SOMALITALK.COM xayaysiis
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

YAA UMAQAN TAARIIKHDA SOOMAALIDA.

AL-HIDAAYA ALLAH HANUUN BADNAAYAAA!!!

waxay ahayd galab khamiis ah, ay qoraxdu sii galaysay godkeedii galbeed,sanadii 2001 markii ay noo yimaadeen wadaado dhalinyaro ah oo cimaamad cad ay madaxa uguduuban tahay, salaaan iyo ismarxabayn kadib, ayey noosaareen muxaadaro gaaban oo aad uqiimo badan,meeshu waa maqaayadii shaaha lagu fuudi jiray ee HARAWO, dadkii shaaha cabayey oo dhan ayaaa kusoo wada jeestay wiilkan da,da yar ee sida sharafta leh diinta ufidinaya, indhihiisa ayuu kor uguqaaday dhinaca barri ee maqaaxida mise akhyaar ayaa qaadkii iyo sigaarkii budhka kuhaysa,dabcan maqaayadaha soomalida qaarkoodna ceeb kama ahan in sigaar iyo qaad lagu dhex ruugo, wadaadkii ayaa noosoogaba gabeeyey muxaadaradii si, uu ragaas dhagta uraaricinaya risaalada ugaarsiiyo, waaba dhexfariistay, halhalna usalaamay, ragii baaa dareemay kalsooni ah in ninkani canaan iyo ad adeegi laguyaqaan dhalinyarada dacwada qaarkood uusan wadan, wuxuu war uga bilaabay akhyaareey ha,igaxishooninee bashaalkiina siiwata, dhagihiinana shan daqiiqo i,amaahiya, hawraarsan iyo gudoon ayaa loogu jawaabay, ragii buu usheegay, muhimada waqtiga iyo dhibka ay leedahay salaad la,aanta, iyo ninka salaadii casar ee maanta aan tukan inay wax badani kamaqan yihiin, akhyaartii ayaa qaadkii halmar isla tuftay, waxayna kuyiraahdeen kaaba hari mayno sxb.

Inagii hanagusoolaabto, hanoo sheego in masaajidka AL-hidaaya uu kulan diimeeed kajiro,oo dad badan oo gudaha iyo dibadaba kakalayimid ay kusugan yihiin, naloogana baahan yahay in aan kaqayb qaadano, oo aan iswadaraaacno dhamaanteeen, kolay sheekadu waa kadis oo raga ismanaqaan, masaajidkana waa naga fogyahay, iyadoo maskaxdii asxaabta intaaas kaguuxayso ayuu yiri, hawalwalina horta, jiif iyo cuntaba anagaa idin hayna,ee nakeena aan lugayno si ajarka noogu bato,meeshii baan kawada dhaqaaqnay, waxaan soconaba masaajidkii ayaan cagta galinay,waa kuwan wadaado kale oo iyagana albaabka taagan si ay noosoodhoweeyaan, yaasalaaaaam!!! asalaama calaykum iyo dhoolacadayn ayey nagusoo galbiyeen,sxbow yaad umalaynaysaaa inay yihiin ragaas dacwada ilaahay ubanbaxay?? yaakaleheee waa akhyaartii tabliiqa ee dhowaantan lagulaayey masaajidkii waynaaanta badnaaa ee AL-hidaaya.

haaa oo masaajidkii ayaaan galnay sidii anagoo wafdi heer sare ah oo lagalbinaayo, meel loogu talagalay dadka cusubna waanalageeyey oo ay waxkastaa udhanyihiin, xaga hore ee minbarkana waxa saaran nin aad ufasaaxad badan oo dadkoo dhan ay kuxoonsan yihiin, waa daaciga caanka ah ee soomalida oo dhan ay aadka utaqaaan,waa c/rashiid sheeq cali suufi oo isagoo dhoolcadaynaya kasheekaynaya dad badan oo kusoo islaamay gacanta jamaacada tabliiqa,asxaabtii reera marqaanka ahayd nin soolaabtay kumajirinwaxaan filayaa inaad ilafahantay in ragani yihiin ragii qabowga sayberiya iyo sirilanka isaga gooshay,waxaan fahansanahay inaad aad u,ogtahay inay akhyaartani yihiin ragii kulaylkii berbera iyo boosaaso ukalalugeeyey ilaahay dardiis,iyo fidin diineed, waxaase wax lagamurugooda aan kuwada tilmaami karnaaa sidii ay uladhaqmeen ciidamadii itoobiyaanka ahaa ee xooga kugalay Al-hidaayihii hanuunka badnaa!! kaagadarane culimada soomalida qaarkood ayaa kutilmaamay inay tabliiqa yihiin xayawaaan cimaamad lakorsaaray!! taaasna malooquuray tabliiq?
ilaahay ayaa xaqsoore ah,unanaxariisan doona siciid yaxye iyo ragii ay laayeen itoobiyaanka

xuseen adan kaneec
blacksahafi@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | May 1, 2008

Xusuustii Xanuunka reebtay ee Wadaadadii la toogtay 1975 & Gawraca 2008

C/Laahi Yuusuf oo Saxiixiisa ku biiriyey Shirkadaha Gen. Cadde ugu Yeero Jirrida
Xafiiska Gen. Cadde Muuse ayaa faafiyey warqad uu C/laahi Yuusuf saxiixay taas oo ka hor imaneysa hadalladii Sh. Aadan Madoobe iyo Eng. Kaanje, waxana uu ogolaaday Akhri

oilQoditaankii Shidaalka Puntland oo dib loo dhigay (Muddo aan la cayimin)
Waxaa sidaas shaaca ka qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay shirkadda Africa Oil iyo Gen. Cadde qiray in rag ONLF laga qabtay Galkacyo Akhri...

markabSoomaaliya: Markabkii reer Spain oo Laga Bixiyey $1.2 million oo Madax Furasho ah
Waxaa la siidaayey markabkii lagu haystey xeebaha Soomaaliya kaddib markii.. Akhri...


BAARID | SEARCH


MAQAALADDII 2000-2001: Shakiib | Barkhadle | C++ | Java | Saahid | SomQurbaha | SRG | BCCP | SPR | Dr.Osman | Aamusanaha | Ingiriis | Duggaal | SASA | SouthAfrica | DeepThought | Leyla | Caddaawe | PMA | Africa | GreetingCards | Soyan | Moallim | SomCanada | MSSU | Shiike | Haile | SHASNA | M.Abdirashid | Xariri | Xal | Xawar | Halable | amiir | PL | SSB | Fahad | Maanso | Deeq | kancaan | PuntWatch | Gaashaan | Filasoofi | Sacmaal | Caddaani | Cambaro | Xaamud | Abhali | Xaashi | ICUPS | SSL | ISRAACA | UmuurahaIslaamka | ShibilDimoqrasi | Saahid | MoreInside


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com