SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Gaajada, Gumaadka , Cudurada , & Biyo Laanta ka Taagan Soomaaliya

Hay'adaha Samafalka ee Dunida ayaa waxay Walaac aad u weyni ka muujinayaan Dalka Soomaaliya oo ay ku sii kordhayaan waayahaan dambe Gaajada, Gumaadka,Cudurada iyo Biyo la'aanta waxaanna ugu wacani Dagaallada Sokeeye ee sii daba dheeraanaya oo aan weli Xal loo helin ,ugu yaraan Carruur gaaraysa 500.000 ayaa ku geeriyooday ama in ka badan tan iyo intii ay soconayeen Dagaalladani Cusub ee imminka ka socda Dalka kuwaas oo intooda badani u dhintay gaajo ama Xasuuq ay u geysteen Ciidamada Gumeystaha .
dr ibrahimSomaliTalk oo Nairobi Waraysi kula Yeelatay Qoyska Dr. Ibrahim G. Cali,
oo ah Dhakhtar Somali-Kenyan ah oo ku xiran Maamul Goboleedka Puntland. Marwadiisa Balqiisa Saciid Baana waxay tiri.. Dhegeysi/Akhris..

Dhammaan Gobollada Dalka ayaa waxaa ka jira Biyo la'aan aad u darran oo Dadkii iyo Xoolihiiba ay ku sugan yihiin Xaallad aad iyo aad u murugsan, Dad fara badani oo u badan Carruur iyo Dadka da'da ahi ayaa looga soo deyrinaayaa inay ku sugan yihiin Xaalad aad u liidata Biyo la'aanta jirta darteed , Xoolihii waxay u dhammaanayaan Biyo la'aan oo ay weheliso Abaar aad u dheeraatay , Cabsida laga qabo in ay biyo la'aantani ku baahdo Dalka oo dhan ayaa waxay tahay in Meelaha qaarkood ay Nabadgelyadu ay tahay mid aad u Xun.

Baaritaano ay sameeyeen Hay'adaha Cuntada ee Adduunka ayaa waxay soo saareen in Dalka Soomaaliya uu u baahan yahay Xadi raashin aad u fara badan oo ka badan kii la bixiyey 1991-kii , sababtuna ay tahay barakaca ku dhacay Dadkii degenaa Koonfurta Dalka oo ah Goobihii wax soo saarka ee Dalka ,sida labada Webi ee Jubba iyo Shabeelle oo maanta noqday Goob Dagaal oo ay isku hor fadhiyaan Ciidamada Gumeystaha iyo Xaq u dirirka Soomaaliyeed ee diidan joogitaanka Ciidamada Maxaysatada ah ee Itoobiya .

Shirkan ay is hor fadhiyaan DFKMG ah iyo Isbahaysiga Dib u xoraynta Dalka ayaa wuxuu yahay mid ay ku xiran tahay inay Dhammaato Xaalladaha aannu kor ku soo Xusnay ee ah Gaajada,Gumaadka ,Cudurada, iyo Biyo la'aanta ka taagan Dalka Soomaaliya oo dhan marka loo eego kuwii hore ee laysku khaadacay ee Suudaan iyo Asmara ,rajada Shirkani waxaa laga yaabaa inuu noqdo mid ay ka soo baxaan go'aanno wax ku Ool ah haddii ay labada dhinaci ay Dib u eegaan Marxaladda uu Maantay Dalku ku Sugan yahay iyo Abaaraha sii Daba dheeraaday ee ay Dadkii iyo Duunyadiiba ay ku sii Hoobanayaan.

Haddaba, Dhammaan Shacabka Soomaaliyeed gaar ah Culumaa'udiinka ,waxaannu ka Codsanaynaa inay Dadka ku nool Qurbaha ugu wacyi Celiyaan inay Walaalahooda ku sugan Dalka Soomaaliya iyo Xeryaha Qaxootiyada ugu tabarucaan sidii ay uga gacan geysan lahaayeen Abaaraha ku Habsaday Dadkii iyo Duunyadiiba una gudan lahaayeen Waajibaadka Qof waliba kaga aadan ee u gargaaridda Shacabka Soomaaliyeed oo dhan.

Waxaannu ugu baaqaynaa Madaxda Labada Dhinac ee Shirka Jabuuti isku hor fadhiya inay Dib u eegaan Maslaxadda Shacabkooda isla markaana ay isu Tanaasulaan si loo badbaadiyo Ummadda Soomaaliyeed oo maanta ku Sugan Xaallad aysan weligood soo marin inta Taariikhda la ogyahay ,taas oo macnaheedu yahay Xornimo Dabadeed oo ay Maxaysato Itoobiya ahi Dalkii Dhextaagan tahay waa arrin aan Qof damiir lehi u Cunatamayn Taariikhda Soomaalida iyo Tan Dunidana ka geli doonta Baal Madaw.

Maqaalkani waxaannu ku soo koobayaa Gaajada, Gumaadka ,Cudurada,iyo Biyo la'aanta ka jirta Dalka Soomaaliya , waxaannu ugu bixi karnaa inaannu rabi u soo noqono waa imtixaan uu alle inagu imtixaanayo ,waana in Xarrrigga Alle wada qabsanaa kuna Midownaa
Midnimada Ummadda Soomaaliyeed ayaa looga bixi karaa Dhibaatooyinka maanta haysta Shacabkeenna rajada iyo Guushuna way dhowdahay oo wax yar ayaaba ka harsan .

Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf (Daandurey)
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 14, 2008

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS