Barnaamijkii Radio Xoriyo
10 May 2008.
Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga
Waxyeellooyin gumaysigu u gaystay dadwaynaha
Ciidammada Itoobiya oo lagu eedeeyay xadgudbyada ay ka
wadaan Soomaaliya
Eritereya oo beenisay eed-sheegashada Jabuuti
Xukuumada Gumaysiga oo ku guuldaraysatay inay safiir
cusub ku yeelato Australia.
Banaanbax lagu cambaaraynayay maamulka Puntland oo ka
dhacay Afmadow(Waraysi Suldaan Saabir Khaliif)
======================
Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga
Toddobaadyadii ina dhaafay dagaallo badan oo dhex-maray
CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya, kuwaasoo ka dhacay
meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah, waxaa
ciidammada gumaysiga lagaga dilay ugu yaraan 91 askari,
waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 107 askari. Waxaa
kaloo ciidammada gumaysiga dagaalladaas lagaga furtay
hub kala duwan, sidaas waxaa noo soo shaagay wariyaha
nooga soo warrama dalka Ogaadeenya. Dagaalladaasina
waxay u dhaceen sidatan;
08/05/08 Bashuuro, oo Fiiq ka tirsan, waxaa lagu
weeraray ciidammo gumaysigu leeyahay oo halkaas hawlgal
u joogay, waxaa weerarkaas lagaga dilay 3 askari, 7
kalana waa lagaga dhaawacay. Waxaa sidoo kale lagaga
furtay hub iyo saanad kale oo millatari.
07/05/08 dagaal ka dhacay Miir-danbas, oo Caado u dhaw,
waxaa ciidammada gumayisga lagaga dilay 2 askari, 4
kalana waa lagaga dhaawacay.
03/05/08 dagaal ka dhacay Cawl-ku-dhal, oo ka tirsan
degmada Dhagaxbuur, waxaa ciidammada gumatysiga lagaga
dilay 4 askari, 2 kalana waa lagaga dhaawacay.
02 iyo 03/05/08 weerarro gaadmo ah oo lagu qaaday
ciidammo gumaysigu leeyahay oo hawlgal u joogay Samu, oo
ka tirsan degmada Dannood, waxaa gumaysiga lagaga dilay
8 askari, 7 kalana waa lagaga dhaawacay.
Isla 02/05/08 dagaal ak dhacay duleeska Garasley, oo ka
tirsan degmada Dhuxun, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga
dilay 4 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.
02/05/08 dagaal adag oo ka dhacay duleedka Dudumo-cad,
oo ka tirsan degmada Fiiq, waxaa ciidammada caga-jiidka
ah ee gumaysiga lagaga dilay 12 askari, 15 kalana waa
lagaga dhaawacay.
28/04/08 cutubyo ka tirsan CWXO ayaa weerarro la isku
beegay oo mir ah ku qaaday seddex xero oo ciidammada
gumaysigu ku leeyihiin magaalada Fiiq, waxaana inta la
ogyahay weerarradaas cadowga lagaga dilay 45 askari,
waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay in ka badan 50 askari.
Weerarradan ayaa ahaa kuwo si fiican loo qorsheeyay,
waxaana la gubay qaybo ka mid ah xeryihii la weeraray.
21/04/08 Gidhibka, oo Godey ka tirsan, dagaal ka dhacay
waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 2 askari, 7
kalana waa lagaga dhaawacay.
15/04/08 dagaa isaguna ka dhacay duleedka
Laas-dhankayrre, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay
7 askari, 9 kalana waa lagaga dhaawacay.
Waxyeellooyin gumaysigu u gaystay dadwaynaha
Ciidammada nacabka ah ee gumaysiga Itoobiya ayaa
waxyeellooyin kala duwan u gaystay dadwayne rayad ah oo
ku sugan meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah.
05/05/08 Xero-safar, oo ka tirsan degmada Dhuxun, waxay
ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Faalug C/raxmaan iyo
2- Deeq Axmed Taajir
Isla 05/05/08 waxay ciidammada gumaysigu magaalada
Dannood ku xidhxidheen dad badan oo shacab ah, waxaana
magacyadooda helnay dadka kala ah;
1- Axmed Daa’uud Xaashi
2- Xasan-raage Saahid
3- Sh C/llaahi Saahid
4- Dhabbar Saahid iyo
5- Xasan C/llaahi Aaden
30/04/08 Gudhis waxay ciidammada gumaysigu ku
xidhxidheen dadka kala ah;
1- Sahra Gaboobe
2- Sacda Bashiir Aaden
3- Buux Cakuulle Axmed
4- Axmed Nuur Cabdixayi iyo
5- C/llaahi Xukun Amiir
29/04/08 magaalada Garbo waxay ciidammada gumaysigu ku
xidhxidheen gabdhaha kala ah;
1- Ruqiya C/qaadir Qalinle iyo
2- Hinda Nadiir
28/04/08 magaalada Iimey waxay ciidammada gumaysigu ku
xidheen ninka lagu magacaabo Cabdi Xuseen Qorof.
