SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 

Qof damiirka ka cayroobey wuxuu falaaba u fudud. 

 Waxaa dhacday in 24kii april ay xukuumada hada ka talisa Puntland ka qabatay hotel ku yaala Garoowe labo nin oo xumno ka ah uruka xornimo u dagaalanka ah ee ONLF,

waxayna halagamayaashaa gacanta si marxabayn ah  ugu geliyeen cadawgii ay la dagaalamayeen ee Tigreega. 

Sida ay maskax kasta oo caafimaad qabtaa lasocoto,Somaaliya iyadoo mid ah, oo aan degaan iyo daaqsin toona kala la hayn, xuduud iyo qoqobna aanu udhexayn,ayuu gumaysi u yimi oo kala qaybiyey oo midba gaar u gumaystay. Mudo markay kasoo wareegtay wuxuu gumaystihii sii daayey oo ka baxay qaybo degaanadii Soomaaliyeed ka mid ah oo ay dib sharaftoodii ugu soo noqotay. Nasiibdaro qaybihii kale ma ay gaarin neecawda xornimada oo uu macaankeeda qof gumaysi kujiraa uun garankaro. Deegaanadaas nasiibdaradu ku dhacday waxaa ka mid ah Ogaadeeniya oo uu gumaystihii gumayste kale oo kaba sii xun oo ay cadaawad dhaqameed naga dhexeeysay u dhiibay. 

Waxaa iswaydiin leh Ogaadeeniya yaa laga haystaa? Yayna waajib ku tahay inuu u dagaalamo oo xurnimadeeda doono? Jawaabtu waxay tahay qofkasta oo Soomaali ah oo damiir Somaalinimo iyo mid islaanimo leh meel uu joogaba waa waajib saran waana godob ka maqan oo raadinteedu sugayso, waxaana cadayn taa u ah dagaaladii ay horey Soomaalidu ula gashay gumaystaha si ay dhulkeeda usoo dhacsato oo ay ku naf waa yeen kumaankun Soomaaliyeed.Sida qof kasta oo Soomaali ah ay waajib ugu tahay raadinta Ogaadeeniya ayaa dadka Ogaadeeniya ka yimaadana ay xaq ugu leeyihiin inay ku noolaadaan meelkasta oo Soomaaliya ka mid ah oo ay dan moodaan oo aan laga sheegan karin,waayo dhulka Soomaali baa wada leh cidna meel dhaxal gaar ah uma helin waa markuu caqliga caafimaadka qabaa shaqaynayo. 

Jabhada xornimo udagaalanka ah ee ONLF oo iyadu waajibkii Soomaali oo dhan laga rabay dhabarka u ridatay oo iyagoon tamar weeyn lahayn gargaarna meel ku ogayn iyagu isku tashaday ee sida geesinimada leh dagaalka xaqa ah kala hortegay gumaystaha guunka ah ee garabka ka haysta gaashaanbuurta sheegtay inay manta dunida ugu xoog weeyn yihiin(ALLA WEYN). Waa dhab ineeyan dadkii kale ee Soomaaliyeed manta wax awood ah lahayn oo aanay iyaguba is caawin karin (wadaantii geeleeda kaafidaa ku kalena daryeesha). Hase ahaatee hiilku qori laqaato iyo dagaal lagalo kaliya ma aha ee waxa hiil ah dhaqaalaha, hadalka, niyad kalajirka, soo dhweeynta, daryeelka maatada, hadii aadan waxba tarayn inaad afkaaga iyo adin kaaga ka amaan helaan oo aad nabad geliso ma wax weeyn oo uu kaa codsadaa qof xaq kuugu lahaa inaad garab u noqoto ood meel ku wada dhimataan? Waa maya. 

Hadaba hadaan dulucdii dooda kusoo noqdo, qof diin noocee ah hasta, caqli noocee ah ku shaqaynaya, dadnimo noocee ah leh, ayaa qof Islaam ah oo Soomaali ah oo Ehel ah oo gumaste nacab ahi kula ka cay wax kasta oo xumaan ah, oo caqli bini aadan ka suurtowda.Qofkaasoo firxad kii ku soo maray kumaankun oo mile oo omos iyo halis badan soo jiiray, isagoo soo beegsanaya miciina soo biday guri uu nin walaalkiis ah ku ogaa, balse markii uu ardaagii guriga soo gaaray oo uu intuu guntigii furtyay uu yiri alaylehe caawa bal marqudha hurdo nabdeed seexo, oo markii uu indhaha is geliyey ku warhelay isagoo dabar labada gacmood kaga xiranyahay.Waxaase kaswii fajicisay mindidii baas ee cadowga ee uu kumaankunka mile ka soo fogaaday ay dhuunta ka saarantahayt, oo uu walaalkiisii u gacalnimada soo biday daabkeeda hayo, cadowgii miciyaha dhiiga lahaana uu dabo taagan yahay . 

