SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Puntland: Maamul Hawl-gab ah oo hadana Gardiid ah 

Dhismihii Maamul Goboleedka Puntland waxaa u dhow 10 sano. Sanadguurada 10aad ee Maamul Goboleedka Puntland oo ay naga xigto dhowr bilood oo qura waxaan filayaa in dad badan oo dhismaheedi waqti iyo maal farabadan ku lumiyey ay ku soo dhaweyn doonaan murugo, tiiranyo iyo niyad jab la xiriira himiladoodi oo dhicisoobay. Bal aan yara milicsano labada qodob ee uu dhambaalkani ka hadlayo. 

XAGA HAWL-GABNIMADA 

Waxaan filayaa in arrinkan laga wada dheregsan yahay oo uusan sharaxaad badan u baahneyn, hadaanse qodobka ugu muhiimsan ka soo qaato waa xaga nabadgelyada; waxaan la wada soconaa in waxqabad kale ha joogee Caasimada Puntland baabuurta iyo dadka lagu baaranayo ayada oo aysan jirin cid wel wel laga qabo; waxbarasho, caafimaad, kobcin dhaqaale iyo soo dabaalid isku xukun wanaagsan ayaga warkood daa. 

XAGA GARDIIDNIMADA 

Markasta oo mas’uuliyiinta Puntland wax laga weydiiyo waxa ay wax uga qaban la’yihiin dhibaatooyinka faraha badan ee ka jira Puntland waxa ay ku jawaabaan inuu jiro cadow ay leedahay Puntland kaas oo wata qorshe guracan oo Puntland lagu majaxaabinayo. Cadowgaasi waa mid aan isha shacabka Puntland arag (invisible), waxa arka oo kaliya madaxda sare ee Dawlad Goboleedka Puntland, tolow ma shayaadiin bay wax wadaagaan. Haboonaan lahayd inay garqaataan inta ay marmarsiiyo ka dhigayaan waxaan jirin Ögow dhuumashada baas oo dhabarku muuqdo waa dhib iyo halise”. Waa jiraa cadow ay Puntland leedahay laakiin intee ka yahay dhibaatada Puntland ka taagan, Boliiska Puntland ee shaqadiisi gabay daryeel laáan iyo mushahar laáan ma waxaa mushaharkiisi u diidey cadowga Puntland ee qorshaha Guracan wata? !!!  

Waxaa la yiri hilib waraabe waa la kariyey saa macaan baa laga waayey, saa waa la shiilay saa macaan baa laga wayey, saa waa la hogeeyey saa macaan baa laga waayey, si walba la yeelyoo hilib waraabe macaan baa laga waayey; Maamulka Puntland waa lala shaqeeyey, oo la waaniyey, oo la taageeray, oo ehelnimo in badan indhaha looga laabtay, oo loo samray saas oo ay tahayna wax waxqabad ah iyo garowshiyo waa laga waayey. 

Abwaan Soomaaliyeed oo nin uu aad u taageeray wax abaal ahna ka waayey wax tusaalaynayey ayaa waxaa laga hayaa

  • DALKAAN MARAY DUSHAAN XALAY KU GOÁY SOCOTADAAN DAALAY
  • IYO DUUNYA XOORKA IGU DHACAY SIDA NIN DUULAAN AH
  • WAX BADAN BAA DARAADAA U MARAY DERIN CIRIIRYOONE
  • DIGAAGADAN GAAJAAN U CUNAY AMAR LA DOONKAAYE
  • RAG ABAALKI LAMA DOORIYEE KAAMA HELIN DEEQE
  • BAL OGOW DIGNIIN BAAN QABAA MAANTA DABADEEDE.

SHACABKA Puntland waxa uu leeyahay bal ogoow digniin baan qabnaa maanta dabadeede. Shacabka Puntland waxaan kula talin lahaa

  1. In la taageero inta waqtiga uga hartey maamulka Puntland ee waxa ka haray ay tahay haykalka guud oo kaliya, waayo in wax la dumiyaa waa fududahay laakiin in wax la dhisaa waa adag tahay.
  2. Inta laga gaarayo doorashada cusub waa in lagu fara adaygo nabada iyo kala danbeyta. Ma jirto cid aan si gaar ah u tilmaamayo; waayo culumadii, isimadii, aqoonyahanki iyo waxgaradki kaleba waxaa ku dhacay nusqaanka caqli iyo dadnimo ee dadka Soomaaliyeed ku dhacay.
  3. Inkasta oo aan aaminsanahay in madaxda xun xun ee lagu saladay ummada Soomaaliyeed guud ahaan ay qayb ka tahay ciqaab Alle oo ka dhashay dunuubti la galay waqtigeedana leh; hadana waxaa soo jeedin lahaa in loo xusulduubo sidii loo heli lahaa hogaamiye wanaagsan oo dadka,dalka iyo diinta ka naxaya bulshadan ku hogaamin kara hilinka toosan.
  4. Shacabka Puntland waa inay dareemaan inay dhibaatada wax ku leeyihiin marka ay masiirkooda u soo xulayaan qof aan u qalmin ha noqdo Madaxweyne, Wasiir amaba xubin Baarlamaane.
  5. Waxaan filayaa inaan maamulka hada jiraa ogolaan doonin doorasha guud oo xisbiyo badani ku tartamaan, waayo waa ogyihiin inaysan haysan kalsoonida shacabka; arrinkuna waxa uu ku soo ururi doonaa xubnaha Baarlamaanka, marka waa in loo diyaar garoobaa ayada laftigeeda xataa hadii arrinku gaaro barako ma leh

Gabagabadii 

Soomaalidu waxay tiraahdaa hadii fooli timaado........... ; shacabka Puntland dulqaad danbe kuma harin, xalna ugama horeeyo ilaa Cadde, Afqurac, Gaagaab, Ina Awaare iyo Dhegaweyne ay u soo karaan sidii shacabka Muqdisho ay u soo kareen Muuse Suudi, Qanyare, Caato, Bashiir Raage, Ina Qaybdiid iyo kuwii la midka ahaa.   

Cabdiraxmaan Salaad

Email: dhaguuf@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 3, 2008

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...

markabSoomaaliya: Markabkii reer Spain oo Laga Bixiyey $1.2 million oo Madax Furasho ah
Waxaa la siidaayey markabkii lagu haystey xeebaha Soomaaliya kaddib markii.. Akhri...

YAA UMAQAN TAARIIKHDA SOOMAALIDA.


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com