SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOOMAALIYA

Duqayn Ay Ciidamada Ethiopia U Gaysteen Degmada Guray-Ceel kadib Dagaal Halkaasi Ka Dhacay

Dagaal Xoogan Oo U dhexeeya Ciidamada Ethiopianka ee fariisinka Ku Leh Duleedka degmada Guray-ceel iyo weliba Xoogaga kasoo horjeeda ayaa ka dhacay degmada Guray-ceel ee gobolka Gal-Guduud iyadoo ay Ciidamada Ethiopianka ahi Duqayn U gaysteen shacabka degmadaasi kadib markii ay Xoogaga Muqaawimadu ka taag roonaadeen.

Ciidamadan Ethiopiaka ah oo ka guuray Gobolka Hiiraan meelo kamid ah Ayaa Waxa Ay fariisin ka dhigteen duleedka magaalada Guray ceel halkaasoo ay dadka degmadaasi Ka Bilaabeen inay ka Qaxaan kadib markii ay Ciidamadaasi soo degeen waloow isla xiligiiba ay dagaalo kala hor yimaadeen xoogaga Joogitaankooda kasoo horjeeda islamrkaana ay ciidamada Ethiopia Ku Duqeeyeen degamadaasi Madaafiic islamrkaana ay halkaasi waxyeelo kasoo gaartay hal qof oo Ku geeriyooday halkaasi iyo weliba sida laga soo werinayo labo kale Oo dhaawac ah .

Sidoo kale Ciidamada Ethiopia ayaa Looga bartay Xiliga ay dagaalka iskaga Horyimaadaan Xoogaga Muqaawimada ayay Ka aargoostaan dadka shacabka ah Oo aan waxba Galabsan islamrkaana Ku garaacaan madaafiic iyo weliba qaar ay iska qab qabtaan .

Si kastaba ha ahaatee Ciidamada Ethiopia Ee dalka soomaaliya KU sugan ayaa U Muuqda Kuwo kasii rajo dhigaya Inay wadanka soomaaliya Kusii nagaadaan kadib markii ay U diideen xoogaga Muqaawimadu Inay Harsadaan .

Weerar Hubaysan Oo Habeenkii Xalay ahaa Lagu Qaaday Xarunta Hoos tagta Maamulka Gobolka Banaadir

Weerar Hubaysan ayaa Xalay (Jun 29, 2008) Fiid Horaadkii Lagu qaaday Xarunta maamulka Horseed ee Xaafada Suuq bacaad ee degmada Yaaqshiid ee Hoos tagta Maamulka Gobolka banaadir .

Sida Uu Saxaafada U xaqiijiyey Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid ee maamulka Gobolka banaadir Muxuyadiin Xasan Jurus ayaa sheegay In xaruntaasi lagu soo qaaday weerar Loo adeegsaday hubka daran Dooriga U dhaca islamrkaana uu Intaasi ku daray in Ciidanka halkaasi joogay ay is Difaaceen waa siduu hadalka U dhigaye waloow aysan jirin cid sheegatay weerarkan .

Sidoo kale ma cada Ilaa iminka Khasaaraha dhabta ah ee ka dhashay Weerarkaasi mana Jiraan warar dhex dhexaad ah oo kasoo baxaya Cida gacanta Ku haysa xaruntaasi Horseed ee degmada yaaqshiid oo Hoos tagta maamulka dowlada ee gobolka banaadir .

Si kastaba ha ahaatee waxaa Sii yaraanaya xarumaha ay ka taliyaan maamulka gobolka banaadir kadib markii ay weeraro isdaba Jooga Ku Qaadayeen Todobaadyadii Nasoo dhaafaty Xoogaga kasoo horjeeda siyaasada dowlada iyo Ciidamada shisheeye.

Meydka Wiil Dhalinyaro ah Oo ay Dileen Ciidamada Ethiopia Oo saaka Lagu arkayey Wadada maka -almukarama

Waxaa saaka Meydkiisa laga helay agagaarka saldhiga waaberi ee degmada waaberi wiil dhalin yaro ah rasaasi kaga taalo dhinaca wadnaha Iyo madaxa Iyadoo ay Goob Joogayaal Xaafadaasi Ku sugnaa xiliga Dilkaasi dhacayey ay saxaafada u xaqiijiyeen inay Ciidamada Ethiopia ee ku sugan Wadada maka-almukarama ay Dileen wiilkaasi .

Ciidamada Ethiopia ee fariisinka Ku leh Gurigii Hore ee EX- shaqaalaha ee wadada Maka al-mukarama ayaa badanaaba Diida isticmaalka dadka xiliga habeenkii ah taasoo ay dhibaato dil iyo xabisid ah ugu gaystaan dadka soo mara wadadaasi xiliga maqribkii ah .

Sidoo kale Wiilkan oo meydkiisu yaalay saacado badan ayaysan jirin Cid aqoonsatay taasoo weli lagu arkayo meydka wiilkaasi iyadoo rasaastu kaga taalo Dhinaca wadnaha Iyo madaxa islamarkaana Ciidamada Ethiopia ee ku sugan caasimada Muqdisho ay badanaaba Si aargoosi ah U dilaan dhalinta yar yar iyagoo Ku tilmaama kuwa dagaalka Kula jira.


Yaasiin maxamed cali (faytin)
Yaasiinfaytin@hotmail.com
Somalitalk Muqdisho

Faafin: SomaliTalk.com | June 30, 2008

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS