SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dabadhilifow Dalkii Duqaysaye Aakhiro Daartee baad Geli?

Soomaaliya ayaa waxay noqotay Meel ay Dowladaha Dunida ugu Quwadda waa weyn ay Hubkooda ku tijaabiyaan Magaalooyinka ay Dadka Raydka ahi Deggan yihiin ,taasina ay keentay in Kumaan kun oo Dad Rayd ahi ay u Dhinteen Madaafiic,Bambooyin,Rasaas iyo Duqayn Dayaaradeed oo loo geystey tan iyo intii ay Socdeen Dagaaladii Sokeeye ee ka Dhacayey guud ahaan Dalka Soomaaliya oo dhan(1990) oo illaa iyo Maanta Socda iyagoo u adeegsanayey Qaabab kala gedisan ,soo gelin Hub iyo Ciidamo Sharci darra ah oo Hubaysan waxayna adeegsanayaan Xeelado Gumeysi oo Dalka Xuriyadiisii la Muquuriyey.

Haddaba is maandhaafka Siyaasadeed ee u dhexeeya DFKMG ahi iyo Mucaaradka ka soo horjeeda ayaa waxaad moodaa inuu Kalifay inay ku la'daan Dad aad u fara badan oo Maati ah kuwaas oo ay la kulmeen Xasuuq,Barakac, Qax, Qaxootinimo ,Tahriib ,Tarxiil iyo Xabsi sidoo kale Qaxootiyada ku nool Qurbaha ayaa waxay noqdeen kuwa u hanqaltaagaya Dhulkoodii Hooyo oo Nabad noqda ayna sugi la'yihiin Dhibaatooyinka ku haysta Qurbaha Dartood sida Dhaqanka ,Diinta iyo Arimaha Saboolnimada aan Qoyasaska ku filnayn.

Waxaa abuurmay Dhabadhilif u adeegaya Quwadaha Soomaaliya Xoogga ku haysta kuwaas oo aan u aabayeelayn Ummadda Soomaaliyeed kuna Hoggaaminaya Maatida iyo Masaajidda lagu Cibaadaysanayo , sida Wadaadadii lagu Xasuuqay Masjidkii Al Hidaaya iyo kuwa kale oo fara badan oo maanta Dhacaya , Haddaba Dabadhilifow Dadkii iyo Dalkii Duqaysaye Aakhiro Daartee baad gelaysaa? Ujeedada aan uga hadlayo Aragtidaydu waxay ku salaysan tahay Diidmada ay Diidan yihiin Shacabka Gumeysiga iyo Quwada uu adeegsanayo ee reer Galbeedka ah ee aan kala garanayn Mucaarad iyo Muxaafid oo dhan.

Geedi socodka nabadda ee Soomaaliya ayaa wuxuu ku socdaa Weji aan naxdin lahayn hase ahaatee taasi waxay Dhibaysaa Cadowga Ummadda Soomaaliyeed ee doonaya inay kala Qoqobaan Shacabka una kala Dilaan Qabiil si ay u gaaraan Danahooda u gaar ah iyagoo ku adeeganaya kuwa Qalbigoodu uu weli Qabiilku ka guuxayo oo Iloobay Qarankii iyo Dhibaatooyinkii Xornimada loo soo maray ,Haddaba Dhacdooyinka aan Xadka lahayn ee lagu Dhibaataynayo Shacabiga Soomaaliyeed waxay wax u Dhimi karaan Dadaalka Nabadeed ee ay Wadaan Qaar ka mid ah Hoggaamiyeyaasha Dalka Soomaaliya .

Aragtidaydu waxay noqon kartaa mid aniga igu gaar ah sida aan uga hadlayo arrimaha Dalka Soomaaliya waxaanna jeclahay inay Shacabka Soomaaliyeed Xornimadeedii Mar kale Dib u hanato iskana tuurto Heeryada Gumeystaha Itoobiya ,kana gudbaan ficiltanka Qabiilka iyo Madaxnimo Jacayl una gudbaan Dhisid Bulsho Horumar,Diin iyo Dhaqan adag leh .

Maqaalka ujeedada Sare ku Xusani ayaan uga hadlayey "Dabadhilifow Dalkii Duqaysaye Aakhiro Daartee baad Geli?" Waxaannu ognahay inuu Alle uu labada Daar ee uu Quraanka ku Sheegay Meelo fara badan ay ku xiran tahay Camalka uu Qofku uu Shaqaysto inta uu Nool yahay ,Haddii uu Camalkiisu uu yahay Mid Wanaagsan Alle Janno ayuu u Ballan qaaday, Haddiise uu Camalkiisu yahay Mid Xunna Alle Daartul Jahannama ayuu Galayaa,Haddaba Qofkii Dadkiisa iyo Dalkiisa ku soo Hoggaanshaa Gumeysi Aakhri wuxuu helayaa Qof waliba wuu garan karaa.

Nabadda waxaa u baahan Dhammaan Shacabka Soomaaliyeed, maxaa wacay waxaa soo kordhaya Dhibaatooyinka aan baaxadda lahayn ee soo gaaraya Shacabka kuwaas oo ay abuureen Dagaalada ka dhacaya Dalka ee sii Daba dheeraaday ,Gaajada oo Maanta Soomaaliya gaartay Heerkii ugu Xumayd inta Nolosha aanu ognahay ,Nabadgelyo darrida oo sii badanayso Guud ahaan Dalka ,Xasuuqa ay geysanayaa Ciidamada Itoobiya iyo kuwa Reer Galbeedka oo sii kordhaya , Xalku muxuu yahay Nabad iyo Kitaabka Alle loo noqdo.

Eng. Cabdulqaadir Cumar Yuusuf (Daandurey)
Somalihungerhivprojectus2004@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 3, 2008

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...

markabSoomaaliya: Markabkii reer Spain oo Laga Bixiyey $1.2 million oo Madax Furasho ah
Waxaa la siidaayey markabkii lagu haystey xeebaha Soomaaliya kaddib markii.. Akhri...

YAA UMAQAN TAARIIKHDA SOOMAALIDA.


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com