 |
IIDHEH.....
|
 |
Soomaliyey maxaa na sugaya ?
Marka hore dhamaan akhristayaasha qiimaha iyo qaayaha leh ee kala jooga
aduunka daafahiisa iyo kuwa gudaha dalkayaga hooyo joogaba waxan ku salaamaya
salaanta Islaamka Asalaamu Caleykum Waraxmatulahi Wabarakatuhu.
Salaanta ka dib,waxaan rabaa walaalayaal in aan idiin soo gudbiyo Hadaan nahay
Bani'aadam maxaa na sugaya ? Maxaynu ku suganahay ?
Waxaa na sugaya Geerida uu qof walba mar uun dhadhamin doono marey noqotaba.
Maanta waxaa la dheelnaa Caruurtayada,Barina waa Qabri ciriiri ah oo mugdi dam
ah,qof ALLE subxaana watacalaa u waasacsho mooyane.
Maanta waxaa xiranaa dharkaaga kan ugu fiican amaba ugu qurxoon,barina waxaa
lanoo xiri doonaa karfan.
Maanta waan aan qosleynaa, Baritana Qabriga in aan ku booyno ayaan halis u nahay
ILAAHAY Subxaana Watacalaa ha naga koriyee. Walaalayaal maanta waxaan ku jiifanaa gogolo wanaagsan,baritana waxaa nala dhigi
doonaa ciida.
Maanta Hilibka Xoolaha mid shiilan,mid karsan,mid dhuxul lagu dubay baan
cunaa,baritana hilibkayaga baa aboor cuni oo indhaheena cuni oo nagu qadeen "LAA
ILAAHA ILALAAH"
Qofkii dhego lahow maqal,Qofkii dhaayo lahow arag,Qofkii dhug lahow dheeho.
Walaalayaal raga iyo dumarkow,waxaan ka sariiryoona in uu qof arko cowrayada
"LAA ILAAHA ILALAAH" ka warama marka aynu hor joogno "ALLAH JALA WACALA"
Cagahu waa cad yihiin,Cowradu iyo jirku oo dhan waa qaawan yihiin Indhuhuna waa
taagan yihiin oo ma libiqsanayaan.
Wajiyada oo dhani waxay ku khushuuci doonaan ALLAH Subxaana Watacalaa
hortiisa,Waa midka irsaaqa oo ilaaliya waxa uunka jira oo dhan.
Kiina Xambaarta culaab xumaan kaliya,macnaha kii ku gaaloobay ALLAH oo u yeeray
Shariig xaga "Cibaadada" oo falay camalo ALLE Subxaana Watacala ku
caasiyoowadiisa ah wuxuu noqday mid si dhab ahaantii u khasaaray oo u fashilmay
maalintaas. "Hoog waxaa leh qofka aan ku dhaqmin kitaabka ALLE iyo Sunada Nabiga"(SCW)
Hoog waxaa leh qofka dayaca Salaada.
Hoog waxaa leh qofkii dhageysta heeso baaska.
Hoog waxaa leh qofka fiirsada Riwaayadaha iyo Aflaan baaska.
Hoog waxaa leh ninkii dayaca Xuquuqda Naagtiisa.
Hoog waxaa leh Naagta Raga ajnabiga ah la haasowda oo sharafteeda ku
cayaarta,waxaa u sugnaatay caro ILAAHAY iyo Cadaabtii baa u sugnaatay.
Hoog waxaa leh Naagtii ay ka soo uriyaan Catar iyo Uunsi rag ajanabi ka ah.
Hoog waxaa leh Naagtii aan Jirtkeeda xijaabin.
Hoog waxaa leh Qofkii ku Caasiya Waalidkii.
Hoog weeye markii uu Qofku ku marag furi doono xubnaha jirkooda,Maxay ILAAHAY
CASA WAJALA ku oron doonan? Ikhwaanii Filaah wa Ukhwaatii Filaah ILAAHAY Subxaana Watacala ha laga baqo.
War Sheydaan Yuu idin hodin.
War Dunida yeysan idin hodin
War Aakharo Ogaada. Walaalayaal,walaaley,Gacaliyayaal,Gacalisooyin, waxaan Nafteyda iyo idinkaba
idiin dardaarmayaa cabsida ALLE, maxabada ALLE,Kheyr ka rajeynta ALLE,U
Hogaansanaanta Cabsida ALLE iyo ku dhaqanka Kitaabka Qur'aanka Kariimka iyo
Sunada Nabiga (SCW) waa sidaas e waxaan nafteyda iyo idinkaba idinkula
dardaarmaya Taqwada ALLE Subxaanahu Watacala,waayo Taqwada ALLE Subxaanahu
Watacalaa waa jidka badbaadada,waxaana nafteyda iyo idinkaba idiinkaga digayaa
ku caasinta ALLE,waayo macsida waxay qofka ka fogeysaa RABIGIIS.
Akhristayaalow hadaan wax khaldan soo gudbiyeyna waa camal Sheydaan oo iga
dhacay,ILAAHAY CASA WAJALA waxaan ka baryayaa in uu iga cafiyo idinkuna I
cafisaan, hadaan wax wanaagsan idiin soo gudbiyeyna xaga rabigey baan ka
asiibay.
Walaalkayga Muslimka ahow Dacwadaan iga gudbi dar Ilaahay dartiis ALLE subxaana
watacala ha kaa abaalsiiyo ee.
waxaan jooga USA hadii aad rabo wax faahfaahin ah oo kale igala soo xiriir
Sharma'arke Maxamed Xaashi Gaani
sgaani@gmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | May 1, 2008
|