SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - UNDP

United Nations Development Programme

War Saxaafadeed

Dawlada Talyaaniga oo Maalgelinaysa Dadaalada Dib-u-soo -Kabashada Soomaaliya

PDF Version: SOOMAALI | ENGLISH

Nairobi/Rome 15 May 2008 – Hay’adda Iskaashiga Dibada ee Dawladda Talyaaniga ayaa waxay ugu deeqaday lacag dhan €5 million ($7.7 Million) saddex mashruuc oo ay fulinayso UNDP Soomaaliya kuwaas oo ku wajahan fidinta fursado shaqo, ka gacansiinta Dawladda Soomaaliya sidii ay u gudan lahayd hawlaheeda asaasiga ah, iyo dardar gelinta hawlaha dib-u- heshiisiinta heerka degmooyinka.

Agaasinka Guud ee Iskaashiga Horumarintu waa waaxda Wasaarada Arrimaha Dibada Talyaaniga u qaabilsan xiriirinta iyo hirgelinta barnaamijyada kaalmada dibada ee Dawladda Talyaaniga . Deeqdan waxaa looga dhawaaqay shir usbuucii hore ku dhexmaray UNDP Soomaaliya iyo hay’ada Iskaashiga Dibada Talaayinga Magaalada Nairobi.

€2.5million ($3.85 million) oo ka mid ah lacagtan waxaa lagu kaalmeynayaa hanaqaadka hay’adaha Dawladda Federaalka Ku-meelgaarka ah ee Soomaaliya. Kaalmada isku xiran ee loogu talagalay hanaqaadka Dawladda oo ay si wadajir u maalgelinayaan wadamada deeqda bixiya waxaa fulinaya UNDP waxaana isla dejiyay UNDP iyo lamaanayaasha dawliga ah.

Ujeedada guud ee kaalmadani waa in loo suurtageliyo hay’adaha federaalka ee muhiimka ah in ay si wanaagsan u maamulaan hawlaha dawladda ee asaasiga ah iyo in ay hay’daha dawladdu dib ugu guuraan caasimada Muqdisho.

€1.5million ($2.3million) oo kale waxaa lagu caawinayaa qaybta nabad dhisidda degmooyinka ee Barnaamijka Wadajirka ah ee Maamul Deegaameedka iyo Adeegga Baahsan kaas oo ujeedadiisu tahay in la dhiirigeliyo dadaalada nabadeynta iyo dib-u-heshiisiinta iyadoo lala tashanayo bulshada rayidka ah iyo odoyaasha dhaqanka si loo sameeyo golayaal degmo iyo gobollo dadka ka wakiil ah. Mashruucani wuxuu wax ka tarayaa yareynta khilaafaad deegaameedka wuxuuna kor u qaadayaa awooda iyo kartida bulshadu ku maareynayso khilaafaadyada iyo sidoo kale in ay fahmaan doorka iyo masuuliyadda dawladda hoose iyo midda dhexe.

€1million ($1.54million) oo ka mid ah lacagtan Iskaashiga Talyaanigu bixinayo waxaa lagu taageerayaa mashruuca shaqa abuurista deg-dega ah ee ay UNDP wado kaas oo lala kaashanayo ILO. Mashruucu wuxuu wax ka qabanayaa arrimaha deg dega ah ee dakhli dhalinta iyo in dadka Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya loo abuuro shaqooyin iyada oo la isticmaalayo hanaan ay bulshadu ku xulanayso waxyaabo kala duwan oo mudnaan u leh oo isugu jira hawlaha dib-u-dayactirka kaabayaalka kuwaas oo ay dad badani shaqo ka helayaan sida dayactirka waraabka beeraha, jidadka, suuqyada iyo fidinta tababar xirfadeed.

Agaasimaha UNDP Soomaaliya Bruno Lemarquis ayaa soo dhaweeyay deeqdan wuxuuna sheegay in ay maalgelinta Talyanaigu ay kor u qaadayso waxtarka mashaariicdan muhiimka ah.

“ Qodobka ugu muhiimsan ee guusha mashruuc kasta oo horumarineed waa raagida iyo waxtarka mudada fog . Qaabka fiican ee aan mashaaricdan u dejinay marka lagu kabo deeqdan waxay dhidibada u adkaynaysaa guusha mashaariicdan aad loogu hanka weynayahy waxayna suurtagelinaysaa in Soomaalidu arkaan faa’idada ay mashaaricdani leeyihiin “.

Pasqualino Procacci oo ah Agaasimaha Iskaashiga Talyaaniga Nairobi u fadhiya wuxuu yiri “ Kaalmadani waxay hoosta ka xariiqaysaa sida weyn ee aan ugu heelanahay in aan Soomaliya garab istaagno si loo hubiyo in dadku helaan adeegyada asaasiga ah sida caafimaadka, waxbarashada, xoojinta kaabayaasha iyo hawlaha shaqooyinka looga abuurayo dadka Soomalida, anagoo isla markaana taagerayna hanaanka dib- u- heshiisiinta wadanka ka socota”. Dhamaad

Wargelinta tifatirayaasha

Wixii war dheeraad ah fadlan kala xiriir Sue Morrell, UNDP Somalia, sue.morrell@undp.org; +254 20 4255209, ama Giorgia Garofalo somalia.nairobi@esteri.it

Springette, Spring Valley, PO Box 28832, Nairobi 00200, Kenya Tel: (254) 20 4183640 Fax: (254) 20 4183641 www.so.undp.org  

 

Faafin: SomaliTalk.com | May 16, 2008

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS