Jabuuti: Xubnaha Isbahaysiga Dib U xoreynta oo Diidey in ay Isku Hotel Degaan Xubnaha ka socda DFKMG...
Waxaa magaalada Jabuuti soo gaaray wafdigii ugu horeeyey ee ka socday isbahaysiga Dib U Xoreynta Soomaaliyeed oo u yimid wadahadalii la rabay in ay dhexmaraan ARS waa isbahaysiga iyo UN ka, laakiin waxaa soo gaaray Somalitalk.com in hadda la rabo si loo kala jebiyo Isbahaysiga in la yiraahdo waxaa la qabanayaa Xaflad oo lagu furaayo wadahadalada oo meel la isugu geeyo Labada garab Siyaasadeed ee dalka siyaasadiisa isku haysta oo kala ah DFKM iyo Isbahaysiga wadaniga ee u taagan dib u Xoreynta Soomaaliya.
Xubnaha Isbahaysiga ee ku sugan magaalada Jabuuti ayaa si kal
furan gacanta ugu dhuftay shirqoolkaas iyagoo u sheegay, sida
sharciga waafaqsan in ay ahayd wixii loogu soo heshiiyey Nairobi
oo ay u yimaadeen Jabuuti in ay wadahadalo la galaan UNka iyo
Bulshada caalamka madaxdooda inta ka joogta. Waxayna si cilmi ah
u sheegeen in uu ka soo horjeedo Dastuurka Isbahaysiga oo leh
wax wada hadal ah lama galayno DFKMG inta dalka Ciidamada
caddowga joogaan, laakiin wuxuu dastuurka qabaa "in aan la
kullano lana fadhiisano cid kasta oo danaynayso nabad ku soo
dabaalida Soomaaliya oo ay ugu horeyso UNka iyo Bulshada
caalamka intooda Soomaaliya danaynaysa wanaageeda."
Waxaa kaloo warku nagu soo gaaray in la damcay shalay xubnihii
ugu horeeyey ee Isbahaysiga Dib U Xoreynta Soomaaliyeed markii
ay soo gaareen Jabuuti in la dejiyey Hoteelka Caalamiga ah ee
magaaladaas ku yaalo, markey ogaadeen Xubnaha Isbahaysiga in
Hoteelkaas uu yahay midka shirka ka dhici doono, labada garab
dadka ka socdana la soo dejin doono ayey ka soo guureen iyagoo
sheegay in uusan waafaqsanayn dastuurka isbahaysiga in ay meel
la degaan ama la fadhiistaan "dabadhilifyada caddowga", waa sida
warku nagu soo gaaray, wararkan oo si hoose inooga soo gaaray
dad si aad ah ugu dhow dhow arrimaha iyo wadahadalda Jabuuti ka
dhacaayo.
Ilaa iyo hadda waxaan la garanayn Xubnaha matalayo Isbahaysiga oo la sheegay in ay yihiin dad aad u heer sareeyo aqoon iyo garasho siyasadeedba leh balse aan lagu arag meelaha la isugu yimaado, Hoteel khaas ahna la dejiyey sida warku nagu soo gaaray.
Ilo Wargal ah