Ciidamo Ethiopian ah Oo Wata Gawaarida Gaashaaman Oo Maanta Gaaray aagga
Magaalada Marka Ee Xarun Goboleedka Shabeelada Hoose - Mar 24, 2008
Ciidamo aad u Hubaysan oo Ethiopian ah ayaa kusii Qulqulaya aagga xarunta
gobolka shabeelada Hoose ee marka iyadoo gobolka shabeelada hoose xaruntiisa
Marka aysan hore u joogin ciidamada Ethiopianka ahi lamana Oga sababta keentay
waqtigan in ciidamo aad u fara badan oo Ethiopian ahi tagaan aaggaasi
magaaladaasi .
Ciidamadan Ethiopianka ah ayaa la sheegay inay xalay ka baxeen magaalada
Muqdisho iyagoo wata gawaarida gashaaman ee tikinikada loo yaqaano oo lagu
qiyaasay sida ay soo werinayaan dad rayid ah oo kasoo kicitimay magaalada marka
11-tikniko ah oo isugu jira baabuurta Uralka qoryuhu saaran yihiin iyo kuwo
Ciidanka qaada .
Sidoo kale Lamagaranayo sababta keentay inay xiligan Ciidamo Ethiopian ahi
tagaan Meelo ka Tirsan gobolka shabeelada hoose iyadoo gobolkaasi uu kamid ahaa
gobolada fara ku tiriska ah ee ka madax Banaan Ciidamada Ethiopia ee ku daadsan
Qaar ka tirsan Gobolada dalka soomaaliya .
Tegitaanka ciidamada Ethiopia ay tegayaan aagga Xarunta Gobolka shabeelada Hoose
ayaa kusoo beegmaya Xili ay ciidamo aad u fara badan oo Ethiopian ahi kusoo Qul
qulayaan dalka soomaaliya iyadoo labadii malmood ee nasoo dhaafay ay soo gaareen
magaalada muqdisho ciidamo aad u fara badan oo ksoo kicitimay dalka ee Ethiopia
taasoo sii murginaysa xaalada amaan daro ee ka jirta koonfurta soomaaliya .
Kulan Albaabau u xirnaayeen ah Oo Dhexmaray Odayaasha Dhaqanka Beesha Hawiye
Iyo Raysal Wasaare Nuur Cadde
Kulan albaabadu u xiran yihiin ayaa shalay galab ilaa xalay uga socday
odayaasha dhaqanka beesha hawiye iyo Raysal wasaaraha dowlada FKMG ah garoonka
caalamiga ah ee aadan cadde air-port ee magaalada muqdisho.
Kulankan ayaa la sheegay in lagu lafa gurayey sidii looga arinsan lahaa xaalada
murugsan ee ka jirta dalka soomaaliya gaar ahaan magaalada muqdisho oo xudun u
ah dalka taasoo sida warar hoosaadyo laga helayo shirkaasi albabaadu u
xirnaayeen sheegayaan in wada hadalkaasi ay aad isugu dheeraadeen odayaasha
dhaqanka beesha hawiye iyo weliba Col,nuur cadde ay ku xuseen odayaashu inay
Qoraal ugu soo gudbin doonaan maanta sidii laga yeeli lahaa xaalada magaalada
muqdisho iyo shacabka ku dhaqan .
Sidoo kale kulankan ayaa wararka laga helayo sheegayaan in Odayaasha dhaqanka
beesha Hawiye ayay weli ku adkaysanayaan in Ciidamada Ethiopia dalka iskaga
baxaan islamrkaana ay hadii ay soomaali yihiin aysan waxba isla waayeeyn ,waloow
ay xukuumada Nuur cadde ay aaminsan tahay in Hadii ay Ciidamada Ethiopia ka
baxaan Dalka Lagu Qabsanayo wax ka yar sadex saacadood .
Iskusoo wada duuboo kulankan dhex maray Odayaasha Dhaqanka beesha Hawiye iyo
Raysal-wasaaraha dowlada KMG ah oo ahaa mid loo diiday saxaafada ayaa u muuqda
Mid kamid ah dadaalada Nabadeed ee uu Col,Nuur cadde ku raadinayo sidii loo
hanan lahaa Dib U Heshiisiin caam ah oo dhex marta Dowlada KMG ah iyo Xoogaga
Diidan Siyaasada Dowlada.
yaasiinfaytin@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | March 24, 2008
|