SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Xisbiga Ha Noolaato oo War Murtiyeed ka Soo Saaray Xaaladda Soomaaliya


Xisbiga Waddaniyiinta Soomaaliyeed ee HA NOOLAATO oo todobaadkii hore lagaga dhawaaqay magaalada London ayaa war murtiyeed rasmi ah oo uu soo saaray caawa kaga hadlay xaaladda dalka Soomaaliya. Xisbigu war murtiyeedkiisaas wuxu wer-wer kaga muujiyey xaaladda maanta Soomaaliya ku sugan tahay. Waxa kale oo xisbigu qoraalkiisa ku cambaareeyey fara-gelinta qaawan ee ay Soomaaliya ku hayaan waddamo dunida ka tirsan.

War Murtiyeedkaas oo koobani waxa uu u qornaa sidatan:

Xisbiga Waddaniyiinta Soomaaliyeed oo u taagan dhismaha qaran haybad leh, bulsho hodan ah iyo hannaan dowladnimo oo wanaagsan oo Soomaaliya ka hirgela wuxu cambaraynayaa falalka arxan darrada ah ee maalin walba ka dhacaya magaalada Muqdisho ee ay geysanayaan ciidamada Ethiopia. waxa kale oo xisbigu muujinayaa in uu aad uga xun yahay dhacdadii dhowaan ka dhacay magaalada Baydhaba ee lagu laayey shicib Soomaaliyeed oo jooga dalkoodii ay ku dhasheen. Waxaanu xisbigu ugu baaqayaa xukuumadda Ethiopia in ay ciidankeeda sida ugu dhakhsaha badan ugala baxdo Soomaaliya.

Xisbiga Waddaniyiinta Soomaaliyeed ee HA NOOLAATO wuxu si mug leh u cambaaraynayaa falalkii isdaba joogga ahaa ee ciidamada Maraykanku ka fuliyeen magaalooyinka Dhuusomareeb iyo Dhoobley ee ay ku geeryoodeen shacabka faraha badani. Xisbigu wuxu u arkaa in arrintaasi ka soo horjeeddo Qodobka 2aad ee Axdiga Qaramada Midoobay (The UN Charter) oo dhigaya in dhammaan xubnaha Ururka Qaramada Midoobay ay ka joogsadaan in ay xiriirkooda caalamiga ah u isticmaalaan haddidaada iyo weeraridda dal kale oo madax bannaan ama ay ku kacaan ficil ka soo horjeeda ujeeddooyinkii nabadeed ee loo aasaasay Qaramada Midoobay. "All Members shall refrain in their international relations from the threat or use of force against the territorial integrity or political independence of any state, or in any other manner inconsistent with the Purposes of the United Nations" Sidoo kale Xisbigu wuxu si aan gabbasho lahayn u difaacayaa shacabka Soomaaliyeed sida Maraykankuba u difaacayo shacabkiisa.

Xisbigu waxa kale oo uu cambaaraynayaa gabbood falkii ka dhacay magaalada Hargeysa ee shicibka deggan xaafadda Axmed Dhagax sida tooska ah loola dhacay xabbadaha nool. Xisbigu wuxu aammin san yahay in muwaadiniinta Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaanba leeyihiin dhowrsanaan, dembina ay tahay in dhiiggooda la daadiyo.

Xisbigu wuxu ayidayaa warbixintii dhowaan ay soo saartay hay'adda u doodda xuquuqda insaanka ee Amnesty International, kuna saabsanaa tacaddiyada ay ciidamada Ethiopia ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

Xisbiga HA NOOLAATO wuxu ka soo horjeedaa falalka ay caadaysteen maamulada iyo qab-qablayaasha Soomaalida ee dad nool loogu dhiibayo cadowgiisa. Arrintaas oo ka soo horjeedda Islaamnimada, dhaqanka soo jireenka ah ee ummadda Soomaaliyeed iyo qaynuunka caalamiga ahba. Waxaanu Xisbigu cambaaraynayaa dhacdooyinkii dhowaan ka dhacday magaalooyinka Garoowe iyo Gaalkacyo taas oo isirka ay ka soo jeedaan darteed gacanta loogu geliyey Ethiopia rag marti u ahaa goboladaas. Xisbigu wuxu taageerayaa go'aankii geesinimada lahaa ee odayaasha gobolada Nugaal iyo Mudug ay ku cambaareeyeen dhiibistaas cadowga loo dhiibay nimankaas Soomaaliyeed.

Xisbiga HA NOOLAATO wuxu ka soo horjeedaa in muwaadiniin Soomaaliyeed lagu maxkamadeeyo dalka Faransiiska, arrintaasi waxa ay meel ka dhac iyo gacan-bidixayn ku tahay madax-bannaanida Soomaaliya (Somali State Sovereignty). Dowladda Faransiiskuna xaq uma laha in ay dadkayaga maxkamadayso sida annaguba aannaan u maxkamadayn karin dad Faransiis ah oo jooga dalka Faransiiska.

Xisbiga waddaniyiinta Soomaaliyeed ee HA NOOLAATO wuxu soo dhoweynayaa dedaalada nabadeed ee dib u heshiisiinta Soomaaliya ee uu wado wakiilka Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ahmedu Ould Abdalla. Waxaanu xisbigu taageerayaa dedaal kasta oo ummadda Soomaaliyeed u horseedi kara nabad iyo nolol, isla markaana soo afjari kara fara-gelinta shisheeye iyo dhaxal-wareegidda qaranimadii Soomaaliya.

Ugu dambayn muwaadiniitna Soomalaiyeed meel kasta oo ay joogaanba waxa aannu xusuusinaynaa in dhammaan dhibaatooyinkan iyo kuwa kale ee ka sii badan ee ka dhacaya dalkeena ay ku yimaaddeen bur-burka qaranimadii weynayd ee Soomaaliyeed iyo kala qaybsanaanta shacaba walaalaha ah ee Soomaaliyeed. Sidaa darted Xisbiga waddaniyiinta Soomaaliyeed ee HA NOOLAATO wuxu ugu baaqayaa ummadda Soomaaliyeed si ay u ilaashaadaan madaxbannaanidooda halista ku jirta in ay midoobaan, qalbiyadooda isu soo jeediyaan una diyaar garoobaan soo celinta qarankii weynaa ee Soomaaliya.

Soomaaliya Ha Noolaato

Maxamed Cali Bilaal
Xoghayaha Warfaafinta ee Xisbiga HA NOOLAATO
hannoolaato@googlemail.com


Faafin: SomaliTalk.com | May 13, 2008


Xisbi Weyn oo Siyaasadeed oo Lagaga dhawaaqay London

Urur Siyaasadeed weyn oo loo bixiyey Ururka Waddaniyiinta Soomaaliyeed ee HA NOOLAATO ayaa habeenkii xalay lagaga dhawaaqay magaalada London.

War murtiyeed uu ururka cusubi soo saaray isla xalay ayaa u qornaa sidatan:

.Markaannu aragnay mushaakilaadka, dhibaatooyinka iyo ayaan darada ku dhacday ummadda Soomaaliyeed

.Markaanu dhuganey burburka lixaadda leh ee ku yimi qaranimadii soomaaliyeed iyo halista xoogga leh ee soo foodsaartay jirataankii iyo madax-bannaanidii waddanka.

.Markaannu u adkaysan weynay oohinta shacabka, dilka, cirib-tirka iyo isku dilka ummadda Soomaaliyeed.

.Markaannu helnay xogo rasmi ah oo ku saabsan ujeeddada iyo siyaasadda fog ee ka dambaysa soo gelitaankii ciidamada Ethiopia ee Soomaaliya, isla markaana aannu u adkaysan weynay kana damqannay dilka, tacaddiga iyo bara kicinta joogtada ah ee ciidamadaas Ethioipa ku hayaan shacabka Soomaaliyeed.

.Markaannu eegnay kala qaybsanaanta, kala dhaqaaqa iyo kala fogaanta ay ku sugan tahay ummadda Soomaaliyeed

.Markaanu derisnay hagar-daamada iyo halaagga ay ummadda Soomaaliyeed badeen jiilkii naga horreeyey ee ku soo jiray siyaasadda Soomaaliya, isla markaana aannu ogaannay in hoggaamiyayaashii hore ee siyaasiyiinta u ahaa Soomaaliya ku fashilmeen xal u helida dhibaatada Soomaaliya ee qaan qaartay.

.Markaanu aragnay dhibaatooyinka bulsho ee aan xadka lahayn sida dagaalada, abaaraha, cudurrada, aqoon la'aanta, iyo kala daadsanaanta bulsho ee maanta bulshada Soomaaliyeed haysata.

Waxaa lagama maarmaan noqotay in la helo Urur Siyaasi ah, Kacaan ah, Wadani ah, Is-beddel doon ah isuna taaga badbaadinta dadka iyo dalka soomaaliyeed. Sidaas darteed ayay isu-tagga faca cusub ee Soomaaliyeed ee ku kala baahsan dacalada dunida is-tuseen, isla gorfeeyeen, isla fahmeen, islana garteen isla markaana isla qaateen aasaasidda URURKA WADDANIYIINTA SOOMAALIYEED EE HA NOOLAATO.

Ujeedooyinka Ururka HA NOOLAATO waa 5 ujeeddo oo kala ah:
a) Ka xoraynta Bulshada shanta cadow ee kala ah: Colaadaha, Qabyaaladda, Saboolnimada, Aqoon darada iyo Sunta Cagaaran ee Qaadka
b) Dhidibo u saarista dulmiga, cadaawadda iyo kala qaybsanaanta ka jirta Soomaalida dhexdeeda
c) Soo celinta waddaniyaddii, is jacaylkii iyo iskaashigii ummada Somaliyeed
d) Xoojinta fahamka iyo barashada diinta Islaamka
e) Abuurista nabad, caddaalad iyo horumar si loo gaadho hannaan dowladnimo oo wanaagsan, bulsho hodan ah iyo qaran haybad leh.

Aasaasayaasha ururka HA NOOLAATO waxa ay isla xalay doorteen guddi ku meel gaar ah oo ururka gaarsiisa shirweyne. Waxa ayna aasaasayaasha ururku Guddoomiye u doorteen Cismaan Abokor Maxamed halka xubnaha kale ee guddida ururkana loo doortay mudanayaasha kala ah:

1) Xassan Maxamed Diiriye
2) Cabdi Xay Cismaan Garaad
3) Maxamed Cali Bilaal
4) Shariif Cali Shariif Axmed
5) Shirwac Maxamed Jaamac
6) C/Weli Maxamuud Qurux

Wixii faahfaahin ah ee aad u baahan tahay fadlan kala soo xiriir cinwaandan hoos ku qoran:
Emailka Ururka oo ah: hannoolaato@googlemail.com
Ama xubnahan hoos ku qoran ee kala ah:

Xassan Maxamed Diiriye (07946379862)
Cismaan Abokor Maxamed (07932986048)
C/Weli Maxamuud Qurux (07828533441)

April 28, 2008

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS