SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo
28 Jun 2008.


Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga
Madaxda JWXO ee gudaha oo ka tacsiyeeyay geeridii Sh Ibraahim
Dadwayne ay ciidammada gumaysigu dileen
Midowga Afrika oo guddi xaqiiqo raadis ah u diraya Eritereya iyo Jabuuti.
Ururka xuquuql insaanka Ogaden(OHRC) oo shir jaraaid ku qabtay Geneva.
N/hure Sh.Ibrahim Cabdalla oo si heer qaran ah loogu aasay UAE.
======================

Dagaallo lagu jabiyay ciidammada gumaysiga
Dagaallo qallafsan oo dhex-maray CWXO iyo kuwa gumaysiga Itoobiya 18, 20 iyo 24/06/08 waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 67 askari, waxaa sidoo kale lagaga dhaawacay 89 askari, sidaas waxaa noo soo tabiyay wariyaha nooga soo warrama Ogaadeenya. Dagaalladaasi waxay u dheceen sidatan;

24/06/08 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar mir ah ku qaaday ciidammada gumaysiga ee ku sugan Qollaji, oo ka tirsan degmada Iimey, waxayna gaadhsiiyeen khasaare aad u baʼan, iyadoo inta la hubo laga dilay 30 askari, 45 kalana laga dhaawacay. Ciidammadan ayaa lagu gubay ugu yaraan seddex dhismoo ay degganaayeen iyagoo hurda.

Isla 24/06/08 weerar kadiso ah oo lagu qaaday kolonyo baabuur oo ciidammada gumaysigu oo marayay Agasla, oo ka tirsan Ban-baas, waxaa lagaga dilay 12 askari, 14 kalana waa lagaga dhaawacay. Ciidammada gumaysiga ayaa isla goobtan loogu gaystay weerar mir ah, waxaana la gaadhsiiyay khasaare aan faahfaahintiisa la haynin.

Sidoo kale 24/06/08 cutub ka tirsan CWXO ayaa weerar gaadmo ah ku qaaday ciidammo gumaysigu leeyahay oo hawlgal u tegay magaalada Caado, oo gobolka Doollo ka tirsan, waxayna weerarkaas kaga dileen 1 askari, 3 kalana way kaga dhaawaceen.

20/06/08 Gudhis, oo Iimey ka tirsan, dagaal ka dhacay waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 4 askari, 3 kalana waa lagaga dhaawacay.

Isla 20/06/08 dagaal ka dhacay meesha lagu magacaabo Saxa-xumey, oo duleedka Qabridarre ku taalla, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 10 askari, 12 kalana waa lagaga dhaawacay.

18/06/08 dagaal ka dhacay Daara-Salaam, oo Dhuxun ka tirsan, waxaa ciidammada gumaysiga lagaga dilay 10 askari, 12 kalana waa lagaga dhaawacay.

Madaxda JWXO ee gudaha oo ka tacsiyeeyay geeridii Sh Ibraahim

Guddoomiyaha Hoggaanka Arrimaha Gudaha iyo Amniga ee Jabhadda Waddaniga Xoreynta Ogaadeenya Cabdi Cabdullaahi ayaa, isagoo ku hadlaya magaciisa iyo magaca CWXO, wuxuu dhambaal tacsi ah u diray eheladii uu ka geeriyooday Alla ha u naxariisteen Sh Ibraahim Cabdalla Maax, isagoo Ilaahay uga baryay marxuumkaas inuu Jannadii ka waraabiyo, ehaladii iyo qaraabadii uu ka tagayna samir iyo iimaan ka siiyo. N/hure Cabdi Cabdullahi wuxuu tacsi middaas la mid ah u diray dhammaanba shacbi waynaha Ogaadeenya iyo inta jecel qadiyada Ogaadeenya oo si aad ah u tabi doona kaalintii uu banneeyay Alla ga u naxariistee Sh Ibraahim Cabdlla.

Marxuum Sh Ibraahim Cabdalla waxaa arbacadii oo bisha Juun 25 ahayd lagu xabaalay Xabaalaha Banii Yaas ee magaalada Abu Dabay ee dalka Imaaraadka Carabka, iyadoo ay aaskaas ka qayb galeen dadwayne aad u fara badan oo isaga yimid meelo kala duwan oo adduunka ka mid ah.

Aaska waxaa ka qayb galay wafti heer sare ah oo ka socday JWXO, siyaasiyiin can ah oo u dhashay dalka Soomaaliya, culimo aad u tira badan iyo dadwayne isaga yimid wadammo kala duwan.

Dadwayne ay ciidammada gumaysigu dileen

Ciidammada gumaysiga Itoobiya ayaa meelo kala duwan oo Ogaadeenya ka mid ah ku laayay dadwayne rayad ah oo aan waxba galabsanin.

Markii ay taariikhdu ahayd 20/06/08 magaalada Yoocaale waxay ciidammada gumaysigu ku dileen Malaayo Xasan Gaanni. Waxaa la laʼyahay oo ciidammada gumaysigu la tageen Khadar Cabdi Gaanni.

