JAMHUURIYADDA SOOMAALIYA
MAAMULKA DEEGAANKA Dh/mareeb 09 May 2008 Ujeeddo:
Warbixin ku saabsan Duqeyntii ka dhacday Degmada Dh/mareebiyo waxyaabihii ka soo
if baxay Duqeyntii ka dhacday Xarunta Gobolka
Galgadduud ee Degmada Dh/mareeb 01 May 2008 ayaa waxaa ku geeriyooday kuna
dhaawacmay dad badan oo isugu jiray Haween iyo Caruur, dadkaas oo deganaameeshii
Duqaytu ka dhacday hareeraheeda, kuwaas oo ay soo gaartay dhibaato aan la soo
koobi karin isuguna jirta Barakac,Burbur Hantiyeed iyo Caafimaad xumo ka dib
markii ay dadku ku sumoobeen Suntii Hubka Goobta lagu duqeeyay. Waxaa
dhamaanba baaba’ay Guryihii ay deganaayen Reero gaaraya illaa 100 ( Boqol ) Qows
oo markoodii horaba ka soo qaxay Magaalada Muqdisho oo dhi-baato aad u balaaran
ay kala kulmeen, waxaa meesha ka baxay dhammaan waxii Ag-ab ahaa ee ay
isticmaali jireen, waxayna hadda ku sugan yihiin Nolol aad liidata oo naxdin
leh, waxaan Alle Subxaanahu Watacaalaa ka baryayaa in uu ka saaro
dadkaasdhibaatada uuna siiyo nolol aad u wanaagsan. Duqyntii ka dib markii
Dadka Shacabka ah ee degan Degmada Dh/mareeb iyo hareeraheeda lagu arkay xanuuno
kala gedisan oo isugu jira Shuban, Indhaxanuun, mi-yir beel iyo kor cuncun ayaa
Dhaqaatiirta Gobolka kulan ay yeesheen ka dib waxay sa-meeyeen Baaritaano
Caafimaad oo ay wadeen 01 illaa 08 May 2008, waxayna la kulmendad aad u tiro
badan oo ay hayaan Cuduradda sare ku xusan iyo kuwa kale iyadoo aan halkaana
laga heli karin dawooyinka ay u baahan yihiin Bukaanadu, ayna lagama maar-maan
tahey in loo helo Barnaamij Cafimaad oo dabooli kara baaxada Cudurada ka
dha-shay Duqeyntii ka dib sida aan aamin sanahey, waxaana naga soo gaaraya meelo
ka foggoobtii duqayntu ka dhacday in ay ka jiraan Xanuuno dadka iyo xoolabaha
haya ayna lasocon la yihiin, waxaana loo baahan yahey in la sameeyo baaritaano
ka mug weyn kan hadda la sameeyay ayna ka soo qayb galaan Hay’addaha Caafimaadka
u qaabilsan UN-ka si loo ogaado xogta dhabta ah ee Cudurada ka dhashey
Duqeyntii, isla markaana loodaboolo baahida Caafimaad ee Bukaanada.
Haddaba, waxaan ka codsanaynaa Hay’addaha Samafalka Caalamiga ah,
kuwaCaafimaadka ee UN-ka iyo ciddii kale ee wax ka qaban karta dhibaatadan aan
kor ku soo xusnay in ay gacan ka gaystaan una soo gurmadaan sidii dadka wax
loogu qaban lahaa kuwaas oo aan haysan Hooy, Cunto iyo Dawo toona.
Mahadsanidin Xuseen Cali Weheliye-Cirfe-
GUDOOMIYAHA MAAMULKA DEEGAANKA
Faafin: SomaliTalk.com | May 11, 2008 |