SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Shir joogta ah fashilaad joogta ah

Sidii eey u burburtay dowladii dhaaxe e somaliya waaxaa laqabtay shirar badan kuwaaso lagu qabtay wadankii gudihiisa iyo dibadaiisa looguna magaac darayay dib u heshiiisiin aniga’se aan u fahmay dib ukala jiidid iyo dib u kala jarjarid shirarkaasi qarkood waaxaa lagu dhisay dowlad balse aanan waxba kabadalin xaaladihii dalka ka jiray. Halka kuwa kala aanba dhicin xita isbasiini in lagu soo magacaabo fashilka’se yaa sabab u ah?

Qoraalkeygana waaxaan rabaa in aan ooga waramo xaalado eey dadka wada yaqaanan misna eeyba qaarkood iiga xogfiicanyihiin,anigoo is yar dultaagi doono waxyaabo horay u dhacay,hadaan soo qaato shirarkaasi kuwoodii oogu danbeyay bal aan ku hormaro shirarkii ka kala dhacay Sudan iyo kan hada qarka u saaaran in lagu kala tago,waxaan diirada saari donaa alle haduu idmo shaqsiyaadka inta badan fasshilaada u keeno shirarka.
Waxaa ka mid ah

1-Cabdulaahi Yuusuf odaygani uma baahno in laga bixiyo faah faahin dheeraad wayo qof anan aqoon ulahayn oo Soomaali ah inuusan jiran ayaan rajeynayaa kuma fogaanayo, odayga da’a ahaan waxuu galayaa 80 waqtigiisana waxuu ku qaatay ku dhaxjirka siyaasada, bal mitaalo uu caan kuyahay aan soo qaato wareesiya horay loola yeeshayna uu ku cadeeyay
1-waxuu ku faanaa in uu yahay ninkii oogu horeyayoo mucaarado maamuladii soo maray soomlia.
2-waxuu ku faana in uu layay dad badan,hadoo lajoogana hadii loo hogaansami waayo maamulkiisa in uu dad hor leh leeynayo
arimahani kor kuxusan kaliya ma'ahan kuwa lagu dhameyo kawarankiisa waxeey ahayd sanadii 2000 markuu ka mid noqday martidii lagu casumay jabuuti deedna uu yimid mudo yar kadibna uu kulaabtay Puntland asagoo mucaarad ku ah jabuuti shirkii ka socday waxyaabihii caanka ah uu sameeyay waxaa mid ahaa
1-in uu xirxiray madaxdhaqmeedyadii ka qeeb galay shirkii Jabuuti.

2-waxuu Garoowe ku qabtay qudbad caan noqotay,qudbadaasi waxuu ku falanqeeyay sida uu ooga soo horjeeda wax ka socday jabuuti,waxuu kaloo qudbadaasi ku sheegay inuusan mar'na aqbali doonin waxii ka soo baxa shirkaasi.
kornelka mucaaradkiisa waxaa lagu xagliyaa in uu aad u jecelyahay madaxweyne in ladhaha kaliya sida darteed ayuusan u ogalaaneenin cid kale oo soomaali ah in ey noqdaan hogaan taana waxeey dhalisay in uu fashiliyo dan kaste ey soomali u aragta hormar
waxaa kaalin muhiim ha isna ka qaato fashilaada joogtada u noqotay shirarka Somaalida ninkani.

2-Meles Zenawi Ra’iisal wasaaraha Itoobiya wuxuu ku dhashay Adwa oo ah gobolka Tigray ee Waqooyiga Itoobiya. Zenawi oo madax ka ah Itoobiya muddo 17 sano ah waa nin da’diisu tahay 52 jir. Wuxuu noloshiisa in badan ku soo qaatay jabhadnimo isagoo muddo badan ku noolaa Soomaaliya waqtigiisii Jabhadnimada kuna socdaali jiray baasaboor Soomaali ah. Wuxuu madax ka noqday Jabhadihii midoobay ee Ethiopian People’s Revolutionary Democratic Front ee la dagaalamayay maamulkii Mengistu Xayle Maryam.

Zenawi wuxuu ku guulaystay inuu ku xukumo Itoobiya siyaasadda ah qaybi oo xukun. Wuxuu ku soo rogay in qawmiyad kasta maamul goboleed samaysato taasoo abuurtay is qabqabsi joogta ah . Arrintani waxay abuurtay dagaalo joogto ah iyadoo kooxdi u hogaansami wayda qorshahiisa uu ku kiciyo koox kale waana dabeecad gaalada caan eey ku tahay ilaahbaana inoogu sheegay kutubkiisa quraanka alle waxuu yiri(fircoon waxuu ka dhigay reer banii israa'iil kooxo waxuu gumeysanayaa koox ka mid ah).

