Magaalada Baydhabo oo laga taageerey Urur cusub oo looga dhawaaqey London
Kulan ujeedadiisu tahay shaacinta iyo ayidaada (UNITED SOCIEYT OF DIGIL IYO
MIRIFLE) oo looga dhawaaqey 8/03/2008-da Magaalada London ee dalka Ingiriiska,
islamarkaan taargedkiisuna yahay, badbaadinta Shacabka iyo soo celinta midnimada
Qowmiyada Digil iyo Mirifle, dhisme nidaam dowladeed oo shacabka la
xisaabtamikaro, soocelinta sareynta shacabka iyo kala dambeynta Qowmiyada, wax
kasta oo keenikara Musuqmaasuq, Eex, Cadaalad-daro iyo kala Fuquuqa bulshada
dhexdeeda iyo sidii xiriir wanaagsan ay ula sameyn lahaayeen Qowmiyadaha kale ee
Soomaalida oo loona tusi lahaa xaalada dhabta ah ee uu maraayo shacabka Digil
iyo Mirifle, iyadoo mar walba la hormarinaayo danta shacabka ay matalaan ayaa
lagu qabtey Xarunta Golaha Aqoonyahanada iyo Siyaasiinta Beelaha Digilmirifle ee
Magaalada Baydhabo 20/03/2008-da.
Xasan Xaaji Abuukar
Gudoomiyaha Golaha Aqoonyahanada iyo Siyaasiinta Digilmirifle Prof. Heeroow oo
halkaasi ka Hadley ayaa sheegey “in ay ayidsan yihiin ku dhawaaqista Ururkan
cusub iyo Afkaarta ay wataan, islamarkaana ay yihiin kuwo isku Afkaar ah, ayna
ka midaysan yihiin qodobo taargadeedk ay higsanayaan”.
bidix Max'ed Muqtaar Cabdi, Midig Xasan Xaaji Abuukar
Md. Xasan Xaaji Abuukar oo ka socdey Jaaliyada Digil iyo Mirifle ee dalka Canada
oo hadalo kulull ka jeediyeen halkaasi ayaa hadaladiisa waxaa ka mid ahaa
“dowlad kasta oo la soo dhiso adinkaa laydinku kala qeybiyaa, waadna ka qadaan
dhismaheeda”.
bidix fowsi, dhexda Cawil, midig Prof.Heerow
Gunaanadkii kulankan ayaa waxaa layskula soo qaadey sidii looga qaybqaadan lahaa
qaabka dhisme dowlad Gobleedka Koofur Galbeed iyo xaaladaha kala duwan Gobolada
iyo degmooyinka ay ku baahsan yihiin Beelaha Digil iyo Mirifle, waxaa uuna ku
dhamaadey kulankan jawi is Af-garad iyo mid xamaasadeed oo dhinacyo kala duwan
taabanayey, hase ahaatee kulamada noocan oo kale oo ka dhaca inta badan dalka
gudahiisa iyo dibadiisa oo ay isugu yimaadaan dadka Soomaaliyeed ayaa waxay
dhaliyaan oo kali ah, qorshe dadka iyo dalka Soomaaliyeed u horseeda Bur bur iyo
kala fogaansho weyn oo ay ka faa’iideysanayaan Dowladaha sii murjinaya
jiritaanka dalka iyo dadka Soomaaliyeed iyo qaybo ka tirsan Dowladaha waaweyn ee
Dunida, hadii aan wax laga qaban arimaha noocan oo kale, hawshu waxay
keenidoontaa mid in badan lays-weydiindoono mudooyinka soo socda.
dhammaadkii kulanka
Dhinaca kale waxaa Magaalada Baydhabo ka socda Qorshe looga hortagayo lacago
mac-mal ah oo la sheegey in lagu soodejiyey Xarun Goboleedka J/hoose ee
Kismaayo, oo la doonayo in lagu baahiyo Gobolada Jubooyinka, sida Kismaayo,
Bu’aale, Gedo, Bakool iyo Baay, oo la sheegey in tiradooda ay gaareyso 100-laal
Milyan oo Sh.S0 ah, waxayna leeyihiin waa qorshe lagu Abuurayo Bur bur dhaqaale
oo ku dhaca Shacabka ku nool Goboladan, islamarkaana qaar ka mid ah dadkan oo
aan la sheekeystey waxay leeyihiin “waxaan soo jeedinaynaa inaan Gobolka Baay
laga bixin nooc kasta oo ka mid ah Xoolaha Nool iyo Miraha ka soo go’ay
Beeraheena xitaa Hal madaal, si aysan ugu faafin lacagtaasi faalsada ah Gobolada
shacabkeena”.
Maxamed Macallin Cismaan(All-man) Somalitalk Baydhabo.
fatxumaalik@hotmail.com,fatxumaaliky@yahoo.com
Faafin: SomaliTalk.com | March 21, 2008
|