SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Muqdisho: Warbixin dhinacyo badan tabaneysa xeryo ay ku jiraan Somali guryahoodii ka barakacay iyo qaxooti Oromo ah oo laga dayrinayo xaaladooda dhaqaale iyo caafimaad...

Halkan ka dhegeyso ama mp3

Sawirada halkan ka daawo...

Mid ka mid Guddoomiyaha xeradda Qaxootiga Oromadda Maxamed Aadan Kirra ayaa ka war bixiyey qaabka loogu nool yahay 7 xero qaxooti oo ay ku nool yihiin qaxooti ka soo jeeda qawmiyadda Oromadda iyo ddkale oo Somali ah kuwaasoo halkaas ku sugaa ku dhawaad 15 sano.

Qoysaskan ayaa ka kooban 120 qoys ayaa waxaa ay ka soo barakaceen dagaalkii 1977dii oo ay isaga horyimaadeen Somalia iyo Ethiopia waxaa uu sheegay in markii ugu horreysay ay xero qaxooti ay ka galeen magaaladda qoryooleey halkaasoo loogu oqoonsaday ineey yihiin qaxooti, waxaase uu sheegay Karra in dagaaladdii sokeeye ay uga lumen warqadihii aqoonsiga ee ay siisay hay.adda qaxotiga ee qaramada midoobey marka la soo gabaiyo loo yaqaan UNHCR kadib markii laga bililiqeystey.

Waxaa uu sheegay in hayadda kaliya ee ay kaalmada ka helaan ay tahay Saacid oo iyadda ka gargaarta dhismayaasha musqulaha iyo hal ceel biyood.

Guddoomiyaha Xeradda Qaxootiga Oromadda Maxamed Kirra waxaa uu xusay dhibkii ay la kulmeenwaraqihi aqonsiga muddadii ay qaxootiga halkaan ay ku ahaayeen in laga dilay laba nin oo ka mid ahaa qaxootiga xeraddaas,. Balse waxaa uu sheegay in ay u samreen kahdartaa ilaah keenay waxayna xuseen in aan laga raali galinin dilka dadkaa oromada ahaa.

Dhanka kale qaar ka mid ah qaxootiga xerada ku jira iyo dadkale oo Somali ah oo iila muuqday kuwo ay heyso dhiaabtooyin dhaqaale una gaar ah oo xaga nolosha ah ayaa waxaa iisuurta gashay in aan mid mid u wareysto waxayna ka hadlayeen dhibaatada heysa oo ay ku tilmaameen kuwo aanay waxba ka qaban Karin.

Abshiro cabdi cabdulle waxay heysataa wiil 3 sano jiro ah oo lagu magacaabo Maxamed Maxamuud Maxamed waxaana ka muuqday rafaadka heysta reerkiisa sida isaga oo ka bararay wejiga iyo gacmaha dhiigyarada heysa darted waxaana u sii dheer wiilkaan oo aan lugihiisu laheyn wax lafo ah lana mid ah sida hilbaha oo kale mana istagi karo oo wax awood ah malaha wiilka abshiro

Abshiro Cabdi Cabdulle "Wiilkeygu wuxuu jiraa 3 sano waana jiran yahay mana socon karo habeenkii ma seexdo waa qarqarayaa qandho darted waana gubanayaa kuleyl iyo qabow midna uma rona waa gariiraa madaxana waa ka weynaaday oo sidaan ayuu ka noqday intaa waxaa u sii dheer lugihiisu lafo malaha waa sida hilibka oo kale mana aha wiil cagihiisa ku joogsan karo sidaa ayuu u tabaaleysan yahay wiilkaan ayey tiri abshiro."

Abshiro oo sii hadlaysa ayaa sheegtay in cudurka haayo wiilkeeda uu ku bilowday isaga oo shanbilood jira intaana ay la tacaalaysay inkasta oo markii danbe loo sheegay in aan dalka gudihiisa waxba looga qaban Karin.

Abshiro Cabdi Cabdulle oo ka hadlaysay jawaabihii ay ka soo heshay dhaqtaradii ay u geysay wiilkeeda Maxamed Maxamuud Maxamed ayaa sheegtay in markii hore loo sheegay in wiilkeeda ay biyo ka galen madaxa isla markaana ay biyihii adkaadeen waxaana markii danbe loo sheegay abshiro in ay ka quusteen oo aanay waxba u qaban Karin.

