SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 
Gogol malala fariisan Karaa kuwii gumaadka ka geystay gayiga-yaga misana Gowraca Marsiiyay Birimagaydadii, Falanqeyn falalkii Cadowtooyo, Qabanbaabadda shirka iyo saadaashu sida ay tahay.

Waxaa isa soo tarayay maalmahan hadal heynta ku aadan fadhi laga yaabo in uu ka furmo Magaalada jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti kaasoo sida la sheegay ay garwadeen ka tahay Qaramadda Midoobay lana doonayo in la isa soo horfariisyo xubnaha Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya, Odayaasha dhaqanka beelaha Hawiye iyo dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

Waxaa wali maskaxda dadka ka sii dhex guuxaya falkii cadowtooyo ee 20-kii April ka geysteen gumeysiga Itoobiya magaaladda Muqdisho kaasoo ay ku gowraceen dad biri mageydo ah haba ugu sii darnaadeene Culimaddii Jamaacadda tabliiqa ee dacwadda fidin jirtay ee loogu galay masjidka Hiddaaya kuwaasoo si arxan daro ah middi loogu gowracay.

CAALAMKA IYO WAXA UU KA YIRI

Waxaa iska soo daba dhacaya cambaareynta loo jeedinayo cadowga taasoo ay ugu danbeysay baaq ay soo saartay hey'adda Amnesty International kasoo looga dalbanayay dowladda itoobiya in ay joojiso xasuuqa ay ka waddo gudaha dalka Soomaaliya, baaritaana lagu sameeyo falkii ka dhacay Masjidka alhiddaaya ee lagu dilay culimadda laguna afduubtay ardaydii wax ka baranaysay, waxayna ugu baaqday in la soo taago maxkamad askartii falkaa geysatay. http://www.amnestyusa.org/document.php?id=ENGUSA20080425003&lang=e http://www.somalitalk.com/2008/apr/28mar078.html

Ururka Islaamka ee Dalka Kenya ayaa sidoo kale baaq ka soo saaray falkaas cadowtooyo iyagoo ugu baaqay caalamka in indha loo kala furo waxa ka soconaya guddaha dalka Soomaaliya, waxayna sidoo kale sheegeen in baahan yahay baaritaan rasmi ah lagu sameeyo falkii lagu laayay culimadda aan hubeysneen, waxayna dhanka kale ugu baaqeen Madaxweyne KIBAKI in uu shir isugu yeero madaxda kale ee Afrikaanka si xal loogu raadiyo xaaladda Murugsan ee Dalka Soomaaliya. http://allafrica.com/stories/200804281048.html

Inkastoo la oran karo wadamadda Carabta ama kuwa Islaamka wey ka gaabsadeen arimahaas hadana waxaa jiray in jaraa'idyadda iyo saxaafaddu si weyn uga hadleen gaar ahaan TV-ga loogu daawasho badan yahay ee Aljazeera kaa oo soo bandhigay dagaaladii lagala soo horjeeday cadowga si cadna u sheegay in xadgudubyo iyo xasuuq baahsan ay ka geysteen ciidamadda Itoobiyaanka gudaha magaaladda Muqdisho.

GUUXA DADWEYNAHA DIBADDA IYO GUDDAHA

Dhamaan umadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogto wey ka wada gubteen isku si ayayna u dareemeen xanuunka gumaadkii uu gumeystaha ka geystay guddaha iyadoo Masaajidyo badana looga duceeyey Shuhadadii ku baxday gacanta cadowga haba ugu horeeyaan Culimaddii jamaacadda dacwadda ee Tabliiqa shacabkii kale ee guryahooda madaafiicda lagu garaacay iyo mujaahidiinta kale ee difaaca kala soo horjeeda.

Soomaalida kale ee qurbaha ku nool ayaa dhankooda muujiyay qiiradda iyagoo ducooyin u sameeyay dadkii lagu xasuuqay magaladda Muqdisho waxaana qaar amida wadamada Yurub, America, Asia iyo Afrika oo ay ku nool yihiin Soomaalida ka dhacay isku imaatin looga arinsanayay arimaha guracan ee ku dhaqaaqeen cadowga, waxaana la oran karaa falkii foosha xumaa iyo waliba kuwii ka horeeyay oo ay gumeysiga Itoobiya ka sameeyeen guud ahaan Soomaaliya waxa uu dhanka kale mideynayay Soomaalida meel kasta oo ay joogaan.

WAXA AY KA YIRAAHDEEN ISBAHAYSIGA DIB-UXOREYNTA

Sh. Maxamuud Sh. Ibraahim Suuleey Afhayeenka Maxaakiimta Islaamiga ah ayaa isla maalintii xigtayba ka hadlay xasuuqii lagula kacay Birimageydada ay ka mid ahaayeen wadaaddada waxuuna u sheegya dhamaan shacabka Soomaaliyeed in aanan loo socon koox gaar ah balse la bartilmaa meedsanayo dhamaan qeybaha kala duwan ee Bulshadda haba ugu badnaadeen buu yiri Culimadda, Dadka waayeelka ah haweenka iyo caruurta oo uu sheegay in ay ahaayeen dadki ay xasuuqa ugu xun u geysteen cadowga isagoo ugu baaqay guud ahaan umadda soomaaliyeed in ay qaataan qoryahooda inta aan guryahooda loo soo galin oo qoorta maddi looga qalin.

Dhanka Kale waxuu sheegay in ay joojiyeen hashiiskii ama ay dib uga laabteen fadhigii lagu waday in uu ka dhaco magaaladda Jabuuti ee la doonayay in la isaga horkeeno Xoogaga dib u xoreynta oo ka kooban mawaadiniin soomaaliyeed iyo Maxaakiimtii Islaamiga ah iyo xulufadda xukuumadda Federaalka.

Sh. Shariif Sh. Axmed Guddoomiyaha Xulufadda Xoreynta Dalka ayaa isagana sheegay in ay canbeereynayaan falkii guracnaa ee cadowgu ku gowracay dad aan waxba galabsan isagoo markaana ka ambaxay madashii lagu balansanaa in uu shirka ka dhaco ee Jabuuti waxuuna dib ugu laabtay xaruntii lagu aas aasay xulufadda isbahaysiga xoreynta saldhigna u ah ilaa hadda Asmara.

FIKIRKII GOWRACA IYO DOWLADDA FEDERAALKA

“Wax la gowracay Ma jiraan waxaasna waxaa buun buuninaya Argagixisadda iyagaa mas'uul ka ah wax walboo dhacay, haddii inta marka la eryaddo ay galaan masaajidyadda waa la iska celinayaa waana la leynayaa” ayuu ku dooday kaabaha weyn ee dowladda federaalka Col. Cabdullaahi Yuusuf isagoo jooga Mareykanka.

Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) R/wasaarahii inta badan isha lagu hayay ee la haminayay in uu horseedi doono raadinta nabadda iyo in uu wax badan ka qaban doono dhiiga faraha badan ee maalin walba ku daadanaya gudaha Soomaaliya gaar ahaan caasimadda Muqdisho ayaa markii ugu horeysay waxaa ka soo yeeray war sababay in baalasha ka rifmaan oo 70% ku waayay taageerayaal u heelanaa isagoo sheegay in gumaadkii iyo gowricii ciidamadda gumeysiga Itoobiya ka geysteen xaafadda waxar cadde uu ahaa mid ay isku difaacayeen xaqna ay u leeyihiin.

Waxaa sii dheer in wali aysan wax hadal ah ka soo bixin baarlamaan ku sheega fadhiya ama ku qayilaya xaafadda magaaladda Baydhaba kuwaas oo aan la garanayn cidda ay xilka u sheeganayaan ama ay hadaba howsha u hayana aan ka ahayn iyagoo halkaa ku sugta kistii ay ku qayili lahaayeen ama cunadda iyo hoteeladda isaga bixin lahaayeen taariikhda baase xuseysa tanna wey iska dhamaan.

QORSHAHA QARAMADDA MIDOOBAY EE SHIRKA JABUUTI

Waxaa la qorsheynayaa in iyadoo xaaladda halkaa mareyso madaxdii iyo xukuumaddii sheeganaysay-na ay sidaa warkooda u dhigeen in shir la isa soo horfariisiyo madaxda dib u xoreynta iyo waliba dowladda federaalka, waxaana halkaa horey booqasho ugu tagay waa jabuutiyee, xubnaha hogaanka isbahaysiga xoreynta, odayaasha beelaha Hawiye iyo waliba R/wasaare Nuur Cadde oo halkaa kulamo intoodaba kula qaatay madaxda dalka jabuuti iyo saraakiil ka socota Q/midoobay.

Hadaba Gogoshaas fidsan waqti xaadirkan Jabuuti ma tahay mid najixi karta ama mid ay soo xaadiraan xubnaha damiirku ku danbeeyo ee Xoreynta Soomaaliya iyo kuwa wax iska caabinta iyo baaruudka kala horjeeda har iyo habeen cadowga Umadda Soomaaliyeed, Jawaabta waa maya umana qalmaan.

Gogoshaas oo la shaaciyay in ay fidisay Q/midoobay ee la dhigay dalka walaalaha aan nahay ee jabuuti maahan mid ay ku qanacsan yihiin muwaadiniinta rasmiga ah ee Soomaaliyeed maadaama wararka isburinaya ee ka soo baxaya kuwa sheeganaya dowladda iyo waliba ka aamusnaanta caalamka xadgudubyadda ka soconaya dalka aysan saamaxeen in uu qabsoomo shirkaas.

Hadaba waxyaabaha ugu waaweyn ee uusan u qabsoomi doonin shirkaas ayaa noqon doona iska indha tirka caalamka ee Soomaaliya iyo waxyaabaha ka soconaya iya iyadoo la xaqirayo ama aanan liiskaba lagu darsan xoogag hubeysan oo taageero ku leh bulshadda dhexdaada tiiyoo uu Mareykanku ku daray liiskiisa argagixisadda.

Waxaa been iyo baro bogaando ah waxyaabaha ay sheegaan qaar kamida dadka seef la boodka ah ee ku hadaaqa in Maxaakiimtu ama xoogaga wax iska caabintu ay kala qeybsan yihiin ama iyagoo u kala saara Maxaakiimta islaamka oo marka ah isbahaysiga xoreynta iyo xoogaga shabaabka.

Waxaa lawada ogsoon yahay in dhamaan xoogaga wax iska caabinta ee wadaniyiinta ah ay isku saf yihiin oo baaruudoodu ay gubeyso gumeystaha madow iyo kuwa ku gambanaya waxaana qaar kamida danaystayaashu ka dhaa dhacsan in ay sidaa ku kala qeybin karaan niyadda Mujaahidiinta.

Ugu danbeyn waxaa hadda muuqata ifafaalo looga adkaan karo cadowga iyo kuwa u adeegayo maadaama laga wada mideysan yahay guud ahaan naceybka loo qabo cadowga waxaana illaah ka rajaynaynaa guul soo deg degto iyo gabanimo.


Abdifatah Ali Adan
cfitaaxsom@hotmail.com / abdifatahnet@yahoo.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 2, 2008

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...

markabSoomaaliya: Markabkii reer Spain oo Laga Bixiyey $1.2 million oo Madax Furasho ah
Waxaa la siidaayey markabkii lagu haystey xeebaha Soomaaliya kaddib markii.. Akhri...

YAA UMAQAN TAARIIKHDA SOOMAALIDA.


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com