SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Maxaad ka taqaan Ahmedou Ould-Abdallah: U qaabilsanaha Qaramada Midoobay ee Arrimaha Soomaaliya?

Qore: Abdiweli Hassan (abdihass55@hotmail.com)


Ahmedou Ould-Abdallah | Isha sawirka: AFP

Ambassador Ahmedou Ould-Abdallah waa u qaabilsanaha Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Arrimaha Soomaaliya. Wuxuu u dhashay waddanka Mauritania (Muritaaniya) ee ku yaal waqooyi-galbeed Afrika. Wuxuu ka soo qabtay jagooyin heer Wasiir ah waddanka Muritaaniya ay ku jirto Wasiirka Arrimha Dibadda. Wuxuu aad uga soo shaqeeyay hawlaha Diblomaasiyadda, isagoo soo noqday Safiirka Muritaaniya ee Belgium, Luxembourg, Holland, Midowga Yurub iyo Maraykanka. Waa siyaasi rug caddaa ah oo aad u yaqaan sida siyaasadda caalamku u shaqayso, gaar ahaan sida waddamada reer galbeedku ula dhaqmaan waddamada Afrika iyo dunida saddexaad.

Ahmedou Ould-Abdallah (oo dhaqanka Muritaaniya la macna ah Axmed-kii ina Abdullaahi) wuxuu dhashay sannadkii 1940-kii. Kaddib shaqooyinkiisii diblomaasiyadeed ee waddankiisa, wuxuu u wareegay dhinaca hawalaha Qaramada Midoobay (QM). Wuxuu muddo lix sano ah soo ahaa Madaxa Arrimaha Dhaqaalaha Afrika ee QM, isagoo kaddibna ahaa u qaabilsanaha Madaxii QM Butrus-Butrus Qaali ee Arrimaha Burundi 1993-1995-kii. Wuxuu aad uga shaqeeyay sidii Burundi looga baajin lahaa dagaal jinsi xasuuq ah inuu ka dhaco, sidii ka dhacdayba waddanka la deriska ah ee Ruwaanda. Wuxuu isticmaalay dhammaan wixii xariir dublimaasiyad iyo siyaasadeed uu la lahaa shaqsiyaadka iyo dawladahaba sidii Burundi looga joojin lahaa dagaalkii Sokeeye ee socday. Wuxuu sidoo kale hor istaagay qorshihii Madaxiisa Butrus-Butrus Qaali kaasoo ahaa in ciidamo nabad-ilaalineed oo QM ah la geeyo Burundi. Ahmedou Ould-Abdallah wuxuu qabay in arrinta Burundi lagu xalliyo si Afrikaannimo ah oo wadahadal iyo is-qancin loo maro mushkiladda, isagoo ka dhaadhiciyay saaxiibadiis in Ciidamo shisheeye ay mushkillada jirta sii ballaarinayaan, dhaqaale aad u fara badan ku baxayo, isla markaana ay abuurmayaan maslaxado shisheeye oo ku hardama arrimaha Burundi. Sidaas darteed, ayuu yiri waa in mushkiladda Burundi aan loo rarin heer caalami ah. Isagoo arrintaas aad u xoojinaya ayuu qoray buug uu ugu magac daray: Burundi on the Brink. Wuxuu ku faahfaahiyay buuggiisa in Burundi aysan u baahnayn koofiyado Buluug ah (oo uu ula jeedo Ciidamo QM ah) balse ay u baahan tahay dhakhaatiir cilmi-nafsiga ah (psychiatrists).

