SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xikmad la'aanteenna sida aan Xantiir U Nahay

Assalaamu Calaykum wa Raxmatullaahi wa Barakaatuhu
Magaca Allaah Baan ku Bilaabayaa

Waa buraanbur gaaban oo ina xusuusinaya xaalka Soomaalida gaar ahaan iyo xaalka muslimiinta guud ah.
Allaah SWT wuxuu ku yiri qur'aanka kariimka ah "xusuusi xuustu waxay anfacdaa mu'miniintee"

Xaalka Soomaaliya

Xukunka la burburiyay iyo xaafadaha la rogay
gobanimada la xabaalay dalka loo jarjaray xubnaha
xayntii wada dhalatay xabbado say isugu sitaan
xukun jecaylkeenna wax kale aan la xeelinayn
xuma ku faankeenna sidaan loo xishoonahayn
xaaraanta la banaystay dumarkoo la xoogayaa
aan laga xishoonaynin habar xawd ah kay ku tahay
markaan xusuustaba walaal waa xanuunsadaa

Xaasaska dalaabay shacabka xaynba meel u diday
xerya naloo ooday sidii aannu xoolo nahay
xudduudda gaalada dhalaankeennu xooran yahay
xoogaa yar loo tuuro diintooda lala xarbiyo
markaan xusuustaba walaal waa xanuunsadaa

Ilaahow Xaakim iimaanka nagu xasili
Ilaahow Xaakim xubbigaagu nagu bataa
Ilaahow Xaakim xalaashaada nagu fillee
Ilaahow Xaakim Naartaada naga xijaab
Ilaahow Xaakim Jannadaada nagu xurmee
oo waan xadgudubnaye Raxmaadkaaga nagu xoree

Xudduuddeennii sidaan loo xurmaynahayn
xeebaheennii siduu gaal u xadahayaa
xaarufta qubula duriyada dalkii lagu xabaalayaa
Xabasho iyo Eritereya raggeennii ag xoonsanyahay
xurmada laga doonin gaal xaasidoo ku neceb
xikmad yaraanteenna sida aan xantiir u nahay
markaan xusuustaba walaal waa xanuunsadaa

Maraykan xoog beele siduu noo xasuuqayaa
siduu hawadeenna xoriyad ugu xantaashaa
xaafadduu doono hadba xayn ku laynayaa
isagoon xoog nooga baqahaynin ama xisaab
xurmana noo hayn nafteenaan xaqirid badnee
markaan xusuustaba walaal waa xanuunsadaa

Xaalka muslimiinta guud ahaan

Xudduuda dhaqankeenna kitaab kii xukumilahaa
xag walba nolosheenna koobo Ilaah xafiday
isagoon xaraf dhaafin Nabigu xeer inooga dhigay
haddaan ku xirraano naftu ay xasili lahayd
xayaata wanaagsan dhammaan aan xamdi lahayn
xarrago iyo sharaf nafluhu ina xurmayn lahaa
dunida xubinteenna xayi aan u heli lahayn
maalinta xisaabta Ilaah ina xorayn lahaa
inagoon xakaar marinin Janna noo xukumi lahaa
isaga oo xiran siduu xaafadaha u yaal
saan xuruuftiisiyo xudduuddiisa loo aqoon
Xaddiiskii Nabiga sidaan loo xurmaynahayn
xuquuqda muslimiinta sidaan loo xaq dhawrahayn
xaqqa qofkii sheega badi loo xaqirahayaa
markaan xusuustaba walaal waa xanuunsadaa

Xubnaha muslimiinta cadaw suu u kala xirxiray
xudduud ugu sameeyay xoogoodu suu u jabo
xukaamtoodana siduu gaal u wada xukumo
xuruuf ugu yeersho sidii ay xoghayn yihiin
markaan xusuustaba walaal waa xanuunsada

Xabbada lala dhacayo Falastiin xisaab la'aan
xabadka laga toogto siqiir aan xog kala ogayn
xajar markuu tuuro madfaca xiinka looga dhigo
sida Xamaas iyo Jihaad loo xasuuqayaa
markaan xusuustaba walaal waa xanuunsada

Allow gaalada ka xayuubi sharaftoo xantiir ka yeel
Allow xooggoodu sida xoorta uu u guro
Allow Qudus ku soo xiranto Xaramaynka oo xoree
Ilaahow Xaakim xurmada uu islaamku helo
Ilaahow Xaakim xiligiisa soo dhawee
Ilaahow Xaakim dunida xeer isagu u dhigo
oo waa xaqqaagee kitaabkaaga lagu xukumo

Aamiin aamiin aamiin

Khayrka Allaah hayna waafajiyo

cabda cabdullaahi
cabda12@hotmail.com
cabda12@gmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 13, 2008

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir: webmaster@somalitalk.com

IIDHEH

XAYAYSIIS

Copyright © 1999-125 SomaliTalk.com All rights Reserved.