SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

 
Maxaa Loo Aqoonsan Waayay Somaliland?.

Dhinaca Somaliland hadalada Daahir Rayaale Kaahin waxaa ka muuqda in ay adkaatay in la aqoonsado Dawladiisa lagana yabo in uu si kale xal u raadiyo. Sidaa darteed waxaa laga yaaba in ay ka xumaadaan dadkii rabay in ay Dawlad gaar ah noqoto, dhinaca kalana ay ku farxaan kuwii kale ee ka soo horjeeday. Labada qoloba waxaa muuqata in aysan fahmin sababaha loo diiday Dawladnimada ( Somaliland ). Hase yeeshee hadii ayn is waydiino sababah loo aqoonsan waayay waxay noqon karaan;-

1.Ma dhulka ay ku fadhido ayaa yar? Tani sabab ma ahan, waayo dhul ahaan waxa ay ku dhawdahay dalka Ingiriiska sababtani laguma diidi karo.

2.Ma dadka ku nool ayaa yar oo dad yar Dawlad looma aqoonsan karo miyaa? Sidoo kale dadka Woqooyiga ku nool waxaa lagu qiyaasi jiray intii aysan Somalia burburin 2 ila 3 Malyan oo qof. Sidoo kale waxaa jira Jaziirado sida Murishiya oo ay ku nool yihiin dad aad u kooban oo Dawlad ah codna ku leh Jamciyada Quruumaha ka Dhaxaysa.

3.Ma dhaqaalaha ayaa ku yar? Sidoo kale tan sabab ma ahan oo Somaliland xoolo,beer, bad iyo Patrool ku filan ayeey leeyihiin.

4.Ma nabad galyo la,aan baa ka jirta oo qabaa,il ayaa ku dagaalamaya darteed miyaa loo aqoonsan waayay? Waa maya oo Woqooyi nabad baa ka jirta qofna uusan dafiri karin.

5.Ma waxaa la diidan yahay in ay Jamhuuriyada Soomaliya kala go,do oo Midnimada iyo Dawladnimada Soomaliyeed baa loo daneenaya? Jawaabtu waa maya.


Sababta kaliyah oo loo aqoonsan waayay waxa weeye in Soomaliya Dawladii u dhisnayd laga dumiyo ka dibna aan la ogolaan dib danbe in ay usoo noqoto si Qaran Soomaliyeed loo waayo dalkoodi hooyana gacanta lagu dhigo.

Hadii Koonfur go,i lahayd oo Dawlad isku magacaabi lahayd isla sidaas uun bay ahaaan lahayd.
Hadii Somaliland la aqoonsado waa Libaax xarig laga furay oo cid maamuli kartaa ma jirto, aduun waynahana cod adag ayeey ku yeelanaysaa, ninkii markii hore ku fikiray in Somaliweyn qabsado dani uguma jirto in uu aqoonsado Somaliland oo ay ku nool yihiin dadkii Soomaliyeed oo la rabay in Qariidada aduunka laga tirtiro laguna biiriyo Xabashida.

Qorshaynta Burburka.

Dawladii Maxamed Siyaad Barre markii ay dhisnayd dadka waxaa lagu mashquulin jiray sidii ay Dawlada u ridi lahaayeen. Markii xigtay waxaa lagu dagalamayay xukunka oo jabhadihii baa la isku diray. Ka dib hadda waxaa laisku sii jeediyay Dawlad Goboleed . Waxaa ku xigi doona in dadka Soomaliyeed dhulka laga dhameeyo, wax la dilo,wax gaajo iyo cudur laayaan,wax bahal cuno,ama bad liqdo, wax baxsada oo dalku sidaas dad la,aan kusoo baxo, lana qaato.

Tirtirida Magacii Soomaliyeed.

Qorshaha burburinta Soomaliya waxaa daliil u ah in hadda magacii Somali uu sii dhamaanayo oo Dawlad goboleedyada aan lagu arag magacii Soomaliga ahaa sida Puntland iyo kuwa soo socda Jubbaland Hiiranland Banaadirland iwm. Waxaa Somaliland lagu khasbi doona in ay magaca iska bedesho sidii Jabouti loogu khasbay. Waxaa lagu maaweelinaya in ka dib Dawlad Goboleedka ay dhisan doonaan Dawlad dhexe ( Feder Somalia ) oo isku keenta dhamaantood. Taasi waxba kama jiri doonaan. Waxaana laga saxiixanaya in Gobol kastaaba uu xiriir toos ah la yeesho Ethiopia, halkaasna laga xukumi doono, kadibna ay ku biiri doonaan Xabashida oo halkaas Soomaliya lagu liqi doono.

Qofkasta oo Soomali ah oo Islaam ah oo wadani ah waa inuu arrimahaas ogaada isna hortaago.

Taasi waa midda cadawga rabo in ay Soomaliya ku danbayso, laakiin Ilaahayn tiisu meel ayeey taala, ( Nin Alle leh ma iisho, sidey u il daran tahayn uma Alle la,a ) Ayeey Soomalidu tiraahdaa. Soomaliya waxa ay ku danbaynaysaa siduu Ilaahay ka dhigo iyo innagu dadaalka aan la nimaano, waxayna u dhawdahay in la helo dad ka fiican kuwii hore oo garta wadada wanaagsan iyo sharafta ay leedahay qaranimada iyo muslinimadaba.

Q/ Abdikarim Ahmed Huseen
skyword268@hotmail.com
Sweden, Stockhlom
Tel; +46739512789

Faafin: SomaliTalk.com | May 1, 2008

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...

markabSoomaaliya: Markabkii reer Spain oo Laga Bixiyey $1.2 million oo Madax Furasho ah
Waxaa la siidaayey markabkii lagu haystey xeebaha Soomaaliya kaddib markii.. Akhri...

YAA UMAQAN TAARIIKHDA SOOMAALIDA.


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com