Deeq lacageed la gaarsiiyey lixboqol qoys oo ku barakacay duleedka magaalda
muqdisho gaar ahaan Gal- Galato, Sheekh Cali Cabdule iyo Sarta Habar Gaallo .
“Lacagtan $2400 doolar oo deeq ah waxaa I soo gaarsiiyay Yuusuf Macalin Xasan oo
isagu Wakiil ka ahaa Jalaiyadda London barigeeda degan”yuu yiri Enj C/llaahi
Axmed Jilacow. Sida ka muuqatay markii lacagta la qeybinayay ayaa waxaa gacan weyn ka geystay
hay’ad wadani ah oo lagu magacabo Core For UNSKILLED YOUTH (ORG) oo Guddoomiye
ka ah Nuur Xasan Cali. Qoysas ku soo barakacay Deegaanada Gal- Galato, Sheekh Cali Cabdule iyo Sarta
Habar Gaallo oo gaaraya in ka badan lix boqol oo qoys ayaa manta loo qeybiyay
lacag deeq ah oo gaareysa 2400-doolar oo ay soo dhiibeen Jaaliyada Soomaaliyeed
eek u dhaqan Waqooyiga Ingiriiska. Deeqdaan lacageed oo la soo marsiiyay Ing. C/llaahi Axmed Jilacow ayaa waxaa
qoys kasta oo ka mid ah lixdaas Boqol oo qoys gacanta loo geliyay 100-kun shilin
Soomaaliya. Dadkaan ku soo barakacay Gal- Galato, Sheekh Cali Cabdule iyo Sarta Habar Gaallo
ayaa ah dad aan weli helin wax gar gaar ah, Noloshooduna ay tahay mid aad u
hooseysa, iyadoo qaar ka mid ah qoysaskaasina gaajo darted ugu geeriyoodeen
deegaankaas, kuwaas ooisugu jiray dad waa weyn ioyo kuwo yar yar, kadib markii
ay waayeen wax u maciina oo gar gaara. Ing. C/llaahi Axmed Jilacow oo ahaa ninkii loo soo wakiishay inuu dadkaas
dhibaateysan gaarsiiyo deeqdaas lacageed ayaa si weyn uga mahad celiyay
Jaaliyadda soo wakiilatay, wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in jaaliyadaha
kale ee ku dhaqan dalka dibadiisa ay ku daydaan Jaaliyada Waqooyiga Ingiriiska
si buu yiri loo gar gaaro dadkaas oo uu sheegay inay yihiin kuwo si aad ah u
dhibaateysan. Sidoo kale Ing. C/llaahi Axmed Jilacow waxa uu sheegay in qoysaskaan ay
saameysay dhibaatooyin ka jira dalka ee isugu jira Nabadgelyo la’aanta,
Dagaalada iyo baahida, wuxuuna qiray inay jiraan qoysas badan oo ku sugan
Marxalad murugo leh. Howshaan qeybinta deeqda lacageed intii ay socotay ayaa waxaa sidoo kale gacan
ka geystay Mudane Nuur Xuseen Cali oo madax ka ah NGO-ga lagu magacaabo CARE For
Unskilled Youth Origination iyo howl wadeeno ka socday Ururkaas. Nuurto Ibraahim katiitow, Xamiido Aadan, Aamino Xasan Wehliye iyo Faadumo xasan
Sabriye oo ah hooyooyin Soomaaliyeed kana mid ahaa qoysaskii ay gaartay deeqdaas
ayaa si weyn uga mahad celiyay deeqdaas wax ku oolka ah. Dhinaca kale mudadii ay socotay qeybinta deeqdaan bilow ilaa dhamaad waxaa si
habsimi leh uga qeyb qaatay dhinaca amniga iyo fududeynta howshaan ciidamada
Amniga ee Degmada Kaaraan oo uu horkacayay Gudoomiyaha Degmada kaaraan C/llaahi
Axmed Rooble. Dadkaan soo barakacay ee ku nool duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxey halkaasi
ku sugnaayeen muddo hal sanno iyo bilooyin ah, ilaa iyo hadana ma jiraan wax
samafal ah oo ay gaarsiiyeen Hey’adaha ku shaqada leh samafalka, Dowladda Dhexe
ee Soomaaliya iyo Ganacsatada Soomaaliyeed, iyadoo ay xiligaana ay jirto sicir
barar kii ugu cuslaa ee abid soo mara inta la og yahay dalka Soomaaliya.
HALKAN KA DAALACO SAWIRADA
Muuse Jiisow
somali39@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | March 21, 2008
|