16/06/08 Tawulane, oo Dhagaxbuur ka tirsan, waxay ciidammada gumaysigu ku dileen gabadh lagu magacaabo Bishaaro Xasan Cali.

10/06/08 ciidammada gumaysiga ayaa gabadh 17 jir ah oo lagu magacaabo Faadumo Maxamed Kaahin ku kufsaday magaalada Dhagaxbuur, taasoo ay u gaysteen dhaawac aad u baʼan. Gabadhan ayaa dhaawacaas dartii loo geeyay Isbitaalka Dhagaxbuur, hase yeeshee Isbitaalka ayay ku dhimatay.

20/06/08 Jeexdin waxay ciidammada gumaysigu ku dileen nin lagu magacaabo Faarax Maxamed Shaaciye.

06/06/08 Buku-dhabo waxay ciidammada gumaysigu ku mirrijiyeen wiil 18 jir ah oo lagu magacaabo C/risaaq Cumar.

Dhibaatooyin kala duwan oo gumaysigu u gaystay dadwaynaha

Ciidammada gumaysiga ayaa dhibaatooyin kala duwan oo xidhay, kufsi iyo dhac isugu jira u gaystay dadwaynaha rayadka ah ee Ogaadeenya. Dhibaatooyinkani waxay u dhaceen sidatan;

13/06/08 magaalada Dhagaxbuur waxay ciidammada gumaysigu ku kufsadeen gabadh 14 jir ah oo lagu magacaabo Istaahil Axmed Magan.

12/06/08 sidoo kale magaalada Dhagaxbuur waxay ciidammada gumaysigu ku kufsadeen haweenay 72 jir ah oo lagu magacaabo Cosob Ismaaciil Aaden.

25/06/08 waxay ciidammada gumaysigu magaalada Dannood ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Cali Mukhtaar Muuse
2- Aamina Xasan Raage iyo
3- Canab Dhabas

20/06/08 magaalada Wardheer waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Yaasiin Xuseen Maxamed iyo
2- Khadra Fara-Qodax

17/06/08 magaalada Shayagoosh waxay ciidammada gumaysigu ku xidhxidheen dadka kala ah;
1- Nuur Maxamed Muxumed
2- Mahad C/llaahi Dhicis
3- Cabdi Maxamed Barkhadle
4- Muxumed Cabdi Xayi iyo
5- Nuur Cabdi Xayi

20/06/08 magaalada Farmadow waxay ciidammada gumaysigu dhac ugu gaysteen dadwayne rayad ah, oo kala ah;
CadaaniCali Siyaad oo ay 1000 Bir ka dhaceen,
Hibo-Gaabo oo ay iyadana 700 oo Bir ka dhaceen iyo
Khadra Sh Maxamed oo ay 500 oo Bir ka dhaceen

Midowga Afrika oo guddi xaqiiqo raadis ah u diraya Eritereya iyo Jabuuti

Midowga Afrika ayaa guddi xaqiiqo raadis ah u diray dalalka Eritereya iyo Jabuuti, si ay u soo baadhaan dagaal bishan gudeheeda ka dhacay xadka ay labada dal wadaagaan, sidaas waxaa jimcihii sheegay sargaal sare oo ka tirsan Midowga Afrika.

Dagaalkan ayaa ilaa iyo hadda la sheegaya inuu sababay dhimashada tobaneeyo ka mid ah askrta Jabuuti, qaar kalana ay ku dhaawacmeen.

Madaxa Ergada Sare ee Midowga Afrika Jean Ping ayaa mar uu jimcihii ka hadlay kulan ay waddanka Masar ku yeesheen wasiirrada arrimaha dibada ee dalalka Midowga Afrika, wuxuu sheegay inuu aad uga walwalsan yahay colaada ka dhex abuurantay Eritereya iyo Jabuuti.

Wuxuu kaloo intaas raaciyay inuu guddi xaqiiqo raadis ah u diray waddamada Eireteya iyo Jabuuti, isagoo tilmaamay inuu rajo wayn ka qabo in labad waddanba ay guddigaas la shaqeeyaan, si goʼaan lagu wada faraxsan yahay uu hawlgalkooda uga soo baxo.

Shir Saxaafadeed OHRC ku qabatay Geneva

Geneva, 26.06.08 Ururka xuquuqda aadanaha u dooda ee Ogaden Human Rights Committee (OHRC) ayaa maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Naadiga Suxufiyiinta magaalada Geneva ee Switzerland oo aay ka diiwaan gashan yihiin dhamaan wariyayaasha caalamiga ah ee ka howl gala xarumaha Qaramada Midoobey (QM) ee Geneva. Shirkan jaraa’id ayaa cinwaankiisu ahaa “Xaalada xuquuqda aadanaha iyo mida amaanka Ogaadeenya iyo doorka Qaramada Midoobay”.

