SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Kala Jabka Isbahaysiga Dib u Xoraynta  Guusha Cadawga Soomaaliyeed.

Waxaan uga digayaa Isbahaysiga Dib u xorayntu inuu qaado wadadii  ay qaaday  Jabhadii Xoraynta Suudan ee Gobolka Daafur. Taasoo labaatan firqo  u kala dhanbalantay. Ma ahan in halgan Ummadda Soomaaliyeed  la marin habaabiyo, mana ahan in  niyad jab lagu rido dadweynaha Soomaliyeed ee iyagu rajadda ka dhowrayey in dhulkooda loo xoreeyo.

Ma qabo in nin , koox  amaba qabiil gaar ahi dan  ka leeyahay  in  Dadweynaha la niyad jebiyo.

Kooxaha gaarka ah ee ka jilaabanaya inay kala jar-jaraan Isbahaysiga  Dib u xoraynta ayaa dantooda koowaad waxay tahay inay tareenka siyaasadda mar kale dib u soo fuulaan. ma qabo in ragga qaarkii oo nadiifka ah la dhaleeceeyo. Ma qabo ina laga dhigo  Isbahaysiga mid wax loo yeeriyo.

Waxaan qabaa in la adkeyo mowqifka  in la cadeeyo goorta Itoobiya ka baxayso dhulkayaga Soomaaliya, mana ahan in lagu jaahwareer dabinadda la qorsheeyey ee ah in lagu kala qaybiyo urursanaanta dadka Soomaaliyeed  ee ka badbaaday inay  waqtiga  u dagaalamaan qaab qabiil. Manta waxaa guul ah sida dadka Soomaaliyeed isugu duuban yihiin iyagoo ka dhega adayga baaqa ah inay mar kale qabiil qabiil u kala qaybsamaan.

Isbahaysiga ma lahan Shiikh Shariif , mana lahan Shiikh Xasan Daahir Aweys , mana lahan Xuseen Caydiid iyo SNA, mana lahan Hawiye dadka Soomaaliyeed oo dhan ayaa wadaaga , dantooda kuwada jirta, guusha dadka Soomaaliyeedna waxay ku laran tahay is haysiga iyo midnimadda Isbahaysiga Dib u  Xoraynta. Waxaa hadalkayga ku soo gunanadayaa waxaa la maqlayaa jabaq , jabaqdaas durba waa lagu farxay. Jabaqdaasi yaanay jabaqdaas dhaafin.

Abdishakur Mire
cobol319@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 18, 2008

 

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS