SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Kenya: dad soo barakacay oo dib u dejin lagu sameeyey

Ku dhawaad 150,000 oo qoys ayaa waxa ay dowlada Kenya shegtay inay dib u dejin ku samaysay kadib markii ay ka barakaceen gobolka Rift Valley ee dalkan Kenya, qalalaasihii ka dhashay doorashayoonkii dhacday bishii December sanadkii lasoo dhaafay.

Qoysaskaaan ka barakacay dagaaladii ka dhashay doorashooyinki la isku qilaafay ayaa ayaa waxa ay gaarayaan 250,000 oo qoys iyadoo dib u dejina lagu sameeyey 150,000 oo qoys kaliya, sidoo kale waxaa dowlada Kenya ay isbuucaan ku wadaa in 60,000 oo qoys iyana dib u dejin lagu sameeyo

Dadkaan barakacay ee dib u dejnta lagu sameeyey ayaa waxa ay ka cabanayaan cunto iyo biyo la'aan iyadoo ay dowladana ay ku eedaynayaan in qorshihii horey ay u balan qaaday oo aysan hirgelin, sida in la heshiisiiyo qabiiladii is dagalay

Hase ahaatee qabiilka kikuuyada ay ah dadka ugu badan ee barakacay waxa ay ka dayrinayaan dib u dejintaan iyagoo sheegay inaysan dib uug laaban doonin halkii ay kasoo barakaceen ilaa inta dowlada ay ka xaqiijinayso sugida aamaankooda.

Dowlada Kenya ayaa waxa ay dadkaan soo barakacay u balan qaaday inay qoys waliba markii dib ugu laabtaan guryahooda dibu dhisi doonto guri ka kooban 3 qol iyo musqul sidoo kale waxa ay u balan qaaday inay iskuulo iyo xarumo caafimaad ay dhisi doonto, kadib markii dib u dejin ay ku samayso qoysaska barakcay iyadoo ay jiraan hay'ada ajaanib ah oo gargaar soo gaarsiiyey dadkaan soo barakacay.

Ariinkaan ayaa waxa uu rajo wayn ku abuurayaa qoysas farabadan kuwaasi oo kasoo barakacay rabshadahii ka dhashay doorashooyinkii ka dhacay dalkan Kenya sanadkii tagay, iyadoo uu arinkaana ku soo beegmayo xili dowlad wadaag ah laga dhisay dalkaan kenya oo ay ku midaysanyihiin xubnaha mucaaradka iyo madaxda dowlada.

Cabdikariin Maxamed Jimcaale (Muxsin)
Somalitalk- Nairobi
Muxsin55@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 13, 2008

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS