SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 
Ma quustayaashii haatan ma quusteen, imisaase ka haray? 

Weligaa ma tirakoobtay  waraabayaasha ku nool deegaankiina inta ka hartay, si aad adiga iyo arigaagaba u badbaadaan, sidaas si la mid ah Soomali kastow weli ma tirisay inta hartay dagaal oogayaasha qabiilkiina ama deegaankiina, gaar ahaan kuwooda ma quustaha ah, ogow ereyga MA QUUSTE  wuu ka macno ballaaran yahay dagaal ooge, maxaa yeelay dagaal ooge wuu tanaasuli karaa waqti kaddib, laakiin ogow MA QUUSTE ma tanaasulo mana tago ilaa uu ka geeryoodo.    

Waqti dheer ayey Soomaaliya la noolayd shaqsiyaad qaba waalli kursi iyo awood jamasho ku dhisan,  shaqsiyaadkaasi intii badnayd noloshooda waxay ku soo qaateen sidii ay maalin uun madaxweyne uga noqon lahaayeen Soomaaliya, (MAR UUN MADAXWEYNE I DHAHA) waxay mareen waddo kasta oo ay is leeyihiin waxay jawaab u tahay hammuuntiina  waalida ku dhisan,  waxay la kulmeen mashaakillo is daba joog ah, waxayna ugu dambayntii noqotay in dhibaatadoodii ay u ku tijaabiyaan dadka iyo dalka Soomaliya, waxa lagu tuhunsan yahay shaqsiyaadkaas inay mas'uul ka ahaayeen gawrac baahsan oo loo gaystay in badan oo shacab aan waxba galabsan ah, barakicin, xasuuq hoose, kufsi, dhac, dil, shirqool abaabulan oo siyaasadeed iyo faldambiyeedyo kale oo ay xitta ku jiraan wasakhayn loo gaystay xeebaha iyo beriga Soomaaliya. 

Shaqsiyaadkaasi waxay intaas oo dhibaato ah u marayeen dadkana u marsiinayeen inay gaaraan jagada u saraysa ee dalka, qaar ka mid ah  way u hirgashay in maalin uun madaxweyne la dhaho inkastoo ay kala fursad fiicnaayeen ma quustayaashu, kii u horeeyey oo ahaa aabaha ay ka soo farcameen ayaa muddo badan ku raaxaysanayey  hogaanka Soomaaliya, isla markaana gaystay dhibaatooyin baaxad weyn oo maantaba sii muuqda, lana oran karo waxay asal iyo tixraac u yihiin kuwa maanta ka taagan geyiga Soomaliya, inkastoo odaygaasi uu adduunka ka wareegay waxaa ku xigay kuwo kale oo iyagana geeryooday waqti uu weli saarkii xukun doonku uu hayo oo ay ku guda jiraan dhibaataynta shacabka Soomaaliyeed,   haatan oo lagu jiro qarniga 21aad sanadka 2008, waxaa la aaminsan yahay inuu soo haray mid kaba daran kuwii la nooca ahaa  ee ifka ka tegay.  

Soomaaliya waxay haatan ku jirtaa mashaakilkii ugu darnaa uguna xumaa ee taariikhdeeda soo mara dalka ay hore u daashadeen fakhri iyo abaaro daran, waxaa lagu jiraa waqti laga yaabo inuusan qof Soomaali ahi ku sii fekerin inay sidan wax u dhici doonaan amaba wax u dhow dhici karaan, Soomaaliya waxay maanta la nooshahay guutooyin ka tirsan ciidamo ka socda dal loo aqoon jiray waqti dheer fac ka fac inuu yahay cadowga nambarka 1aad ee Soomaaliya, Itoobiya oo weligeed xasuuq ku haysay shacabka Soomaaliyeed kuwa ay hore u haysatay iyo kuwii kale ee Soomaaliyada kaleba, ayay noqotay in ma quustaha xiligan soo haray   iyo inta wax la arimisaaba ay u yeertaan Itoobiyaanka oo lagu marti qaado caasimaddii Soomaaliya, astaantii qaranka Soomaaliya, kaddibna ay jawaabtu noqoto waxa soconaya maanta oo ah in  la bartilmaameedsado goobaha rayidka ah oo la xasuuqo caruurta, haweenka, duqowda iyo culimada, in la barakiciyo dad aad u fara badan boob iyo dhacna loo gaysto waxa ka haray hantida dadku gaarka u leeyihiin, ma quustaha waqtigan iyo inta la olloga ahba waxay ku kaceen wax aysan ku kicin ma quustayaashii ka horeeyey ee soo maray dalka Soomaaliya, markan oo kale waxaa laga yaabaa inaad is barbardhigi karto bahalihii ku cuni jiray waqtiyadii kala duwanaa oo aad tiraahdo armuu roonaa waraabihii sanadkii hore ee ariga kaa cuni jiray laakiin aan dad qaadka ahayn. 

Ma quustaha waqtigani waxay u badan tahay haddii uu xisaabtamo inuusan helin fursaddii uu helay odaygii ugu weynaa ma quustayaasha oo isagu gaaray heer loogu yeero aabaha ummadda, ma quustahani waxa uu ku soo aaday dal burbursan, dad dhibaataysan iyo qalbiyo ka daalay dagaal oogayaal dibindaabyo badan, ma quustaha qarnigaani waxa uu ku guda jiraa dhibaato iyo mashaakil baahsan oo dalka ka jira oo uu isaguna door weyn uu ku leeyahay, dowlad taag daran, talo xumo iyo dalkii oo la haysto waxay ka dhigaysaa xaaladda ma quustahani mid nasiib daran, ma quustahani dad baari ah oo uu xukumo ma hayo, ma quustahani dal awooddiisa uu ku baahin karo ma hayo, ma quustahini xittaa waxa la isku haystaa iridda hore ee guriga uu degen yahay, iyadoo waxaas oo mashaakil ah haystaan haddana MA QUUSTE MIYUU QUUSTAA? marka la fiiriyo jawaabta su'aashan waa MAYA iyadoo la kaashanayo kuwii ka horeeyey sida ay ahaayeen, MA QUUSTE MA QUUSTO ILAA UU KA QUUSO.       

Run ahaantii, waxaan kaloo la iska indha tiri karin inay jiraan kuwo iyaguna ka farcamay raggaas ma quustayaasha ah oo weliba jeclaan lahaa inay si fiican u metelaan ma quustayaasha saxda ah, waxaase loo baahan yahay in deegaan kasta oo Soomaliyeed dadka ku nool ay  sii tiriyaan  inta rabta inay dhaxlaan jagooyinka ma quustanimada, isla markaana ay ka hortagaan oo laga cirib tiro gebi ahaantoodba dalka Soomaliya, si xal waara loo helo, xubnaha uu kansarku haleelo waa la jaraa si jirka intiisa kale u baadbaado.... MA QUUSTAYAASHII MA QUUSTEEN, IMISAASE KA HARAY?   

Waxaa Qoray A. D. Elmi

adelmi@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 2, 2008

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...

markabSoomaaliya: Markabkii reer Spain oo Laga Bixiyey $1.2 million oo Madax Furasho ah
Waxaa la siidaayey markabkii lagu haystey xeebaha Soomaaliya kaddib markii.. Akhri...

YAA UMAQAN TAARIIKHDA SOOMAALIDA.


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com