WARSAXAAFDEED KU SAABSAN KU DUQEYNTA CIIDAMDA
MAREYKANKA KA GEYSTEEN MAGAALADA DHUUSAMAREEB
Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya waxa uu si aad iyo aad ah
u cambaareynayaan duqeyntii gardarada ahayd ee ay ciidamada mareykanku
La beegsadeen xaafad ka mid ah xaafadaha magaalada Dhuusamareeb ee
Gobalka Galgaduud bartamaha Soomaaliya.
Isbahaysiga waxa uu u arkaa falka noocan ah oo geystay khasaare
naf iyo maalba leh in uu yahay xadgudub iyo colaad loola jeedo in lagu
waxyeeleeyo dareenka iyo dadnimada shacabka Soomaaliyeed iyo weliba
taageero milatari iyo mid moral oo la siinayo ciidamda Ethiopia ee
xasuuqa aan loo meel dayin ka wada gudaha Soomaaliya.
Isbahaysigu waxaa uu aad uga xun yahay iyadoo beesha caalamka
oo uu mareykanku horkacayo ku baaqayaan in xalka dhibaatda ka taagan
Soomaaliya loo maro dhabe nabdeed ay dhanka kale ciidamda mareykanka
bartilmaansadaan magaalooyinka ay ku soo qaxeen qoysaskii ka soo
firxaday hagardaamada ay ciidamda Ethiopia ku hayaan shacabka
Soomaaliyeed, taas oo calaamad su’aal gelinaysa sida ay dhexdhexaadka
uga yihiin arrimaha Soomaaliya.
Isbahaysiga waxa uu shacabka Soomaaliyeed iyo Eheladoodabauga
tacsiyeynayaa dilkii gardarrada ahaa ee gurigooda loogu geystay
hogaamiyayaasha uu ka midka yahay Aadan Xaashi Ceyrow, waxa uuna aAllah
uga baryayaa in uu shahaadadooda u aqbalo samirna naga wada siiyo.
Isbahaysiga waxa uu beesha caalamka u sheegayaa inaysan
Soomaaliya maanta u baahnayn cudud milartari oo quwadaha waaweyni
dhinaca ka yihiin in lagu muquuniyo, bale ay u baahan tahay in laga
daayo faragelinta shisheeye oo ay ugu horeyso tan ciidamda Ethiopia,
lagana taageero sidii ay iga soo kabsan lahayd burburka iyo barakicinta
ay u geysteen.
Ugu dambeyntii Isbahaysigu waxa uu uu Shacabka Soomaaliyeed ugu
baaqayaa inaysan niyad jabinin falalka noocan oo kale ah, adkeeyaanna
midnimadooda iyo wada jirkooda meelna uga soo wada jeestaan sidii
ciidamda Ethiopia dalka looga saari lahaa.
Xafiiska Warfaafinta ARS.
Asmara, 01/06/2008.