Meles Zenawi wuxuu ku guulaystay in maanta taangiyada Itoobiya dhex joogaan goobihii looga talin jiray milaterigii Soomaaliyeed, isla markaana ay xasuuq ugu gaystaan shacab masaakiin ah. Zenawi waa nin taariikhda Soomaaliya iyo Itoobiya si fiican u yaqaan, sida dartee ayuu markasta waaxuu sameeyaa koox muqalasiin ooga ah Soomaalia waayo Zanaawi halgankii uu ku qabsaday Ethopia waxuu ka soo bilaabay Soomaliya si lamid ha arinkaasi ayuu u ogyahay hadii Somaliya lugaheeda ku istaagto in eey ku soo hubeeynayaan kooxo mucaarad a si loogataqalusa maamulkiisa.

Zanaawi waxuu kaloo arin muhiin ah u arkaa umadani 8milyan ah allana ku maneystay qeeyraad nooc kasta leh heshiin la'ana in uu sii kala fogeeyo si eeysan u nasan waxii qeeraad ahna wadankisia uu dib oogu celiya,arimahaan aan soo xusnay isagoo wax ku qeebsanaayo ayuusan marna u ogalaaneynin in eey Somalia heshiiyaan.

3-Isaias Afewerki, Madaxwaynaha Eritereeya Wuxuu ku dhashay Asmara 1946,Afwerki waxuu kaalin muhiim ah ka qaatay sidii xukunka looga tuuri laha mengestu Xeyla Maryam isagoo markaasi kaa shanayay ninka hada sida weyn eey iskugu dhacsanyihiin Mr Zanaawi Waxuu hada ku mashquulsanyahay hub isugu dhiibka Soomaalida iyo burburinta intii harsanayd qarankii Soomaaliya. Waxaa la hubaa inay maalin ay noqotaba ay heshiin doonaan labadani nin cadaadis ba’ana ku haya muslimiinta ku nool waddamadooda. Mr. Afewerki wuxuu gacan bir ah ku hayaa dadka Eritereeya oo wax badan u soo halgamayay inay xoriyad helaan balse candhuuftooda dib u liqay iyagoo qurbihii ay is lahaayeen haddaad ka laabanaysaan uu mar kale halgan u bilowdo.

Afwerki muhimad weyn somaliya kama lahan balse Zanaawi oo markasta rabo in u qabsada Eratareya ayuu u abuuraa mucaarad joogta,waa isaga hada marti galiyay mucaaradkii DFKS una yeeriyay in eey Asmara ka dhigtaan xaruunta eey ka dagaal tagaan intaa kuma eka waxuu si joogta oogu kiciyaa maamulka Zanaawi jabhada ka dhisan gudaha Ethopia isagoo siiya wax kaste uu awooda.
kaalinta uu kuleeyahay fashiilka joogta ah ee naheesta ayaa ah isagoo diidan in eey Ethopia awood ku yeelato Somalia, iska dheh hardankii u dhaxeyay labadii dibi ayaan dhaxda u galnay.

4-maamulka washiton DC ayaa markasta kaalin muhiim ah ka ciyaaro fashilka joogtada inoo noqday,mitaal yar horaantii 2006da waxaa gacan ku heynta Soomalia lawaregay Midowgii Maxaakiimta Islaamiga mareekanka markaasi ayuu bilaabay qeylo dhaan iyo daacad joogta.
1-waxuu lacag badan ku bixiyay sidii Somaliya loo geen lahaa ciidamo ajaanib ah,halka isla sanadkaasi gudihiisa uu diiday in ciidama ka socda afrika lageeyo Somaliya.

2-waxuu lacag badan ku bixiyay in milatariga Ethopia galaan Somaliya intaa kuma ekaanin ee Tigreeda dhulka markey kadagaal galeen isna cirka ayuu ka dagaal galay iyo waliba dhanka sirdoonka.
halkaasi waxaa ku cad in hogaamiya kooxeedkii dilka,dhaca,kufiga,diin la'aanta ku hayay umada uu raali ka ahaa mareekanka waliba dhaqaalo uu ku bixin jiray.

waxaan qoraalkeyga ku soo gabagabeenayaa wareesi eey BBC layeelatay ninka layiraahda David shinn,odaygani waa oday caan ah waxuu safiir ka ahaan jiray Ethopia,Burkiian Faso,Kenya hadana waxuu macalin kayahay jamacada George Wahsiton waa nin caan ah markii laga hadlayo arimaha Afrika.

su'aalihii la weydiiyay aan mida muhiimka inoo ah ka qaadano waxaa layiri duqeeynta Marekanka eey ka geesteen Somaliya shirka la doonaayo in lagu wadahadashiiyo mucaaradka iyo Dowlada wax miyey u dhimi kartaa?

David Shinn:Somaliya oo heshiis fog gaarto waxaa inooga muhiimsan in dunida laga qariyo Adan xaashi Ceyrow.
tani waxeey marqaati u tahay kalgacalka eey Dowlada Mareekanka inoo heyso waayo dad masaakiin ah in lagu duqeeyo B52 hadana aanan la isweydiineynin waxeey ka midtahay kal gacal qofkii fahmo alle ha u siyaadiyo famkiisa qofkaan fahmin,na alle ha fahansiiyo.

qore:C/raxmaan Cali adam
Email: baadiyow12@hotmail.com
Seattle,Wa,USA

Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Faafin: SomaliTalk.com | May 16, 2008

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS