SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Simninaar looqabtay macalimiin iyo garsoorayaal Xiriirka Soomaliyeed ee kubadda
koleyga (Muqdisho)

Sawirada Halkan ka daawo...

Siminaarkan ayaa waxaa loo qabtay garsoorayaal iyo macalimiin ka tirsan kubadda koleyga,siminaarkaas ayaa lagu baranayey horumarinta Sportiga gaar ahaan kubadda koleyga.

Siminaarkan ayaa waxaa Bare ka ahaa Gudoomiye ku xigeenka xiriirka Somaaliyeed ee kubadda koleyga dhinaca Frasamada Abdiaziz Godah Barre.

Siminaarkan ayaa waxaa uu socdey mudo Sedex maalmood ah.

Furitaankii siminaarka ka hor ayaa waxaa uu Abdiaziz oo qalabka warbaahinta siiyey warbixin gaaban waxaana hadaladiisii ka mid ahaa' Ugu horeeyn waxaan u mahadcelinayaa warbaahinta somaaliyeed, marka labaad aad ayaan ugu faraxsanahay inaan maanta macalimiinta iyo garsoorayaasha xskk aan kala qayb qaato Siminaar aan aqoonteena heerka ay gaarsiisan tahay iyo sidii aan guud ahaanba u hormarin lahayn cayaartan ka wada hadlidoono sidaas waxaa hadalkiisii ku bilaabay Abdiaziz.

'Macalimiinta ama garsoorayaalka wadanka Dibadiisa jooga waxaa ay idiinka duwan yihiin, kuwa dibadda jooga waxaa ay helaan wax u fududeeya shaqadda ay qabanayaan intaas waxaa raaciyey Abdiaziz.
Abdiaziz oo la dardaarmayey macalimiintaas iyo garsoorayaasha ayaa waxaa ku soo gabagabeeyey maamulka kubadda koleyga waa maamul wanaagsan, haddii uu xumaanlahaa maqabteen ciyaarahan faraha badan, marka waxaan idinkula talin lahaa in maamulkan wanaagsan aad taageertaan.

Waxaana furitaankii iyo xiritaankii Siminaarkaasi hadalo kookooban soo jeediyey Gudoomiyaha Xiriirka Somaaliyeed ee kubadda koleyga Aadan Xaaji Yabarow (Wiish), waxaana goob joog ka ahaa ku xigeenkiisa (Roombe) iyo kusimaha xoghayaha Cabdi Cabdulle (Baasaale).

ABDIAZIZ GODAH
agodah@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 13, 2008

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS