Shirkada Telesom Borama oo maalmahaan wada mashruuc shaqo loogu abuuraya
dadweynaha ku dhaqan gobalka. (Daawo Sawirada)
Shirkada Isgaarsiinta TELESOM xarunteeda magaalada Borama ee gobalka Awdal ayaa
maalmahaan wada mashruuc horumar xoogan u leh bulshada ku dhaqan magaalada
Borama iyo guud ahaan gobalka Awdal.
Maamulaha Shirkada TELESOM C/qaadir Aadan Nuur ayaa maanta Saxaafada ugu
waramaya goob ay ka socotay howl shirkada shaqaale badan mishaar ku siineysay,
waxuuna ka warbixiyay mashruuca ay wadaan oo ay shaqada ugu abuureen dadweyne
badan oo shaqo la'aan ku heysay gobalka gaar ahaan magaalada Borama.
Maamule Cabdiqaadir Aadan Nuur waxa uu sheegay inay xooga saareen sidii shaqo
ugu abuuri lahaayeen boqolaal dadweyne ah, isagoo sheegay in mashruuc hada laga
wado Boama oo dhulka hoostiisa la marinayo fiilooyinka Telefoonka uu noqday kan
ugu horeeyay ee shaqada dadka loogu abuurayo.
Waxa uu sheegay in mashruucyada shaqooyinka loogu abuurayo dadweynaha iska
fadhiya guryahooda loona baahan yahay inay xoogooda waxey ku shaqeystaan ay
cabaan ay noqon doonaan kuwa taxane ah.
"Shirkada waxey xooga saartay sidii ay ula dagaalami laheyd Saboolnimada,
saboolnimadu waa cadaw maanta ka gacan sareeyay dadkeena, waxana hubaal ah in
qofka ku siiyay gram qaxooti ah in aanu waxba kuu qaban oo laga sii qaado uun
fadhi iyo mashaqaystenimo, sidaas aawadeed anagu waxaan ugu talo galnay in aan
dad ku dhaw 6000 oo qof shaqo u abuurno mudada 2da bilood ah ee ay hawlahani
socdaan".
Sidoo kale, waxaa goobta ka hadlay Injineer Maxamed Cumar oo ka tirsan
shaqaalaha shirkada TELESOM, waxuuna sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin shirad
ahaan howshaan Borama ay ka wadaan isla markaana ay noqon doonto mid taxane ah.
Waxa uu sheegay inay aad u daneynayaan sidii bilicda magaalada Borama ay ka qeyb
qaadan lahaayeen sidaasi darteedna ay doonayaan inay xargaha shirkada ee
Telefoonada iyo Korontada iskugu jira ay u marin lahaayeen dhulka hoostiisa.
"Maalmahaan waxaa magaalada kusoo badanaya guryaha Dabaqyada ah ee laga taagayo
sidaasi darteed, waxaan xooga saareynaa sidii anagana aan ugu dadaali laheyn
bilicda magaalada" ayuu yiri Eng. Maxamed Cumar.
Injineerka waxa uu sheegay in howshaasi ay wadaan maalin kasta ka howl galayaan
200 qof, kuwaaso kamid ah dadka ku dhaqan magaalada iyo qeybo kamid ah gobalka,
isagoo sheegay inay siinayaan mishaar qof walba ku filan isaga iyo qoyskiisa.
Qaar kamid ah shaqaalaha ay shaqada u abuurtay shirkada TELESOM oo aan kula
kulantay goobta ay ka shaqeysaneyeen ayaa ka hadlay xaaladadooda iyo sida ay u
arkaan howshaan wanaagsan ee u wadaan bulshadooda.
Beergeel waxa uu kamid ah yahay shaqaalaha qodaya dhulka oo ay shaqada u
abuurtay TELESOM BORAMA waxuuna yiri "Aad baan ugu mahadcelinayaa Telesom
shaqadaan ay noo abuurtay, in muddo ah ayaana shaqo la'aan darbiya fadhinaya,
waxaana ka helnaa wax aan ku mashruufno reeraheena".
Sidoo kale waxaa halkaasi ka hadlay Muumin Reegal oo kamid ah raga shaqada loo
abuuray waxuu sheegay inuu yahay nin aad iyo aad maanta wax weyn iska badaleen,
oo ah nin shaqa usoo toosaya jecel yahayna inuu cunno wax uu xoogiisa kasoo
shaqeystay.
Waxa uu u mahadceliyay Maamulaha Telesom Borama C/qaadir Aadan Nuur oo uu
sheegay inuu ka dambeeyay maskaxda fikirkaan lagu dabar goynayo saboolnimada iyo
shaqa la'aanta gobalka kusii baahaya.
AbdiAziz Mohamed Elmi
Borama – Somaliland
Email: xaaji7777@hotmail.com
Borama: Dugsiga New Amoud Secondary oo shahaado sharaf Guddoonsiiyay Mudane
C/qaadir Aadan Nuur.
Xaflad balaaran oo maanta ka dhacday xarunta Shirkada Telesom ee magaalada
Borama ayaa waxaa shahaado sharaf lagu guddoonsiiyay Maamulaha TELESOM Borama
Mudane Cabdiqaadir Aadan Nuur.
Maamulaha Dugsiga New Amoud Secondry School Maxamed Daahir Cowfle ayaa maanta
Shahaado sharaf guddoonsiiyay maamulaha TELESOM Borama Mudane Cabdiqaadir Aadan
Nuur.
Maxamed Daahir Cowfle ayaa sheegay inuu shahaado sharaftaan guddoonsiiyeen
C/qaadir Aadan kadib markii ay arkeen wax qabadkiisa iyo sida uu u jecel yahay
horumarka gobalka.
Waxa uu xusay inuu C/qaadir yahay mas’uulkii ugu horeeyay ee jeebkiisa qarash ah
ku taakuleeyay furitaanka dugsigooda.
Maamulaha waxuu sheegay in dugsiga la aasaaya 17 July 07, isla markaana ay
aasaaseen Arday kasoo baxday Jaamacada Camuud oo aragtay in magaalada ay ku yar
yihiin dugsiyada sarre.
Waxa uu sheegay in hadda dugsiga ay dhigtaan 56 Arday, kuwaaso kala dhigta laba
fasal, isla markaana ay codsiyo badan soo gaarsiiyeen arday badan oo dooneysa
inay kusoo biiraan dugsigooda sannad dugsiyeedka cusub.
Maamulaha TELESOM Borama Mudane Cabdiqaadir Aadan Nuur oo xafladaasi ka hadlay
ayaa u mahad celiyay maamulka dugsiga, waxuuna sheegay inuu diyaar u yahay wax
kasta oo horumar ah inuu gacan ka geysto hadii ay ahaan laheyd jeebkiisa ama
shirkad ahaan.
Cabdiqaadir waxa uu sheegay inay dhibaatooyin badan heystaan dhalinyaradaan
aasaastay dugsiga, waxuuna ugu baaqay Jaaliyada Soomaalida ee dibadaha ku dhaqan
inay garab istaagaan dhalinyaradaan usoo jeestaya sidii jahliga loola dagaalami
lahaa.
Si kastaba ha ahaatee, Maamulaha TELESOM Borama Mudane Cabdiqaadir Aadan Nuur
ayaa ah nin si weyn ugu dhex muuqda Ganacsatada ku dhaqan gobalka Awdal gaar
ahaan magaalada Borama isagoo hantidiisa mar kasta ugu sadaqeysta waxyaabaha
waxtarka u leh gobalka.
AbdiAziz Mohamed Elmi
Borama – Somaliland
Email: xaaji7777@hotmail.com
Maamulaha TELESOM oo lacag ugu deeqay dhibane gurigiisa ku gubtay Borama.
Maamulaha TELESOM Borama Mudane Cabdiqaadir Aadan Nuur ayaa maanta booqday guri
ku yaala magaalada Borama oo 12 bishaan gubtay.
Maamulaha ayaa goobta guriga uu ku gubtay oo idinkaga muuqata sawirada ku
guddoonsiiyay Milkiilihii guriga lacag gaareysa $ 400 “Afar Boqol oo Doolar”.
C/qaadir oo Saxaafada kula hadlay goobtaasi ayaa sheegay inay aad u wanaagsan
tahay in la is garab qabto isla markaana isaga uu islaanimo ugu danqatay
arrintani, isla markaana ugu deeqay lacagtani.
Waxa uu sheegay in shirkada TELESOM ka go’an tahay inay saacido dhamaan bulshada
dhiban ee ku dhaqan magaalada Borama, waxuuna yiri “Waxaan ugu baaqayaa shacabka
inay is taageeraan oo cidii liidata la gacan qabto”.
Waxa uu ugu baaqay Jaaliyadaha dibadaha ku dhaqan inay waxii ay awoodaan ugu
kaalmeeyaan dhibanahaan gurigiisa ka gubtay isla markaana heysan goob ay
qaboowga ka galaan isaga iyo caruurtiisa oo aad u fara badan.
”Waxa kale oo aan kula talinayaa Umada Islaamka ah ee reer Somaliland intooda
qurbaha joogta iyo gaar ahaan dadka reer Awdal khaasatan Culumaa’udiinka inay
horkacaan oo ay sameeyaan Baytul Maal Islaam ah oo ay dadka sanad walba ka
uruuriyaan Sakada si dadkooda tabaalaysan wax loogu qabto meel kasta oo ay
joogaanba” ayuu yiri C/qaadir.
Sidoo kale, goobta waxaa ka hadlay dhibanaha gurigiisa gubtay oo lagu magacaabo
Cumar Cali Caynaan waxuuna u mahadceliyay Maamulaha TELESOM Borama Mudane
Cabdiqaadir Aadan Nuur.
Waxa uu sheegay inuu meel kasta u qeyla dhaamiyay balse maanta kheyla
dhaalintiisa uu kasoo jawaabay Maamulaha TELESOM Borama Mudane Cabdiqaadir Aadan
Nuur oo ka danqatay dhibaatada heysata isaga iyo caruurtiisa.
Waxa uu sheegay in gurigiisa uu gabi ahaanba dhulka ku darsamay isla markaana
aysan jirin wax hanti ah oo u hartay, dhamaana uu dabka baabi’iyay.
“Dabka waxa uu ka bilowday, waxaa maaso ka kacay TV caruurta ay fiirsaneysay
iyadoo dhimbil kasoo duushay guriga qabsatay, xiligaasina waxaa ku sugnaa
caruurta oo kaliya aniga iyo xaaska waan ka maqneen, dhamaan caruurta waxaa
badbaadisay gabar 7 sanno jir ah” ayuu yiri Dhibane Caynaan.
Gurigan dabku qabsaday ayaa waxa uu ka koobna labo qol oo jiingad ah oo ay ku
noolaayeen 15 qof oo ka kooban aabo.hooyo iyo caruur ay dhaleen.
Dadweynaha ku dhaqan agagaarka guriga ayaa ku guuleysan waayay inay damiyaan
dabkaasi oo gabi ahaanba baabi’iyay alaabti taalay guriga.
Dhibane Cumar Cali Caynaan ayaa ka codsatay Jaaliyadaha inay gacan siiyaan oo ay
taakuleeyaan sidii uu u dhisan lahaa gurigiisa isla markaana caruurta ugu heli
lahaa goob ay seexdaan oo ay qaboowga ka galaan xiligaan.
Waxa uu ku baaqay in cidii dooneysa inay taakuleyn usoo fidisa inay ugu soo
hagaajiso oo ay kala xiriirto Maamulaha TELESOM Borama Mudane Cabdiqaadir Aadan
Nuur oo laga helo Tel: 0025224452002.
Faafin: SomaliTalk.com | March 21, 2008
|