Waxaa haddaba yaab leh oo arrin laga xumaado ah in Ahmedou Ould-Abdallah uu u ololeeyo in ciidamo QM ah la geeyo Soomaaliya. Wuxuu aad uga fogaaday fikirkiisii iyo mabda’iisii uu aaminsanaa waqtigii uu isla hawshan uu hadda ka hayo Soomaaliya ka hayay Burundi. Sida lala socdana Burundi dhibaatadeedii waxaa lagu xaliyay wadahadal, iyo awood qaybsi, iyadoo kuwii hor istaagayna la geeyay Maxkamadda Dambiyada ee Aruusha. Maantana ayba reer Burundi u soo diraan Ciidamo Soomaaliya. Waxaa cad in Ahmedou Ould-Abdallah uu si ku talo gal ah ugu samaynayo Soomaaliya wax uusan mabda’ ahaan aaminsanayn. Wuxuu og yahay in waqtigii hawshii Operation Restore Hope (1992-1995) ee Soomaaliya ay ku dhammaatay fashil ku yimid QM isla markaana ay sii fogaysay mushkiladdii Soomaaliya. Wuxuu si fiican cashar uga qaatay fashilkaas isagoo uga faa’iidaystay inuu Burundi ka weeciyo waddadaas. Haddase waxaa muuqata inuu damac ka galay ka qayb qaadashada Qandaraaska Soomaaliya (eeg maqaalkii hore, April 2007, ee cinwaankiisu ahaa: Maxaad ka taqaan dadka shisheeye ee saamaynta ugu wayn ku leh Siyaasadda Soomaaliya? Dr. Jendayi Frazer; Amb. Michael E. Ranneberger; Meles Zenawi; Isaias Afewerki; Amb. David Shinn).

Ahmedou Ould-Abdallah wuxuu wax badan ka soo shaqeeyay hay’ado caalami ah oo Madax bannaan sida isagoo ahaa madaxii Hay’adda Global Coalition for Africa ee fadhigeedu yahay Maraykanka, iyo Hay’adda World Future Council. Sidoo kale wuxuu shaqooyin aad u badan ka soo qabtay QM sida U qaabilsanihii Madaxa QM ee Arrimaha Galbeedka Afrika, halkaas oo uu ka qayb qaatay nadab ku soo dabaaliddii Siraliyoon, Laybeeriya, Mushkiladihii Xuduudyada ee Kameroon iyo Nayjeeriya iyo Arrimo kaleba. Wuxuu jagada Madaxa QM kula tartamay Kofi Annan iyo rag kale, balse waxaa kaga guulaystay Kofi Annan oo kala wareegay Butrus-Butrus Qaali. Waana nin aad u dhex galay Xafiisyada looga taliyo Caalamka, gaar ahaan Reer Galbeedka iyo QM.

Dhinaca Waxbarashadiisii, wuxuu dugsiga sare kaga baxay Senegaal, isagoo culuunta dhaqaalaha ku bartay Jaamacadda Grenoble iyo Jaamacadda Paris, Faransiiska, 1966 iyo Jaamacadda Sorbonne oo uu ku bartay culuunta siyaasadda, 1967.

Amb. Ahmedou Ould-Abdallah wuxuu ku doodayaa in bulshada caalamku ay ilowday Soomaaliya ayna tahay in ciidamo caalami ah la keeno, iyadoo isla markaana safiirka Ugaanda u qaabilsan QM Mr. Francis Butagira, uu ka codsaday Golaha Ammaanka ee QM in la siiyo ciidamada ka jooga Soomaaliya oo marka lagu daro kuwa Burundi isku ah ilaa 2000 dhaqaale gaaraya 817 Milyan oo doolarka Maraykanka ah muddo lix bilood ah. Waxaa muuqata inuu jiro tartan dhaqaale ee Qandaraaska Soomaaliya.

Haddaba, Waxaa la gudboon ummadda Soomaaliyeed inay hurdada ka toosaan, damiirkooda dhintayna nooleeyaan, una daneeyaan maslaxadda Ummadda taagta daran ee mana-xayaashu dushooda qandaraasyada ku kala gadanayaan. Waxaan leenahay waa in la asturaa cawradeena bannaanka daadsan ee haweenka, carruurta, maatada, waayeelka ay qaarna qaxootiga ku yihiin daafaha caalamka kuna haystaan dhibaatooyin adduunyo kuwii ugu xumaa. Waxay luminayaan hadyigii diinteena Islaamka, waxay u dayacan yihiin xumaan oo idil. Waxaa looga bixi karaa dhibaatada taagan in la soo celiyo Amniga iyo Sharciga, la iskuna tanaasulo.

Waa in la yiraahdaa Maya Qorshaha Ciidamo shisheeye ee Ahmedou Ould-Abdallah; Good Bye Addis-Ababa; Good Bye Asmara. Haa Wadahadal iyo is-qancin, Caawin Dadka Dhibaataysan, Nabad iyo Nidaam wixii ka shaqaynaya ee Soomaali iyo Caalamkaba ah.

By: Abdiweli Hassan (abdihass55@hotmail.com

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 16, 2008

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS