Soomaliya Waa Ay Bugtaa
Waxaan
marka hore Akhristayaasha Soomaliyeed ee kala jooga Aduunka daafahiisa
ku salaamaya salaanta Islaamka, Asalaamu caleykum waraxmatulahi
wabarakatuhu.
Salaanta ka dib, akhristow hadii ALLE subxaana watacalaa ku siiyey
caqli suuban oo aad ku kala garan kartid waxa xun iyo waxa fiican,
mugdiga iyo iftiinka bal isweydii maxaa ay la bugtaa Soomaliya ?
Waxaa ay la bugtaa Soomali waa Qabyaalad. Bal aynu
fiirino erayga Qabiil waxa uu ka kooban yahay labo
qeybood: waa Qab oo ah KIBIR iyo IIL oo ah qabriga
meesha laga dhigo qofka dhinta; Qanyaaladuna waa abaabul
iyo kicin dareen Qabiil oo leh ujeedo xun oo lagu kala
qeybinayo Bulsho isku dan ah oo aan kala maarmin,
deeganna ku wada nool. Markaan Tusaale Tusaale u soo
qaato Murtidii Abwaan Cabdullahi Suldaan Timacade isagoo
Tilmaamaya xumaanta Qabyaalada waxaa uu yiri:
DUGSI MA LEH QABYAALADI WAXAY DUMISO MOOYANE.
waxaa abwaan kale oo la yiraah Cabdi Dhuux Yuusuf isagoo
tilmaamaya inaan Soomali weyn qaadan waanadii Timacade
oo uu tilmaamayo in Soomalidu la jiratay Qabyaalada
wuxuu tiriyey Heesta Caanka ah ee Soomalidu wey bugtaa:
Soomalidu wey bugtaa Besteed weeyoo la hibi
Inuu cudur ba'ani helay Muqaalka laga gartaa
Ma Beerkaa laga hayaa Ma dhabarkiyo bowdyahaa
Burburayoo aan kabmeyn Wadnaha bidixiyo kalyaha
Miyaa howshii bar gabay Bartii maqalkoo dhegaha
Ma aragii baa damay Badweyntiyo buurihiyo
Banaan ma isagu midbaa Dareenkii miyaan bed qabin
Baadiyi meel aaney jirin Ma helo qof ka baafiyee
Dhankee looga badan yahoo Dawada lala beegsadaa ?
Markii loo baaray hoos Xanuunka waa bulshada
Qabiilku ku beeran yahay Inuu baday ba'iyo hoog
Balaayada sabab u yahay Buugeedaba kuma dhignee
Haday buunbuunisaa Ilmaha ku barbaarisaa
Abtiriskaa loo baraa Billaahiye sidii Qur'aanka
Biseyl baa weli u haray Danteennii beylahdoo
Badbaadiyo nabad la'aan Booraan nagu sii ridee
Sidee looga bixi karaa ? Asaageen u beegsannaa ?
Inaan boolida la cunin Inaan la rumeysan been
Inuu xilku baratan yahay Beel iyo reer laga bogsado
Cadaalada loo balamo Dadweynoo baraarugiyo.
Hadaba Qofkii dhug lahow dheeho,Qofkii dhaayo lahowna
arag Qabyaaladi Dugsi maleh waxay dumiso mooyaane.
Waxaana aaminsanahay in Soomaliya waxa dadkeedii isku
diray in ay tahay waxa sida xun loo fasiray ee la yiraah
"Qabiilka"
ALLE subxaana watacalaana waxaa uu diinteena suuban
ee Islaamka ah ku sheegay in Qabiiku yahay in la isku
aqoonsado oo kaliya.
Hadaba Bahweynta Soomaliyeed, waxaa ay u isticmaashay
bilcagsigeeda,taas oo wiiqday Sharaftii iyo karaamadii
Dalkayagii hooyo iyo Sharaftii uamddii Soomaliyeed.
Waxaan ku soo gabaganeenayaa walaalayaal sida kaliya
oo looga bixi karo tahay in ALLE subxaana watacalaa loo
toobad keeno,isla markaasna aan ka xorowno maskaxda,
maanka in aynu ka xorowno, in aynu ka xorowno gunnimada,
in aynu ka xorowno isla yaraanta, in aynu ka xorowno
libirkii beenta ahaa ee mansuuqa ahaa, in aynu ka
xorowno walaalayaal khiyaanada waxa la yiraah, Xaasadka
in aynu ka xorowno, Xanta in aynu ka xorowno, waa in
aynu ka xorowno waxakan la yirah damaaciga miskiinka
ah,daciifka ah aadamiga ah waligiis firdhiya colkana u
ah walaalayaal waa in aynu ka xorowno.
Waxaana aaminsanahay ILAAHAY idinkiis markaan ka
xorowno waxaas aan soo sheegay dhamaantood oo
qalbigayaga ay ka baxdo waxaa la yiraah Qabyaalada oo
ALLE subxaana watacalaa loo toobadkeeno si wada jir ah,
markaas ayaa wax walba ka soo dhawaanayaan isha
baalkeeda waa hadii ALLE idmo ee.
Waxaa laga maarmaan ah in aan is xasuusino aragtida
Soomalida ee oraneysa "Damiin" far waaweyn baa wax loogu
dhigaa oo aynu dhamaantayo far waaweyn wax isagu dhigno
oo taasi ay tahay waa markaan ka baxno Qabyaalada ee in
aad anigu u shaqeyso umadda, in aad adigu u shaqeyso
umadda, in uu isagu u shaqeeyo umadda, in ay iyadu u
shaqeyso umadda,markii qof waliba u shaqeeyo umadda oo
laga madaxnaanado qabyaalada ayaa waxaa aynu gaaraynaa
in aan hanano dalkayaga hooyo,kana difaacno cadowga
dibada iyo gudahaba.
Walaalayaal aynu la dagaalanao waxa dalkayagii
burburiyey,taas oo ah qabyaalada foosha xun ee aynu
caadeysanay. Wabilaahi Towfiiq.
Qore: Sharma'arke Maxamed Xaashi Gaani
sgaani@gmail.com