Sideedaba qofku hadaanu lahayn iimaan, xishood, ixtiraam, kalsooni, ficil, dhiirnaan, naxariis, qab,garasho,deeq, iyo dareemo kasta oo dadnimada la xiriira, waxaan qofkaa ku sifayn karaa “qof damiirkii ka cayroobay”. Qofkaasi waa qof dhab ahaantii damiir iyo dadnimoba faqri ka ah. Sidaas daraadeed waxaan aaminsanahay inuu qafkaa hayo xanuun aan ugu yeeri karo “DAMIIR CAYROOW”(MORALLY BANKRUPT). Cudurkaasi xukuumada Hargeeysuu ayuu horay ugu dhacay,maantana wuxuu hayaa oo ku dhanyahay shaqsiyaadka xukuumada Puntland hogaanka u haya.

Nimanka ka tirsan geesiyada ONLF ee cadowga loo dhiibay, geerida iyo dilka cadoowga wax ku cusub ma,aha, oo markii ay hubka qaateen ayeey ku talo galeen inay cadowga dilaan isna uu dilayo haduu helo oo inaan naxariisi ka dhexayn way ogaayeene. Waxaan meesha kujirin oo murugo ah dagnaanta iyo sahalka uu cadowgu ku helay iyo gacantii cadowga u kaday oo aanay ka filayn marnaba. 

Aan is waydiino, kumaa dhab ahaantii hiil iyo gargaar u baahan labadooda?  Ma manimanka cadowga loo dhiibay ee ka tirsan xornimo u dirirka ONLF? Mise nimanka dhiibay ee “damiirka ka cayroobay”? Geesiyada ONLF Ilaah baa u hiiliyey oon cid hiil dhaantaa jirin. Waayo markay dagaalamayaan xaq bay ku dagaalamaayaan oo Ilaah baa la jira, sharaf bayna dunida ku joogaan. Markay dhintaana waa shahiid oo gacan ka xaqdaran oo gaal ah baa dishay oo hooygoodu waa jano.

Nimanka damiirka ka cayroobay, aduunkana sharaf xumo, ceeb, kalinimo, iyo godob baa u taal. Aakhirona nin Islaam ka hiiliyey oo gaalo u adeegaya bidhmageeydhadii walaalkii ahaana u loogay gaal waxba ugama horeeyaan,aan naar ahayn. Hadaba kumaa labadooda cidla taagan oo hiil iyo gargaar u baahan? Jawaabtu waa “DAMIIR CAROOW” isagaa gargaar u baahan. 

Waxaan kusoo gunaanadayaa qoraalkan, bulshada reer Puntland ee aan ka mid ahay waxaa inala gudboon inaynu shaqsiyaadkaa sharafteenii, diinteenii, dhaqnkeenii, taariikhdeeni, iyo jiritaankeenii dadnimo intaba catirta mariyey ee baabi,inaya, oo markay maamulkii loo dhiibay burburiyeen, oo nabadii gobolka faraha ka bixiyeen, deegaankii qaybo ka mid ah maamulo kale ka iibiyeen, khayraadkii wadanka bad iyo beriba farataysi iyo dilaalid burcadnimo ah kula kaceen. Shaqsiyaadkaas oo foolxumooyin kale oo bareera ah dusha idinka huwiyeen,oo aad naga-daaya inaad tiraadaan laydinka waayey, oo ay ogaadeen inaad mayeeraan tihiin, bay manta dadkii walaalihiin, ahaa ee xigtanimada idin biday ee cadowga naafeeyey idinkaga soo dhuuntay ayaa idinka oo soo taagan oo miyirqaba intay gacmaha ka xireen cadow hortiina ugu dhiibeen. War maxaa ku dhacay Culimadii, Isimadii, Wax garadkii, Aqoonyahanadii reer Puntland, maad duliga dusha ladinka saaray iska rogtaan. Gabaygii alla ha u naxariistee Khaliif SH. Mohamed  baa wuxuu ahaa, (hadeey daan ka dhii dhiyin gun baan ficil dhalaaloone, magaciini dheeraa dib baa loo dhaq dhaqayaaye.). 

Anigu shaqsi a,haan, waxaan aad uga xumahay,una arkaa arin foolxumo, ceed, diindaro,dhaqn xumo, xigto xumo, somaalinimo xumo iyo godob intaba xanbaarsan. Nimankaa ka tirsanaa gobonimo doonka ONLF ee cadowga loo garba duubay waxaan eheladoodii iyo dhamaan ONLF u direeynaa aniga iyo inta ila fekrada ahi raali gelin.

Waxaase dhab ah, “qof damiirka ka cayroobay wuxuu falaaba u fudud”. 

Mahadsanidin

Abdirahman Mohamed Dualeh(Jugaase)

jugaase@gmail.com  

Faafin: SomaliTalk.com | May 2, 2008

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...

markabSoomaaliya: Markabkii reer Spain oo Laga Bixiyey $1.2 million oo Madax Furasho ah
Waxaa la siidaayey markabkii lagu haystey xeebaha Soomaaliya kaddib markii.. Akhri...

YAA UMAQAN TAARIIKHDA SOOMAALIDA.


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com