SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA

Sidee Looga Dareemay Magaalada Muqdisho Geeridii Aadan Xaashi Ceyroow

Waxaa Muuqaal ahaan is bedelay dhamaan shucuubta islaamka ee soomaaliyed ee ku nool magaalada caasimada ah iyo hareeraheeda iyadoo dareenka dadka shacabka ah ay istaagtay meel aan weligeed laga filayn islamrkaana keeni karta inay keento dagaal laxaad leh oo lagu Biiriyo xoogaga Mujaahidiinta islaamka ee dagaalka kula jira Ciidamada Ethiopia iyo siyaasada dowlada .

Ma jirin qof aan is iri dareenkiisu ma kicin markii aan la sheekaystay dad badan oo kamid ah Aqoonyahanka iyo dadka rayidka kaleba waxaa qof kasta kuu sheegaya inuu maanta waxii ka dambeeya uu Go,aan ka qaadan doono dhibaatada baahsan ee Ay Ciidamada shisheeye dalka ku hayaan islamrkaana aad arkayso inuu qofkastaaba dhiniciisa u caraysan yahay .

Sidoo kale Geerida ALLE How Naxariistee Macalin Aadan xaashi Ceyroow waxay abuurtay Muuqaal ka dhan ah kuwii Hore u Jiri Jiray iyadoo ay baraarujisay dad aad u badan oo kamid ah shacabka soomaaliyeed islamarkaana keeni karta inay keento kacdoon aad u xoog badan oo ka dhan ah Ciidamada ethiopia iyo dowlada KMG ah .

Wadooyinka magaalada caasimada muqdisho qaarkood ayaa waxaa isugu soo baxay Dhalin yaro aad u da, yar oo gacanta Midig ku wata Kitaabka Qur,aanka islamrkaana ku Dhawaaqaya Gaalo doonimayno iyo Erayo ka dhan ah Dowlada maraykanka iyo Ethiopia.

Hadaba Macalin aadan xaashi Ceyroow waxuu dhashay 1976-dii waxaa soo barbaariyey waalidkiis ,Waxaa uuna ka qeyb Qaatay dagaalkii AI-itixaad ay ku qaadday gobollada woqooyi bari ee Soomaaliya horraantii sagaashamaadkii.

Waxaana uuna sidoo kale ku jiray dagaalkii Gedo ku dhex maray ciidammada Ethiopia iyo Itixaad bartamihii sagaashamaadkii.

Waxaa uuna ka mid ahaa Raggii Hoggaaminayay dagaalkii Maxkamaduhu ay Muqdisho Kaga saareen Hoggaamiye kooxeedyada La Bixi jiray ururka Argagixiso la dagaalanka sannadkii 2006.

ALLE Godka Ha U Qaboojiyee Macalin Aadan xaashi Caeyroow waxuu kaga duwanaa Hogaamiyaasha diimeed Inuu ahaa mid ku kalsoon naftiisa islamrkaana Jecel in dalka soomaaliya lagu dhaqo shareecada islaamka

Yaasiin Maxamed Cali (faytin)
Yaasiinfaytin@hotmail.com

Sh. Muxudiin Maxamed Cumar waa ninkii la dhintay adan xashi ceyrow

Wuxuuna ahaa gudoomiyihii maxkamada albayaan ee looga dhawaan dagmada xamar jadiid ee beesha shiikhaal.

Sh. Muxudiin Maxamed Cumar waxaan ku arki jiray suuqa sarifak doolarka isaga oo subax kasta casharo siin jiray dad ku tixnaa wuxuuna bari jiray tafsiirka quraanka kariimka ah iyo axaadiista wuxuna wadan jiray mooto feesbo ah.

Sawirkaan waxaan ka qaday markii ay maxaakiimtu u magacaabeen waaxda cafimaadka wuxuuna shir jaraa'id ku qabtay taalada daljirka dahsoon isaga oo dayactir ku sameynayey dhismihii wasaradii cafimadka ee magada muqdisho.

Qore: MUUSE MAXAMUUD JIISOW
musejisow@hotmail.com


Muqdisho: Miino dhulka lagu aasay oo ka dhacay Goob ay baarayeen  ciidamada Ethiopia...

Qarax aad u xoogan oo ayaa laga maqlay meel u dhow guriga shaqaalaha wadada maka mukarama xili ay ciidamadu barayeen miino ay subax kasta ka baaraan wadada maka mukarama ee Magaalada Muqdisho

Qarax si weyn looga maqlayey inta badan daafaha magaalada ayaa Jimcadii waxaa uu ka dhacay wadada maka mukarama ee magaalada muqdiho goob ay miino ka baarayeen ciidamo ka tirsan kuwa Ethiopia kuwaas oo maalmahaan ilaalo ka ahaa wadada maka almukarama ,

Qaraxaan ayaa ahaa qaraxii 5 aad ee ka dhacay wadada isku xirta garoonka diyaradaha iyo madaxtoodaya waana wadada halbowlaha u ah isu socodka dadka iyo gaadiidka dowlada FKMG iyo cidamada ay garabka ka helaan ee Ethiopia iyo cidamada AMISOM waxaana la arkayey maalmihii ugu danbeeyey ciidamo Etiopian ah oo gaaf wareegaya wadada iyaga oo inta badana lug ku mara si ay u yareeyaan khasaaraha ka dhalan kara hadii qarax dhaco sidaan oo kale ah ,

Jugta ka yeertay wadada shaqaalaha oo beri samaadkii ahaan jirtay wadada ugu dadka iyo gadiidka badan magaalada oo dhan isla markaana haatan ah goob amaankeeda aan la isku haleyn Karin ayaan la ogeyn qasaraha dhabta ah ee uu geystay inta uu la egyahay

Waxaa hakad galay in mudo ah isu socodka dadka iyo gaadiidka oo ay xireen wadada ciidamada Ethiopia balse markii danbe ayaa dib loo furay

Qaraxa ayaa la maqlay kadib markii ay halka uu dhacay ay gaareen ciidamo Ethiopian ah oo lugeynayey waxaana la ogeyn in uu yahay mid iyagu halka ku qarxiyeen iyo in uu yahay mid iyaga lala beegsaday

Faafin: SomaliTalk.com | May 3, 2008

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...

markabSoomaaliya: Markabkii reer Spain oo Laga Bixiyey $1.2 million oo Madax Furasho ah
Waxaa la siidaayey markabkii lagu haystey xeebaha Soomaaliya kaddib markii.. Akhri...

YAA UMAQAN TAARIIKHDA SOOMAALIDA.


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com