Foowsiya C/qaadir oo ka tirsan OHRC, Canada kana mid ahayd madaxdii shirkan ka hadashay ayaa sheegtay in ujeedada halkan u yimaadeen tahay in eey ku booriyaan heeyadaha caalamiga ee Qaramada Midoobay in eey ka soo baxaan waajibka ka saaran sidii loo joojin lahaa dhibaatada ulakaca ah oo uu sameeynayo taliska Addis-Ababa is la markaana loola xisaabtami lahaa cidii falalkaas geeystay. C/Qaadir Sulub oo ah xiriiriyaha guud ee ururka xuquuqul insaanka Ogaadeenya ayaa isna sheegay in dhibaatada, gaajada, kufsiga iyo barakicinta lagu hayo umadu tahay arin qorsheysan oo si kutagal ah u fulinaysa dowlada Itoobiya.

Shirkan jaraa’id oo socday mudo sadex saac ka badan ayeey labadan masuul ku soo bandhigeen cadeeymo maqal iyo muuqaal ah oo ka marqaati kacaya xadgudubyada baaxada leh oo uu taliskani sida badheedhka ah ugu geeysto shacabka Soomaalida Ogaadeenya. Marka la eego baaxada dhulkan kheeyraadka iyo nacfiga leh waxey muujinaysaa in eey qalad tahay in abaar ka dhacdo dhulka Ogaden loo yaqaan ayeey tiri Foowsiya C/Qaadir, iyadoo ku dartay in abaaraha soo noqnoqda ee dhulkaa ka taagay tahay mid eey sameeysay si ulakac ah masuulna ka tahay dowlada itoobiya.

C/Qaadir Sulub ayaa isna sheegay in itoobiya isticmaasho kufsiga, cunaqabateeynta, wadar xasuuqa iyo barakacinta sida hubka oo kale, isagoo intaa raaciyay in ujeedada itoobiya tahay sidii aay umadani ugu sanduleeyn lahayd in eey ka tanaasulaan xuquuqdooda aasaasiga ah, xuquuqahaas oo aay damaanad qaadayaan shuruucyada caalamiga ah ee dunida.

Labadan masuul waxey sheegeen in maanta Alle mahadii tahay, sababtoo ah dhibaatooyinka ururka OHRC uu diiwaan galiyay waxa ka marqaati kacay ururo caalami ah sida warbixintii maqal iyo muuqaalka lahayd oo aay Human Rights Watch soo saartay bishan gudaheeda. Dunida maanta waa sida hal tuulo oo kale cid dhibaato geeysatay qarin kartaa ma jirta, sidaa daraadeed ayeey ugu baaqeen taliska itoobiya in uu qaado xayiraadaha uu ku soo rogay dadka iyo gaadiidka gala ama ka baxa Ogaadeenya isla markaana joojiyo xadgudubyada nooc walba leh oo aay amartay dowlada itoobiya . Baaq kan oo kale ahna waxey ujeediyeen maamulada kala duwan ee dhashay burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya ka dib iyagoo xusay in shuruucda caalamiga mamnuucayaan qabashada iyo u gacan galinta shaqsi ka soo cararay xasuuq dowladii markaa uu amaankiisa kala soo baqay, waxeyna sheegeen dhibaatada loo geeysanayo shacabka dhulkaa ku nool in aanay ahaaneeny mid xisaab aan ka danbeeyn.

Foowsiya ayaa ka soo laabatay shir eey isugu yimaadaan ururada xuquuqul insaanka ee wadamada Islaamka oo ka dhacay isbuucan gudahiisa dalka Ingiriiska, halkaa oo eey ku soo bandhigtay dhibaatada lagu hayo umada Soomaalida Ogaadeenya.

Ururka Xuquuqul Insaanka Ogaadeenya ayaa u ololeeya sidii umada dhulkaa ku nool u heli lahaayeen xuquuqohooda aasaasiga ah oo aay ugu horeeyso xaqa aayo ka tashiga, wuxuuna diiwaan galiyaa dhibaatooyinka loogeeysto shacabka dhulkaa ku dhaqan iyadoo ujeedadu tahay sidii danbiilayaashan loo horkeeni lahaa maxkamad caalamiga ah. Ugu danbeeyntii waxey ugu baaqeen dadka ku nool Ogaadeenya in aanay qarin marka xadgudub loogeeysto lana xidhiidhaan xubnooda gudaha jooga ama dibadaba, waxeyna qeeylo dhaan u dirayaan Soomaalida samaha jecel guud ahaan gaar ahaana ururada iyo jaaliyadaha Ogaadeenya ee dibada in door firfircoon ka qaataan sidii loo joojin lahaa dhibaatada umada dalkii ku heeysata. Dhiciseeynta qorshayaasha guracan ee itoobiya waxey ku xiran tahay juhdiga qurba joogtu galiyaan wax ka qabashada dhibaatooyinkaa ayeey hadalkoodii ku soo gabagabeeyeen.
28 Jun 2008

Axmed Gaal-Eri

Radioxorio@radioxoriyo.com
Raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 41 MB ee dhererkeedu yahay 7560 KHZ,iyo internetka Radioxoriyo.com,Ogaden.com Maalmahaa Talaadada & Sabtida 5:00PM – 5:30 waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | June 29, 2008

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS