SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Wasiirro Puntland ah oo maalintii labaad kulamo la leh maamulka Mudug.

Wafti heer xukuumadeed ah oo ka socda maamulka Puntland oo uu hogaaminayo wasiirka maaliyadda Maxamed Cali Yusuf Gaagaab muddo dhowr maalmood ah kusugan magaalada gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, ayaa maalintii labaad kulamo gooni gooni ah la yeelanaya mas’uuliyiinta maamulka gobolka iyo taliyayaasha saldhigyada iyo kuwa ciidamada booliska iyo daraawiishada ee isla gobolka Mudug.

Waftiga xukuumadda Puntland oo ay ka mid yihiin wasiirada maaliyadda iyo qorshaynta ayaa kulamadoodu ay ku saabsan yihiin sidii loo adkayn lahaa ammaanka gobolka Mudug, oo muddooyinkii dambe laga dareemayey dhacdooyin ammaanka wax udhimikara, taasi oo dhalisay in haatan shirarkaan in diiradda lagu saaro sidii looga hortagi lahaa arrimahaasi.

Mas’uuliyiin shirkaasi ka qayb galaysa ayaa saxaafadda u sheegay sida ay laga maarkaan u tahay in gacan bir ah lagu qabta amniga Puntland, gaar ahaan kan gobolka Mudug oo ay sheegeen in uu yahay gobolka ay ku furan yihiin waddooyin badan sida koonfurta, gobollada dhexe, waqooyiga, iyo waliba ismaamulka Soomaalida Itoobiya, taasi oo ay mas’uuliyiintu sheegeen in ay suurto galli karto dhacdooyin laga fuliyo.

Ma’ahan markii ugu horraysay oo wafti heer xukuumadeed ah oo ka tirsan maamulka Puntland ay yimaadaan magaalada Gaalkacyo, isla markaan ay kulamo nocaan oo kale ah ay la yeeshaan mas’uuliyiinta maamulka gobolka kan degmada iyo taliyayaasha ciidamada Booliska iyo Daraawiista ee gobolka Mudug.

bashir cumar cali/gaalkacayo

bashiir137@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 12, 2008

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS