Faallo : Golaha Xaaraanta ! (Do Nothing Parliament)
By Gendisch May, 2008
Waxaa loo igmaday
in ay dhulka ka qaadaan qarinkii dumay ee duulkii ka horeeyey
dhulka ku jideen, waxaa aysan garan qiimaha hayada loo magaacaby
( looma dooran) iyo qiimaha ay lee yihiin , waxaa hogaamiyey wax
indhala, wax aan wax maqal, wax dareen qaranimo laheeyn , wax ay
ku yartahay dareenka baniaadanimo iyo mida qofnimo iyo
soomalinimo. Waxaa sidaas ku sifeeye qoon yahan soomaliyeed oo
wax laga waydiiye inuu tilmaamo golaha shacabka ku meel gaarka
ah ee soomaliyeed. Oo aad uga xumaaday markii golahaas lagu
unkay dalka keenta mudo haatan laga joogo 4 sano iyo saaraar.
Marka hore waxaa noo cad in qarankii soomaliyeed tagay oo gaaray
meel aan maanta ka soo laaban Karin , cidina umma maqna ceelna
uma qodna , ummadii waa rajo dhigeen I wax dowlad oo soomaliyeed
dalka ka hirgali doonowaqti aaad ka yareen intii ay dowlad
la’aanta ahayd oo ku dhow 20 sano . waxaa adkaatay in saadaaliyo
meesha uu ku dhamaan doono mustaqbalka qarakii la oran jiray
soomaliya .dagaalada shacabka iyo maatada lagu halaajiyey ee
muqdisho ka sokoow iyo Waxayaabaha ugu qormoon waxa dalka ka
dhacaya ka sokoow maalin kasta , waxaa iigu yaab badneeyd markii
la gaaray waqti wixiii xamar ka dhacay ee kacdoonkii shacabka
saldhigga u ahaa ee dhoofinta wadaada ay ka bilaabatay ,
Gobolada bari ee soomaliya gaar ahaa ( Bari iyo Mudug) , iyodoo
muwaadiniin Somali galbeed markii ugu horeeysay laga dhoofiyey
magaalooyn badan wixxi u dhashay Somali galbeed , iyo wixii ka
hadlay xumaantaas iyo xaqdaradaas aan somaliya meelna ka soo
galin.
Waxaa xigay kadib
markii Maadxwayne cabdilaahi yousef uu Washington yimid in loo
dhigay xafalado badan oo qaarkood ay ka heeesayeen dad wadanka
itoobiya u Dhashay oo garbaha wada lulaya, waxaa dhacday in
dadkii soo dhaaweeynayey madaxwaynaha qaarkood ay meesha ka
hadleen oo yiraahdeen, dad baa amxaarka ka qaylinaya miyaanaay
ogeeyn in amxaarka ay dad keensadeen “ Ka naxoow nafta waa “ rag
bay dantood noqotay inaay sidii kuwii ka horeeyey soomali u
duleeytaan ficil qurmoon oo qabiil dartiis. Mudo haatan laga
joogo qarni ayeey soomali haadaantaan oo kale ka dhacday , waa
dagaalkii lagu jabiyey Sayid maxamed Cabdulle Xassan oo soomali
kala qaybnsankeeda in qoloba meel aado oo shan wadan u kala
qaybsan saldhig u ahaa, waxaa uu ingiriisku u kaashaday qabaailo
soomaliyeed jabintii sayidka. Kuwaas oo uga daraa Codowga
ingiriiska . hada iyo maanta Raadkii ayeey ku joogtaa. In inta
hartay qarankii soomaliyeed lagu ka diro loona adeegsado
qabaailo soomaliyeed . waxaa amxaarka u muuqdau in muqdisho
tahay in meesha kaliya ee soomaliya diin, dhaqaale iyo wadanimo
intaba laga hadal hayo aay tahay , kadib markii intii kale xidi
xidid iyo qabiilo-qabiilo , jufo jufo hoose look ala qaaday
gaarsiiyeyna in reeraha soomaaliyeed , tigraay yardaha u kale
qaado . miyaaneey ahayn in kaliyana ee itoobiya u soo aaday
muqdishu si aan mar danbe loo maqal diin iy dhaqaale soomaliyeed
saldhig u noqota inta kalana ay ku soo hirtaan . dad daa oranya
amxaarka waxaa u yeertay wadaadada iyo ganacsatada la socota,
yaa waabe markii ay hubka ku daldalyeen 1991 -2006
hogaamiyeyaahii duloobay ma maxakiimbtibaa ayaa dalka joogay
Hadii aan
maqaalkeeyga dib ugu soo laabto , markii la aasaay golihiaa
shacabla eek u meel gaarka ah, soomali aad ayeey uga naxday,
waayo waxaa isku baheeystay dad ay soo xuleen kuwii Somali ugu
xumaa dadnimo, aqoon , iyo wadaninimo intaba ,waa hogaamiye
kooxeedkii duleeysnaa soomali nabada u diidaday 17 sanadood,
waxaa taa xigay in mid kasta oo ka mid ah inta aan baarlamaanka
lagu darin itoobiyaanka laga soo ogolaado , miyaanay ahayan
golihii xaaraanka maanta somali heeysata wakiilka ka ahaa. Waxaa
mar aan wax ka waydiiyey oday soomaaliyeed oo u dhuun dalaala
arimaha baarlmaanka embekgaati waxaa uu igu yiri “ Golhaan wax
kasta oo aamin yihiinba waxaa ka daran in ay yihiin kuwo
aqoontooda islaanimo iyo mid maadi ama celmi intaba uu aad u
liito marka loo fiiriyo , somalida inteeda kale, waxaa cadeeyey
in 2/3 aanay wax aqoon ah laheeyn. Inta kalana ay yihiin kuwa u
liita oo aan garan Karin danta qaranka iyo tan qofnimo . waxaa
shaki ku jirin in somaliya ilaa octoobar 2009 laga gaarayo ay
Somali aanay dhinacana u bixi doonin, oo sidaaas iskaga daba
wareegi doonta oo marna xal siyaasaded iman doonin. Waxaa loo
baahan yahay in danta tahay.
- in loo qorsheeysto inaan marna aanay dhicin in golahaas ito wax ka mid
ah aanay soomali dib danbe u soo hor istaagin una matalin. Kuwaas oo ku
sifoobay golihii shacabka ee Somali soomara kuwii ugu xumaa.
- in la diido wax la yiraahdo kordhin waqti danbe oo ay ka sii mid noqdaan
golaha shacabka kadib markii uu waqtigoodu dhamaado . kuna eg bartamha
sanadka 2009.
- in beelaha soomaliyeed aana dib danbe u soo magacaabi Karin inta ka
midka ah golahaan markaa baarlaaankan waqtigiisu dhmaanato
- in la ciqaabo qof shaqsi kasta oo maanta ka sii mid ahaada golaha
xaaranta iyo xanuunka qaranka soomaliyeed ( golaha shacabka somaliyeed ) Qof
kasta oo ka mid ahna loo aqoonsado inuu yahay qayaame qaran ( treason )
kadib marka lagu dhawaaqo manifesto guud oo looga codsanyo inaay is
casilaan.
- in dadaal loo galo sidii laga joojin lahaa lacagta xaaraanta ah ee UNDP
ku siiso baydhabo si ay u kala yaacaan oo aanay u sii joogin , saldhiga
cadowga soomaliyeed ee itoobiya uu arimihiia ka fushado ee baydhabo .
- In go’aan laga gaaro sida laga yeelayo cidii danbe ee isku dayda inaad
dib uga sii mid ahaato golaha shacabka wixii ka danbeeya octoobar 2009
- In golaha shakabke ee danbe laga meel mariyo sharci ah inaan laba goor
wax ka badan la dooran Karin golaha shacabke ama aysan tartami Karin. ( two
term ) taasoo ku qasbeeysa inaanay golaha shaqo ka dhigan oo ay meherad kale
yeeshaan.
Waxaan shaki ku jirin in ay qorsheeynayaan in ay kordhistaan waqtiga loo
qabatay inaay ka sii mid ahaadaan golaha shacabka, ayna iman doonto in ay marka
hore iyagu kordhistaan hadaan laga hor tegin sida soomali meel ay joogtaba u
jeceshay kadin markii ay miiska soo fuulaan ay diidaan in ay ka degaan, taa
waxaa xigi doonta waa hadaan ina yousef yeey in uu damco in yiraahdo anigana ha
la ii kordhiyo waa sidii puntland kale hore ka dhacadaye. Golahan laaluushuna u
kordhiyaan hadii aan hada laga sii tabaabusheeysan , maadaama waxa ay qaybteen
qarankii soomaliyeed aan ilaa hada la arag. Marka laga reebo ansixinta ciidankii
itoobiya oo dalkooda ay ku soo hogaamiyeen iyagoo aan u kale reebneeyn. Waayo
hadii ay damiil leeyihiin kuwii diinaa markii la keenay ayeey golahan iskaga
bixi lahaayeen, maqaal kuma soo koobi karo Sidii looga hortagi lahaa inaanay dib
ugu soo noqon masiirka ummada soomaliyeed duligan ummada duleeystay waxaana
hadalkeyga ku soo gunaanudayaa gabaygii dalkaa yaa leh ee Caanamoog maajo 2008 :
uu kaga warameyey. Sida soomali dalkeeda loo dumiyey loona dabartiri rabo oo
aanay wali si wada jir ah u arag. Laakiin maalin ay noqotaba halgankaasi u sii
kordhi doono. Dalakana amxaar iyo wixii la socday ay la bixi doonaan.
Nimanyahow dadkiinan aarkaa daafi iyo mayde
Niman yahow darkaa calanki waa daleel maqane
Nimyahaow Somaal la dumi Daarti Aaqiro e
Dulman inaay wada yihiin doqoni waa garane
Dibad jooog dhulkoodi ka noqay tan iyo Doloowe
Waa kuwaa diiftu heeysoo Keenya soo dagaye
Waa kuwaa biyahoo degaan gaajo dilataaye
Waa kuwaa Datoor wada hurdaa loogu dowgalaye.
Caruurihi damiinbay noqdeen dugsi laga waaye
Nimankaa dalkaa lihi waa dalaal falane
Dinaar ku iibsaday dahabadoodiiye
Boosaaso Ficil dartii doolar laga siiye.
Durqun iyo aboor galay Garowe daartiiye
Gaalkacyo waa dow tigree dilif waabaaye
Duhurkaa la qaadaa Diric Ogaadeene
Hargeeysana dareenkeed reerku waa dagane
Kismaayo dubeeysani doolo laga sheegye.
Daran ooman iyo amxaar degalagyadii noqoye
Beletweyn darkeedii dirici gowrace e
Duraygii amxaarkaa Feer ka soo degaye
Marka waa duloowdoo mooski waa damage
Xamartii dusheedaa dani ku heeysaaaye
Dal la helayna lagu sheeg magaci dooraaye
Sharaftii dadkaa lagu yiqiin doorki waa magane
Shacabkaa duleeysani daahi waa rogane
Dantoodana may arakayaan duli qabiilkiiye
Dawersade sidii duul siloon oon dareen qabine
Aqal daara waynoo daahyo lagu saabay
Oo falagta daran , iyo dhigaha lagu daarshay
Degdeg loo sameeyoo la dhigin tiirdhaxaad durugsan.
Dabeeyshaa ka tuurtoo dhaxani dhugataaye
Wiilkii aroos loo digdigay ceebi damacdaaye.
Suuban Dooya Ganacoo banana waa duraan xume e
Waa dirkii embeegaatiyo dowladuu dhisaye
Inta Maxaad doob yahay oo DarWiish joogo
Inaan daawo laga heleeyn damacii Qaybdiid dheh.
Ogaygaas dabkaas sida waa dariiqo xume dheh
Amxaakuu ku Soodegay daawo lagu waa dheh
Duke labi madoobana waa ka siidaray dheh
Kuwa duulay oo tagay waan dareensadaye
Darsin bay waqood doonayeen tan iyo dayrtiiye.
Kuwaa doonayoon la rabin guusha dararkeede.
Golahaa duliga doortay baydhabo doogay
Ee dumarka iibsada duqay caruurtooda
Damacoodu jaad yahay iyo duliyo xaaraanba
Dirxu uraya weeyaan doodi iyo boobe
Duli coowska cuna , daacuf dhiig laawe
Duf ku baxa waa waxaan la oran daakun abidkoode dheh
Doolar markii ay maqlaan waa dangagayaane dheh
Hurdadaaay ka digix siin sidi dameerkiiye dheh
Waa duqomo xaasidiyo iyo duray waraabaa dheh
Waa dhaqankii duriyadood tan iyo daaqili dheh
D..... iyo H....... la hare duulkii soomaale
Waaa waxay dunida uga hareen ficil damiirkise
Diracbaa u kici dalkaas waa dareensadaye dheh.
Maalinbuu dibada iman soona daahiriye dheh
Digib digib ma fiicne daalin waa sabire dheh ......
Waa inoo markale
Guul iyo gobonimo
H. A.Gendisch
Rolesville, NC
Gendisch@aol.com
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa lehqoraaga ku saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | May 13, 2008 |