Somaliland ma waxey usii siiqeysaa Itoobiya?
Saciid Axmed C/waxed
(Saciid Nabadoon)
Waxaan jeclaan lahaa marka hore inaan dib u
jaleecsano halgankii dheeraa ee dagaal yahanadii SNM
ee qeybta weyn ku lahaa soo celintii sharafta reer
Somaliland aymaanta ku taabeyso.
Anagoo kawada dharagsan in xoogagii jabhada SNM
mudo gaaban kadib markii Madaxweyne loodoortay
Allaha u naxariistee Md. Ibraahim Cigaal in uu hubka
ka dhigay iyadoo weliba ay dhaceen dagaal beeleedyo
ayku dhinteen dadbadan oo rayida, taas waxaa ay
sababtay in Md. Ibrahim Cigaal uu wada hantiyo
dhamaan goboladda Somaliland.
Kadib geeridii Madaxweyne Cigaal waxaa si ku meel
gaara xilka loogu magacaabay inuu sii hayo inta
doorashada laga gaarayo Madaxweyne Daahir Riyaale
kaahin oo xiligaa ahaa ku xigeen, kolkaas kadibna
isna markii uu waqtigiisa dhameystay waxaa
dadweynaha reer Somaliland 2003 u dareereen codeyn
taas oo sababtay natiijooyinkeedii in uu ka dhasho
muran xoogan oo u dhaxeeya Dahir Riyaale iyo Axmed
Siilaanyo oo kala hogaaminayay labada urur ee kala
ah UDUB iyo KULMIYE.
Hadaba muranadaasi kadib waxaa maalinba maalinta
ka dambeysa soo xoogeysanayay talaabooyinka xiriirka
xukumada Dahir Riyaale iyo Itoobiya, waxaana taas
dadka qaar ay markaa u arkayeen in ay tahay tan ugu
dhaw ee aqoonsi keeni karta hadii Itoobiya si xooga
loogu dhawaado iyadoon maanka la’gelin arimo badan
oo kala ah sedan:
- isku dheeli tirka faa’iidooyinka Somaliland
iyo Itoobiya oo aan aheyn mustaqbalka dhaw balse
kan fog.
- danaha gaarka ay itoobiya Somaliland ka
dooneyso
- Mustaqbalka koonfurta Soomaaliya
Aqristow waxaan filayaa hadii amuurahan aan soo
xusay marka aad si dagan aad u daba gasho waxaa la
maqlilahaa isku dhacyo badan oo u dhaxeeya
Somaliland iyo itoobiya, balse ka fiirsasho la’aan
darteed waxaa ay keentay in la’oran karo 85% in
Itoobiya arimaheeda ay ku fushaneysay Somaliland,
waxaana taas daliil u ah dhaqaalaha iyo amniga oo
laga dheehan karo siyaabo kala dadban in ay lug ku
leeyihiin Itoobiyaanka.
Madaxweyne Riyaale hadaba
usii dhawaanshaha itoobiya waxaa la’oran karaa
faa’iido shaqsiya ayuu u arki karaa inuu ku qabo
maadaama Soomaalidu ay yihiin Beelo, isagana aan
marnaba suurta gal u noqonkareyn in ay Beeshiisa
xoog ugu sii heyso xukumada, taas hadaba waxaa ka
faa’iideysan karo baa la dhihi karaa Itoobiya oo si
xooga ugu sii heynkarta intuu doono xukumada, iyadoo
fal nuucan oo kale ahna uu horey u sameeyay C/llahi
Yusuf xiligii uu Puntland joogay.
Madaxweyne Riyaale waxaa ay si rasmiya u
dhamaaneysaa mudadii xilka loogu tala galay 16 May
2008, hadaba muran dheer oo dhexmaray xisbiyada
(9/04/2008), waxaa aysoosaareen in ay doorashadu
dhacdo balse go’aan arintaa kadaba tuur ah ayaa
kasoo yeeray odayaasha Guurtida kaas oo sheegaya in
Madaxweynaha xilka loo kordhiyay mudo 9-bilooda.
Go’aankan kasoo yeeray Guurtida ayaa ah mid ka
hor imanaya Xeerka Diiwaangelinta (Xeer Lr.
037/2008) kasoo qeexaya wixii kasoo horjeeda Xeerka
in ay ku heshiiyaan si siman Koominshanka iyo 3-da
Xisbi, taas waxaad moodaa in lugta lagu dhuftay oo
leyska madax adeegay.
Hargeysa, Garoowe iyo Muqdisha ayaa la’fili karaa
in ay iskusi u saameyso arimaha hada u gaarka ah
Muqdisho ee kacdoonka Muqaawamada, waxaan la’soconaa
xaalka dhabta ah ee damaca Itoobiya inuu sii
xoogeysanayo maalinba maalinta ka dambeysa
faragelinteeda Soomaaliya, waxaana shaki gali doonin
hamiga Riyaale ee uu ku tashanayo ciidamo
Itoobiyaana ineydifaacaan isagoo isticmaalaya awooda
sharciga ee ah inuu yahay Madaxweynaha Somaliland,
taas oo uu ku shabahidoono maamulada kale ee u
dhisan C/llahi Yusuf (TFG) iyo Cade Muuse
(Puntland).
Arimaha aan soo xusay hadii ay noqdaan sifooyinka
nuucaasa waxaa dhici doonta in Muqaawamadu ay ka
bilaabato gobolada kale ee dalka kuwaas oo aan hada
si rasmiya uga howlgalin muqaawamada.
Ugu dambeyntii waxaa muhiima in xalku uusan aheyn
xoog iyo digtatooriyad balse xalku uu yahay is
tixgalin iyo wada hadal taas ayaana ah dawada ugu
haboon, waxaana aaminsanahay in hadii uu Axmed
Siilaanyo noqonlahaa Madaxweynaha Somaliland in ay
waxbadan arimaha dadka bahwadaagta ah ee mandaqada
Geeska Afrika ee Soomaalida ah ay isaga soo dhawaan
lahaayeen taas oo aan aqoonteyda Siilaanyo iyo
fikradaha ay Soomaalidu ka qabaan in ay waxbadan oo
tanaasula uu dhici kari lahaa.
Waxaa Qorey:
Saciid Axmed Cabdilwaxid (Saciid
Nabadoon)
said@london.com