27/04/08 waxay ciidammada gumaysigu magaalada Dhagaxbuur
ku xidhxidheen labo gabdhood oo lagu kala magacaabo;
1- Xabsa Aw Muuse
2- Caasha Amal Cumar
Ciidammada Itoobiya oo lagu eedeeyay xadgudbyada ay
ka wadaan Soomaaliya
Ururka xuquuqda aadanaha u dooda ee Amnesty
International ayaa si kulul u eedeeyay xadgudubyada
naxariis darrada ah ee ciidammada gumaysiga Itoobiya ka
wadaan dalka Soomaaliya.
Ururka Amnesty International warbixin uu toddobaadkan
soo saaray ayuu ku sheegay in dadka soomaaliyeed loo
gaysto dil, kufsi, jidhdil, isla markaana hantida la
booboo oo xaafado dhan la burburiyay guud ahaantoodba.
Dad uu waraystay ururka Amnesty International oo ku
sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegay inay dadka si
ba’an loo xasuuqo, iyadoo ragga Xiniinyaha laga gooyo
intaan la dilin, dumarkana la kufsado. Xadgudubyadan
ayaa lagu eedeeyay ciidammada gumaysiga Itoobiya ee
haysta dalka Soomaaliya iyo malleeshiyooyinka dowlaga ku
meelgaadhka ah ee la hawlgala ciidammada Itoobiya.
Ururrada Bulshada ee ka hawlgala magaalada Muqdisho ayaa
sheegay in warbixinta Amnesty International ay wax yar
ka tilmaantay dhibaatooyinka ay ciidammada Itoobiya ka
gaystaan dalka Soomaaliya, iyagoo intaas raaciyay inay
adag tahay in xadgdubyadaas la wada-ogaado, maadaama oo
ururrada xuquuqul insaanka laga mamnuucay dalka
Soomaaliya, ururrada samafalkuna ayna si fiican uga
hawlgalin.
Ciidammada Itoobiya ayaa sida caadada u ahayd waxay
cagta mariyeen dadwaynaha rayadka ah ee Soomaaliya, ka
dib markii ku guul darraysteen inay iska caabiyaan
xoogagga soomaaliyeed ee la dagaallamaya, kuwaasoo
beryahan denbe guulo la taaban karo ka soo hoyiyay
ciidammada gumaysiga, isla markaana ka qabsaday
magaalooyin badan oo ay horay u haysteen.
Eritereya oo beenisay eed-sheegashada Jabuuti
Dowlada Eritereya ayaa beenisay eed-shaagasho kaga timid
dhinaca Jabuuti oo ku saabsan in ciidammada Eritereya ay
galeen qaybo ka mid ah dalka Jabuuti.
Dowlada Jabuuti ayaa horraantii toddobaadkan waxay
warqad cabasho ah u qortay Golaha Ammaanka ee Qaramada
Midoobay, kaasoo ay ka codsatay inuu soo kala dhex-galo
iyada Eritereya oo isku khilaafsan tuulo xadka ku taalla
oo lagu magacaabo Doumeira.
Dowlada Jabuuti ayaa cabashadeeda ku sheegtay in
Eritereya ay maab cusub samaysay, kaasoo ay ku
muujinayso in tuulada Doumeira ay ka mid tahay dhulka
Eritereya.
Danjiraha Eritereya ee Midowga Yurub ayaa sheegay
inaanuu warqadaas waxba kala soconin, isla markaana ay
dowlada Eritereya aad ula fajacday eed-sheegashada
Jabuuti. Wuxuu kalo intaas raaciyay in dalka Eritereya
aanuu wax dhibaato ah la wadaagin Jabuuti, waligiina
aanuu dhibaato u gaysanin.
10 May 2008
Axmed Gaal-Eri
Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com
Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB
ee dhererkeedu yahay 7560 KHZ,iyo internetka
Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida
5:00PM – 5:30 waqtiga Afrikada Bari