Wafdi u hogaaminaayo gudoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya oo
Casmara ugu laabtey
Wafdi u hogaaminaayo gudoomiyaha Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Sheikh
Sharif Sheikh Ahmed ayaa Jimcadii 28/3/2008 dib ugu laabtey magaalada Casmara ee dalka
Eritareeya iyagoo ka soo kicitimay magaalo madaxda dalka Khartuum ee Suudaan oo
ay ku sugnaayeen mudo asbuuc ah, iyagoo u joogay halkaas kulan wadatashi ah ay
la lahaayeen dowlada dalka Suudaan oo ay martiqaad ka heleen.
Mudane Sheikh shariif Sheikh Ahmed oo ay wehliyaan ku xigeenka gudoomiyaha
fulinta mudane Jeneraal Jaamac Mohamed Khaalib, Mudane Mohamed Abdi Yusuf iyo Dr
Omar Iimaan ayaa Casmara isla maanta kulan aan caadi lahayn kula yeeshay labada
xubnaha labada gole ee ku sugan halkaasi , si ay uga xog waramaan kulamadii ay
la soo yeesheen dowlada Suudaan iyo martiqaadka u soo direy ergayga xoghayaha
guud ee qaramada midoobay Soomaaliya Ambasador Ahmedou Ould-Abdallah.
Waxaana horey u gaarey wafdi hor dhac ah oo u hogaaminaayo gudoomiyaha golaha
dhaxe ee Isbaheysiga dib u xoreynta mudane Sharif Hassan Sheikh Aden iyo Prof
Ibrahim Caddow oo ah lataliyaha arimaha dibbada ee Gudoomiyaha Isbaheysiga Dib u
xoreynta Soomaaliya,iyadoo ay horey halkaasi uga sii horeeyen Prof Abdirahman
Ibbi, mudane Abdulkadir Dhaqane iyo Mohamed Amin Osman oo dhamaantood ka wada
tirsan golaha dhaxe ee Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya, wafdigaan ayaa
saakay gaarey magaalada Nairobi iyadoo ay soo dhaweeyeen xafiiska United
Nation-ka ee NAIROBI, waxaana la dajiyey Safari Park Hotel.
Waxaan berito (Sabti) la sugayaa inay Nairobi soo garaan wafdi kale oo uu hogaaminaayo
Gudoomiyaha Dib u xoreynta Soomaaliya mudane Sheikh Sharif Sheikh Ahmed ayna
wehliyaan ku xigeenka gudoomiyaha fulinta mudane Jeneraal Jaamac Mohamed
Khaalib, Mudane Mohamed Abdi Yusuf iyo Dr Omar Iimaan oo ka tirsan golaha dhaxe
Isbaheysiga Dib u xoreynta Soomaaliya.
Waxaa la filayaa in maalinimada Isniinta ay shirweyn isugu imaan doonaan madax u
hogaaminaayo ergayga wakiilka qaramada midoobay ee Soomaaliya Ambasador Ahmedou
Ould-Abdallah, Ergo ka socota midowga Yurub iyo wadamada daneeya arimaha
Soomaaliya, war rasmi ah aan ka heleyno magaalada Nairobi ayaa noo sheegaya inay
kulan balaran la yeelan doonaan u qaybsanaha arimaha Soomaaliya ee dowlada
Mareykanka iyo safiirka Mareykanka ee fadhiya magaalada Nairobi.
Hogaanka sare ee Isbaheysiga dib u xoreynta ayaa la kulmi doono mudane Raila
Odinga iyo mudane Faarax Macalin iyo siyaasiyiin reer Kenya ah oo la socda
arimaha Soomaaliya, waxaana la filayaa inay la kulmaan jaaliyada Soomaaliyeed ee
dagan dalka Kenya iyo muslimiinta dalka Kenya.
Hogaanka sare Isbaheysiga ayaa noo cadeeyay inaysan doonaynin inay la kulmaan
xubnaha DFKMG ee ay garabka siiyaan Tigreega ee ku sugan Nairobi, iyagoo sabab uga dhigay inaysan
aqoonsanayn ayna u arkaan dambiilayaal dalkooda khaa'imay.
Wixii ka soo baxa arimahaas oo dhan dib ayaan idin kaga soo gudbin doonaa hadii
Eebe idmo.
Wargal..
Faafin: SomaliTalk.com |
March 28, 2008