Wilkaan yar oo cudurku haayo ayaa aabihii la ogeyn meel u cirirb iyo jaandhigay waxaana ugu war danbeysay reerkiisa isaga oo ku sugnaa boosaaso xiligii ay dhacayeen dabaylihii sunaamiga wixii markaa ka danbeeyeyna aan war lagaheyn nolol iyo geeri midna Maxamuud Maxamed oo ahaa wiilka abshiro aabihii.

Abshiro cabdi cabdulle iyo wiilkeeda la ildaran cudurada haayo ayaa waxay ku nool yihiin bush( aqal Somali ) ka sameysan maryo iyo baco uga dhaxdhisan xero qaxoti oo ku taal waqooyiga magaalada Muqdisho agagaarka baar FIAT iyaga oo aan heysan wax dhaqaalo ah sida ay sheegtayna waxaa marmar wax ku soo suurto gabar yar oo u shaqeyso reereha xaafada u dhowdhow taasoo lacagta ay ka soo hesho dhardhaqida ku quudiso inkasta oo aysan ku filneyn.

Hooyo Aamini sh. cabdulaahi

Hooyo aamini sh:cabdulaahi ayaa ka mid hayd qaxootigii aan kula kulmay intii aan joogay xerada oo iyaduna la tacaalaysa Amiin Cabaas Axmed oo ah wiil ay dhashay kuna waashay dhaawc xabad maga dhacaday ay inta u dhaxayso labada indhood taas oo aheyd xabad wiifto ah arintaa ayaa sababtay in ay maskaxda wax ka gaaraan iskuna darsoomo Aamin Cabas Axmed oo haatan u muuqdo qof aan caadi aheyn.

Aamin Cabas Axmed ayaa waxaa xabadi ka haleeshay wejiga dagaalkii afarbiloodka xiligii dagalada sokeeye ay isaga horyimadeen janaraal ceydiid iyo cali mahdi waxayna sheegya hooyo amino in wiilkeeda uu horey u cafimad qabay balse inti ka danbeysay xiligaa uusan waxba kala ogeyn islamarkaana isku yacsan yahay oo aanu baxba dhaamin xayawaanada.

Amino ayaa sheegtay taniyo markii u dhawacu so gaaray oo la geeyey ispitaalka keysaney wixi ka danbeeyey in wiilkeedu Aamin Cabas Axmed aanu helin wax daryeel cafiaad ah cid u fidisay iyadune ay tahay qof danyar sidaa darted waxay sheegtay in aan lageynin wiilkeda wax dhaqtar ah welina waxay sheegtay in ay rajo ka leedahay cafimaadka wiilkeeda.

Wiilkaan Aamin ayaa waxna cunayo wxna cabaya marka la siiyo balse wuxuusan awoodin in uu u soo hoydo hoyga uu dagan yahay sidoo kale ma awoodo in uu cowradiisa asturto dharkiisa mayrto maskasdiisune ma shaqeyso isaguna maaha mid shaqeysan kara.

Wiilkaan ayaa dadiisa aan ku qiyasay ilaa 35 sano jir wuxuuna fadhiyey geed hostiis markii ay hoyadii ka war bixineysay mana uusan dareysaneyn waxa aan isu sheegeyno ama aan ka hadlaeyno intaba.

Saciido Sheeq Cabaas waa hooyo da'yar oo heysato 4 caruur ah midkoodna uusan garin 10 sano

Saciido waxay ka warbixisay xaaladeed nololeed iyada iyo caruurta ay heysato waxayna sheegtay in ay kaligeed ku tahay guriga marka laga reebo ilmaha yaryar ee uu u weyn yahay 8 jirku waxayna xustay saciido in ninkeedii Cabdiraxman Xasan la waayey ka dib mar uu u qaraabtagay sida loo sheegayna waxaa ku dhacday xabad wiifto ah xafada yaaqshiid mar uu u tagat si u soo helo ilmaha biilkooda maalinlaha ah

Saciido Sheekh Cabaas ayaa intaa ku dartey “ninkeygii Cabdiraxman Xasan meydkiisa ma arkin meesha u ku dhintayna ma aqaan iyo sababta loo dilay waxaan ku ogaanay in uu dhintay mudo laba sano ah aqbaartiisa maheyno".

Saciido oo hada bus yar oo baco ka sameysan uga dhexdhisan yahay xerada qaxootiga oromada ah ayaa sheegtay in ay iskeed u shaqeysato oo ay xaafadaha dariskeda ah u soo dhaqdo dharka guryahana u nadiifiso.

Saciido ayaa sheegtay in marka ay ilmaheeda u qaraabtagayso ay isaga tagto ilnmaha kaligood oo aan cidina la joogin waxayna soo heshaa xoogaa aan ku filneyn balse aan laheyn cid ku kalameysa oo la garabgasha korinta caruurtaa aad ka u yaryar waxayna ka codsatay dadka somaliyeed ee wax heli kara gudaha iyo dibadaba in ay la garabgalaan korinta afartaa caruur ah.

Maano waxay maskadaxdeedu wax gaareen ka dib markii ay sadx caruur ah oo ay dhashay u dhinteen cudurka hiiqdheerta bil gudaheed sida u sheegay Yuusuf Cabdiraxman Abuukar oo ah ninkeeda.

Yuusuf wuxuu sheegay in ay maano u dhashay sadax caruur ah ka dibna uu ku dhacay cudur dabaysha uga dhacay arintaas oo keentay geeri lama filaan ah iyaga oo dhimasho ay ka soo gudboonaatay mudo bil gudaheed ah maalmo ayey kala danbeeyeen waxaana maano ka naxday dhimashada ilmaheeda tasoo waxyeelo gaarsiisay maskaxdeed.

Cabdiraxman Abuukar oo ah ninkeeda sidoo kale wuxuu sheegay in goor habeen ah baansiin dhalo ku jira ay mooday gaaska faynuusta lagu shito oo ay taraq ku qabatay waxayna keentey in uu gubto jirkeedu ayna nafsadeedu halis gasho wuxuuna soo bandhigay dhaawcyada ka soo garay arinta oo ka muuqday garabkeeda midig meel u dhow dabkii ka garay.

Cabdiraxman Abuukar ninka qaba maano wuxuu sheegay in uu san heynin tabar uu ku daaweeyo xaskiisa uuna ku shaqeysto garigacan aan laga helaynin wax biilka ka badan wuxunta intaa ku daray intii ka danbeysay gubashada xaaskiisa uusan waxba ka hagran kaaliin wax la.aan ayaa dhacday oo waxba ma heysto ayuu yiri abuukar oo hadalkiisa sii wataa ayaa intaa raaciyey in uu halkaan dagan yahay mudo 15 sanno ah maalina uu wax helo Melina uu waayo.

Sidoo kale Xaliimo Cabdi Cali waxay ka mid tahay qaxootigii ugu horeeyey ee soo gaaray dalka somaliya mudo haatan laga joogo 14 sano waxayna sheegtay in ay ka so qaxday magaalada nageyle oo reerkoodii ugu danbeysay wixii inta ka danbeysay ayey ku noleed qaxootinimo.

Xaliimo Cabdi Cali waxaa u dhisan guri yar oo ay ku nooshahay kana sameysan jawaano ,baco iyo maryo aan sidaa u waaweyneyn kaas oo aan laheyn wax googol ah iyo jiif toona waxayna sheegtay in aan cidi biilin ayna la nooshahay dadka dariska ah.

Xaliimo waxay sheegtay in ilmaheedii iyo reerkoodii aanay ka war heynin oo ay noqdeen wax dhintay iyo wax aan laogeyn meel ay jiraan balse ugu war danbeysay mudo laga joogo 14 sanno sidoo kale waxay sheegtay in aan qeyskeedii wax war ah ka heynin waxayna ka xustay laba gabdhood oo midood ay ku sheegtay Cabdiyo Cabdow iyo Gaabaay abiikar oo ay iyadu dhashay.

Muuse Maxamuud Jiisow
Musejisow@hotmail.com
Muqdisho Somaliya
0025215576666
002525907666

Faafin: SomaliTalk.com | May 10, 2008

BAARID | SEARCH


Soomaalida Iswiidhen oo si Kulul uga Jawaabey Wareysigii Safiirka Itoobiya... Warbixin...

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS