Sugeysid Diintaada Dhowr.

Falastiin ayaa weli ku maqan Khiyaamooyinkii ay u adeegsadeen Gumeystayaasha reer Galbeedka inta aannu Taariikhda ka Ognahay iyo Dhulalkeenii Soomaali Galbeed(Ogaden) iyo Soomaali Kenya( NFD),sidee loo ogolaan karaa in mar kale la amino Ciidamo Shisheeye Haddaba haddii aannu diidnay Ciidamo Shisheeye Waxaa Su'aal ah xaggee Ciidamo laga helayaa Dhab ahaa Soomaaliya Dhallinyaro Ciidan noqon karta oo Nabad gelyada soo Cellin kartaa wey joogaan ,taasina waxaa inooga Markhaati Maxaakiimtii Islaamka ee ka Dalka ka Talinayey iyo sidii ay u Sugeen Nabadgelyada Dalka ,Haddii la helo Dad is maqlaya waxaa Hubaal ah inuu Dalka ka Badbaadayo inay yimaadaan Ciidamo Shisheeye ama kuwa kale.

Shacabka Soomaaliyeed waa Dad jecel Midnimada haddana waxaa dhex boodaya oo kala Dilaya waa Gumeystayaasha oo doonaya inay beylah ka helaan , Shirarkuna waxay u burburaan Khilaaf ka yimaada Gumeystayaasha reer Galbeedka oo dana gaar ahi ka leh Dalka Soomaaliya iyo kuwa u adeegaya Gumeystaha oo doonayo inay Shacabka ku hayaan Gumeysiga iyo Gumaadka aan joogsiga lahayn ee maanta ka Dhacaya Dalka.

Qoraalkani waxaa ku soo qaadanay Caqabadda hortaagan Dib u Heshiisiinta Dalku waa Gumeystayaasha reer Galbeedka iyo kuwa ay ku adeeganayaan oo ay ugu horayso Dowladda Itoobiya oo maanta Dalkeena Xoogga ku haysata, Shir waliba iyo go'aan walibana Burburisa si ay Shacabka Soomaaliyeed aysan u helin fursad ay Aayahooda iyo Mustaqbal--kooda uga Tashadaan una noqdaan Ummad Xor ka ah Gumeysiga iyo Gumeysi kalkaalka.

Dhammaan Shacabka Soomaaliyeed waa inay Midnimadooda adkeeyaan noqdaana kuwa fahamsan Khiyaamooyinka uu Gumeysituhu wato , isla markaana waa inay meel ay joogaanba aysan Khilaaf muujin iskana Iloobaan Dhacdooyinkii hore ee uu Qabiilku abuuray Abuuraana Qaran loo dhan yahay oo Xor ka ah Gumeysi iyo Gumeysi Kalkaal oo dhan.

Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf(Daandurey)
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 19, 2008

 

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS