Wararkii Loogu Hadal Haynta Badnaa Usbuuci Lasoo DhaafayHay,adaha
Aduunka oo ka Digay Khatar ku soo socota Somaliya.
Hay,ada QM u qaabilsan dhinaca cuntada ee WFP ayaa ka digtay in ay ku
qasbanaandoonto cuntada gargaarka ahee muhiimka u ahayd Somaliya, waa hadii aan
la helin maraakiib dagaal oo ilaaliya maraakibtooda ee sida cuntada ee halista u
ah dhibaatada ay ku hayaan burcad badeedku.
%90 Cuntada gargaarka ahee loo soo fidiyo Somaliya ayaa ku tagta dhinaca bada
ilaa hal malyan iyo saddex boqol oo kun oo Soomaali ahna ay ku tiirsan yihiin
Qaramada Midoobay.
Tiradan ayaa la filaya in ay laba jibaaranto bilaha soo socda, taasi oo ay ugu
wacan yihiin abaaro, sixir barar, iyo dagaalada oo sii hura.
Waxaa jira oo kale in dhawar mar la qafaashay maraakiib u ijaarneed Hay,ada WFP
iyadoo bilihii ugu danbeeyayna ay kordheen falalka burcad badeedku ka wadaan
dalka Somaliya.
Hay,ada kale ee MSF ee aan dhakhaatirta xuduuda lahayn ee meelo ka mid ah dalka
Somaliya ka hawl gasha ayaa waxa ay sheegtay in Somaliya haatan ay ka jirto
xaalad bani aadannimo, oo aad u daran gaar ahaan dhanka caafimadka.
Hay,ad MSF oo shir jaraa,id ku qabatay magaalada Nairobi oo uga war bixinaysay
musiibada bani aadannimo ee Somaliya ka jirta ayaa waxa ay intaas ku dartay in
bishii May ee la soo dhaafay oo kaliyah ay xormohooda ku daweeyeen caruur
gaadhaya ilaa 2500, oo ku sugan deegaanada Xawa Abdi iyo Afgooye, oo kuwaasi oo
la il daran sida Hay,adu sheegtay nafaqo darro ka dib markii ay kasoo qaxeen
magaalada Muqdisho dagaalada ka socda halkaasi awgeed.
Hay,ada MSF waxa ay xustay in xaalada bani aadannimo ee Somaliya kasii darayso
marba marka ka danbaysa iyadoo labadii bilood ee la soo dhaafay ay laba
jibaarantay tirada dadka kasoo qaxay dagaalada ka socda dalka Somaliya, oo kusoo
qulqulaya meelaha ay u maleenayaan in ay gargaar ka helayaan.
Maamulaha Hay,ada MSF ee dalka Jeniva ayaa waxa uu shaaca ka qaaday in wadanka
Somaliya ay ka jirto musiibo bani aadannimo wakhtigan la jooga, ee aanay arrintu
ahayn mid soo socota. Hay,adu waxa ay sheegtay in todobaadkii lasoo dhaafay oo
kaliyah in ay in ka badan 500 oo caruur ah oo la il daran macluul iyo gaajo la
keenay xarumahooda caafimaad kuwaasi oo lixdii caruur ahba u baahan yahay in
laga daweeyo cuduro kala duwan.
Hay,adu waxa ay intaas raacisay in inta u dhaxaysa magaalada Muqdisho iyo
Afgooye ay ku nool yihiin dad tiradoodu kor u dhaafayso 25000 oo qof, kuwaasi oo
ku nool xaalada is dul saar ah.
Hay,adu waxa kale oo ay sheegtay in laba sano ka dib markii ay beesha caalamku
ay qaadeen talaabo military oo sida ay sheegeen lagu doonayay in xaalada caadi
loogu dhigo lagulana dagaalamo argagaxisada ay haatan xaaladu tahay mid kasii
daraysa marba marka ka danbnaysa.
Hay,ada MSF waxay kaloo sheegtay in dagaalada ka socda Muqdisho ay sababeen in
dad badan oo rayid ahi ay wax ku noqdaan.
Tan iyo bilawgii sanadkan ayaa Hay,adu sheegtay in ay ku daweeyeen Isbitaalka
Dayniile oo kaliyah dad tiradoodu gaadhayso 2100 qof, kuwaasi oo ay ku dhaceen
xabado toos ah iyo waxyaabaha qarxa, dadkaasina ay u badnaayeen caruur iyo
haween.
Ugu danbayntii Hay,adu waxay ugu baaqaysa dhinacyada siyaasada iyo kuwa
dagaalamayaba in ay ogalaadaan in gargaarka la gaarsiiyo dadka tabaalaysan, lana
dhawro shaqaalaha gargaarka, Somaliyana lala soo gaadho gargaar degdeg ah.
Hay,ada kale ee marka magaceeda la soo gaabiyo loo yaqaan UNHCR ayaa laga
afduubay nin u shaqayn jiray, ka dib markii ay koox dablay ahi ku afduubeen
duleedka magaalada Muqdisho, ninkan oo Sarkaal ka ahaa xafiiska Hay,ada UNHCR ay
ku leedahay magaalada Muqdisho ayaa haatan wali aan la xaqiijin meesha uu ku
sugan yahay.
Hay,aduna ay in badan kusoo celcelisay in loo sii daayo ninkaas oo lagu
magacaabo Hassan Mohammed Ali, maadama uu ka shaqaynayay sidii uu u badbaadin
lahaa kumanaan kun oo qof oo ku tiirsana Hay,ada UNHCR oo magaalada Muqdisho ka
hawlgasha.
Sidoo kale Hay,ada UNHCR waxay tilmaamtay in aan wax shuruud ah lagu xidhin
siidaynta ninkan
Warar Ku Saabsan Somaliya. iyo agagaarka.
Soomaliya oo Kaalinta Koowaad Ka Gashay Liiska Wadamada Ugu Amaanka Xun Leh
Dunida.
Somaliya waxaa lagu daray liiska wadamada ugu amaanka xun leh dunidan aynu ku
noolnahay, iyada oo ay dalka Suudan ay tahay tan labaad ee ah meesha ugu qaska
badan leh Dunida, hadana waxaa laga hormariyay Dalka Somaliya, oo imika
dagaladeedu ay kolba sii hurayan, sanadkii lasoo dhaafayna lagu dilay ilaa 6500
oo qof, iyo hal milyan oo ka barakacay magaalada Muqdisho iyo daafaheeda.
Dalka Ciraaq ayaa isna laga dhigay wadanka sadexaad ee Aduunka ugu xasiloonida
daran leh, halkaas oo ay ku dagaalamaan dad Ciraaqiyiin ah oo ka soo hor jeeda
joogitaanka ciidamada Maraykanka ah, iyo Askarta Maraykanka ah ee jooga dalka
Ciraaq.
Dagaalada ka dhacay Muqdisho.
Caasimada dalka Somaliya ee Muqdisho ayaa haatan baryahan danbe u muuqata goob
ay ka taliyaan kooxaha ka soo hor jeeda joogitaanka ciidamada Itoobiyaanka ah,
kana soo horjeeda siyaasada DFKMG.
Inkasta oo haatan aanay Muqdisho gacanta u wada galin kooxaha Islaamiyiinta ah,
hadan dagaalada ka dhaca Muqdisho sababta ugu wayn ee soo dadajisa waxaa lagu
tilmaami karaa oo kaliyah dagaalo ay qaadan kooxaha Islaamiyiinta ahi, kuna
qaadan ciidamada Itoobiyaanka ah fadhiisimahooda.
Maalin dhawayd ayaa kooxda Al-Shabaab cadaysatay in ay gawraceen toban nin oo ka
tirsan DFKMG, ahaana rag Soomaali ahaa, sidoo kale Afhayeenka Ciiddanka Boliska
DFKMGS, ahna Taliyaha Qeybta Boliska ee Weliyow Cadde, G/dhexe C/llaahi Xasan
Bariise uu isna ku eedeeyay in ay kooxda Al-Shabaab gawraceen toban nin oo ka
tirsana ciidamada DFKMG.
C/laahi Xasan Bariise wuxuu kaloo sheegay in kooxda Al-Shabaab ay kasoo horjeedo
heshiisyadii ay kukala gaadheen DFKMG iyo Isbahaysiga Mucaaradka ah.
Bariise wuxuu kaloo sheegay in ay kooxda Al-Shabaab bililiqaysteen gurigii
Xildhibaan Maxamed Qanyare Afrax oo ka mid ah Xildhibaanada aan soo dhaafin
magaalada Baydhabo.
Ciidamo Ka Socda Nigeria oo Muqdisho Ku Soo Food Leh.
Af-Hayeenka ciidamada Amison ee ku sugan Muqdisho Mr. Major Barigye Ba-hoku,
ayaa shaaciyay in ay ciidamada Amison ay kusoo biiri doonan ciidamo kale oo ka
socda dalka Nigeria.
Major Barigye Ba-hoku, ,mar uu u waramayay Wakaalada Wararka ee Reuters ayuu
sheegay in ay Saraakiil ka socda dalka Nigeria ay Muqdisho aadeen, si ay u
indha-indheeyaan meelaha ay dagi karaan.
Ururka Midaw Afrika wuxuu hore u yidhi in Somaliya la gayn doono ciidan dhan
8.000 (sidee kun) oo Askari, balse imika ay ku sugan yihiin in gaadhaysa 2.200
oo Askari, oo ka kala socda dalalka Uganda iyo Burundi.
Labada Dhinac ee Isbahaysiga oo Magaalada Sanca Ku Heshiinaya.
Labada dhinaca ee Isbahaysiga dib u xoraynta Somaliya ayaa ku kulmi doona dalka
Jabuuti si khilaafadka ku kala dhex jira loo dhameeyo, iyaga oo ka kala imaan
doona dalka gudahiiisa iyo dibadiisaba.
Kulankan waxaa kasoo qayb gali doona Wafdi balaadhan oo ka socda dalka Kenya
uuna hogaaminayo Gudoomiyaha Isbahaysiga Sheekh Shariif, iyo Wafdi balaadhan oo
ka socda dalka gudihiisa uuna hogaaminayo Af-Hayeenka Maxakamada Islaamiga
Sheekh Ibraahim Suuleey, waxaana dhici karta in ay intaas ka soo bataan maalmaha
soo socda, oo ay kasoo qayb gali doonan Dahir Aweys iyo Ina Caydiid, oo iyagu ah
laba nin oo kasoo horjeeda Sheekh Shariif Sheekh Axmed.
Dhinaca kale Af-Hayeenkii hore ee Maxkamadaha Islaamiga Sheekh Cabdiraxiim
Mudeey ayaa isagu gabi ahaan kasoo horjeeda Isbahaysiga, intaasna uu ku daray in
aanu labada dhinac midna raacsaneen. (Xubnaha ku sugan Asmara iyo Jabuuti ma
jirto wax xil ah oo ay hayaan iyo cid ay matalaan xubnahaasi, aniguna midna ma
raacsani). Ayuu yidhi Sheekh Mudeey.
Midda kale, Sheekh Mudeey wuxuu tilmaamay in Daahir Aweys iyo Sheekh Shariif
aanay wax xil ah ka hayn Isbahaysiga, lagana qaaday xilkii ay ka hayeen,
(Heshiiska Jabuuti waa mid lagu shirqoolaayo umadda Soomaaliyeed, kuwa hada
aadana waa kuwo gacan saar la leh Sheekh Shariif). Sidaa waxa yidhi Sheekh
Mudeey.
Sidoo kale Sheekh Cabdiraxmaan Maxamuud Janaqaw oo isagu ku sugan haatan amaba
ku diyaar ah dalka Jabuuti, ayaa Idaacadaha ku baxa Afka-Soomaaliga u sheegay in
ay waanwaan lagu kala dhex dhexaadinayo dhinacyadan Isbahaysiga ay ka socdaan
dalka Jabuuti.
Sida ay wada hadaladani ku dhamaan doonaan waa arrin sugaysa Qoraa iyo Wariye
kale, maadama ay wararkaygu yihiin Usbuuci mar ama (Weekly).
Warar Ku Saabsan Jabuuti.
Jabuuti oo u Dabaaldegtay Sanadguuradeedi 31aad Kuna Beegan 27ka Jun.
Jamhuuriyada Jabuuti oo iyadu u dabaal dagtay sanad guuradeedi 31aad ee ka soo
wareegtay waagi ay madaxbanaanida ka qaadatay Dawladii Fransiiska ahayd 1977.
Waxaa ka dhacay caasimada dalkaasi ee Jabuuti xaflado waawayn oo ay ksuoo
dhaweenayaan maalintan qiimaha iyo qaayahay mudan leh, gaar ahaan reer Jabuuti.
Calanka Jabuuti ayaa isaga meel kasta lagu sudhay, guryaha, gawaarida, meelaha
wax lagu iibiyo, bakhaarada, iyo dhamaan meelaha gancsiga ah ee ku yaal
caasimada dalkaasi ee Jabuuti. Guriga Ummada ee ku yaala caasimada, ayaa isaga
gabi ahaan waxaa lagu wareejiyay calanka Jabuuti.
Madaxweynaha dalkaasi Mudane Ismaaciil Cumar Geele ayaa isaguna ka soo qayb
galay xafladaas, halkaas oo uu ka jeediyay qudbado dhaadheer isagoo soo hadal
qaadayna dagaalada u dhexeeye Jabuuti iyo Eritrea.
Dhinaca kale Madaxweynaha maamul goboleedka Puntland Cadde Muuse, ayaa isaguna
dhambaal u diray dhamaan shacbiga reer Jabuuti, isagoo u rajaynaya in uu
sanadkaan sandkiisa kale nabad iyo guul Alle ku gaadhsiiyo. Cadde Muuse wuxuu si
toos ah ugu diray hanbalyo Madaxweynaha dalkaasi ee Ismaaciil Cumar Geele, iyo
Xukuumada Jabuuti.
Warar ku saabsan SomaliLand.
Heshiiska ay wada gaadheen Somaliland iyo Jabuuti.
Madaxweynaha Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ayaa u kicitimay dhinaca
dalka Jabuuti, isaga iyo wafdi sharaf uu hogaaminayay.
(Waxaan idiin sheegayaa in uu safarkayagii guul kusoo dhamaaday ,
walaaltinimadiina halkii hore ee ay joogi jirtay meel ka fiican aanu kus oo
celino, dadka reer Jabuuti in aanu u tagno ay aad ugu faraxsanaayeen, sida
halkanba looga dareemayay, dadka ku dhimanaya xuduudkooda Jabuutina qaar baa ugu
damqada, halkana qaar baa uga damqada, markaa horta xidhiidhkaasi waxaan idiin
sheegayaa oo aan idinku bushaaraynayaa inuu meel fiican ku soo noqday xidhiidhka
inoo dhexeeyana in aan dar dar cusub in aanu galin ayaanu ku soo heshiinay),
sidaa waxaa yidhi Mr. Rayaale oo u waramayay saxaafada.
Dhinaca kale Gudoomiyaha xisbiga mucaaradka ahee UCID Ing. Faysal Cali Waraabe,
ayaa isagu u hanjabay Madaxweynaha Jabuuti, mar uu ka khudbadeenayay xafladii
26ka Jun ee ka dhacday Hargaysa, ayaa wuxuu sheegay in aanu Ismaaciil Cumar
Geele imankarin magaalada Hargaysa, ((Afrika, Maraykan iyo Ingiriiskaba meeshii
aanu taganaba, waxa nalagu yidhaahdaa maxaa Ismaaciil Cumar Geelle la idinka
siiyaa?....Hablaha yaryar ee leh ‘Ismaaciil Cumar Geellow waad na soo gacan
qabataye, waxaannu kugu casuumaynaa Somaliland,’ waxaannu leenahay ma iman
kartid Somaliland. Wallaahi, in aanu iman karin ilaa uu na ictiraafo)) sidaa
waxaa yidhi Gudoomiye Faysal Cali Waraabe.
Haatan wali waxaan si rasmi ah loo hayn heshiisyada dhabta ah ee ay wada
gaadheen labada dhinac, in kasta oo ay badankooduba yidhaahdeen in uu ku
dhamaaday guul iyo rayrayn.
Duuliye Axmed Dheere.
Duuliye Axmed Maxamed Xasan (Axmed Dheere) oo isagu ka mid ahaa duuliyayaashii
ama ciidamadii cirka ee Dawladii Siyaad Barre, ayaa soo booqday magaalada
Hargaysa, laguna soo dhaweeyay gacmo diiran.
Waxaa xusuus mudan in uu Duuliye Axmed Dheere 1988 ahaa nin ka tirsan ciidamada
cirka ee Dawladii Siyaad Barre, isaga iyo rag kalena lagu amray in ay duqeeyaan
magaalada Hargeysa isaga oo sida Miig 17 iyo banbooyinkeedi, looguna talo galay
in lagu xasuuqo shacab ka tirsana reer Somaliland kuna sugnaa magaalada
Hargaysa.
Duuliye Axmed Dheere wuu ku gacan saydhay amarkii ka yimid Siyaad Barre, isaga
oo la goostay diyaaradii uu waday ee markii hore amarku ahaa inuu Hargaysa ku
duqeeyo, balse isagu ula baxsaday dhinacaa iyo dalka Jabuuti, oo uu sida uu
sheegay ku talo galay in uu fakado.
Shirgudoonka Wakiilada Somaliland ayaa xaflad u dhigay Axmed Dheere,
gudoonsiiyayna shahaado isaga u gaar ah, xafladaas oo ay kasoo qayb galeen
Wakiilada Somaliland iyo marti sharaf kale, iyo rag ay isku asxaab hore ahaan
jireen Axmed Dheere.
(Waxaa Ilaahay mahaddii ah in aan 20 sanno ka dib arko magaalada Hargeysa oo
nabadgelyo, horumar iyo Dawladi ka jirto, iyadoo wakhtigii ahayd meel burbursan,
aad baan ugu faraxsanahay. (Ma aaminsani in aan sameeeyey wax la igu
mahad-celiyo, waxaan qaatay go,aan waajib igu ahaa oo i saarnaa, kaas oo ahaa in
aan xaq-darrada ka difaaco ummaddii aan u dhaartay) ayuu yiri Axmed Dheere.
Duuliye Axmed Maxamed Xasan (Axmed Dheere) markii uu u fakaday dalka Jabuuti,
uuna ku dagay meel xeebta Jabuuti u dhaw, halkaas oo uu ka helay kaluumaystayaal
ku sugnaa aagaas, ka dibna loo gudbiyay Dawlada Jabutti, oo iyaduna gacmo diiran
kusoo dhawaysay sida uu sheegay, loona sii gudbiyay Qaramada Midoobay, iyaduna
usii gudbisay wadan magaciisa la dhaho Luxermburg oo ku yaala Yurub una dhaxeeya
Fransiiska iyo Jermany, ilaa imikana haatan uu ku nool yahay isaga iyo
caruurtiisa iyo xaaskiisaba.
Dabaaldag ka dhacay caasimada Hargaysa 26ka Jun.
Waa maxay 26ka Jun?!
Maalin kasta oo ay bishu tahay 26ka Jun, dhamaan dadka Soomaalida ahi waxay u
tahay maalin farxad leh, oo ka wayn maalmaha kale ee caadiga ah, 26ka Jun waa
maalintii calan Soomaali ay iska leedahay uu ka babado hawada gayiga
Soomaaliyeed, calankaas oo markii ugu horaysay laga taagay Gobollada Woqooyi
(SomaliLand), gaar ahaan magaalada Hargaysa.
Dhamaan waxaa xafladan kasoo qayb galay marti sharaf badan, iyo Madaxweyne
Daahir Rayaale Kaahin, iyo Gudoomiyayaashi Xisbiyada Mucaaradka ah, iyo
Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Axmed Yuusuf Yaasin.
Magaalada Muqdisho oo ah caasimada Somaliya, ayaa iyadu haatan wax dabaaldeg ah
aan samaynin, sababo badan awgeed, ha ahaato dagaalada is dabajooga ah iyo
qalalaasaha ka taagan Muqdisho, sababta loogu qaban waayay Muqdisho xuska sanad
guuradii Somaliya jawaabteeda waxaan u daayay akhristahayga sharafta leh.
Maraykanka oo Lacag Ugu Deeqay Somaliya.
Dawlada Maraykanka ayaa lacag dhan Lix Milyan oo doolarka Maraykanka ah ugu
deeqday Somaliya, lacagtan oo loogu talo galay badankeeda si loogu taageero
heshiiska ay ku kala saxiixdeen DFKMG iyo Isbahaysiga dib u xoraynta Somaliya.
Dawlada Maraykanka oo adeegsanaysa Hay,adeeda horumarinta caalamiga ah ee US-AID
waxay soo jeedisay inay bixinayso deeq lacageed Lis-Malyan$, lacagtan oo lasii
marinayo Hay,adaha QM, ayaa loogu talo galay hagaajinta maamulka iyo wax ka
qabadka dalka Somaliya.
Warbixintan oo laga soo saaray magaalada Nairobi, ee ay Maraykanu Safaarad ku
leeyihiin ayaa waxa ay sheegtay in, Laba-Malyan oo lacagtaas ka tirsani ay aadi
doonta ururka shaqaalaha caalamiga ah ee ILO, waxaana gacan looga gaysanaya
xoojinta dhalinyarada bilaa shaqada ah ee ku sugan dalka Somaliya, iyo in lagu
hagaajiyo oo kor loogu qaado awooda wax qabad ee golayaasha degmooyinka si ay u
bixiyaan adeeg shaqaale, fursad shaqona u abuuraan, lacagtan waxaa kaloo kor
loogu qaaday xoojinta Dawlada Dhexe iyo kuwa deegaanada, xoojinta kala danbaynta
sharciga iyadoo la abuuray ciidan Boolis ah oo waajibkiisa gudan kara.
4ta-Malyan ee soo hadhayn waxaa loogu talo galay in lagu taageero heshiiska ay
kuwada ghaadheen DFKMG iyo Isbahaysiguba, waxaana loo sii marin doona Hay,ada QM
u qaabilsan horumarinta deeqaha ee UNDP.
Deeqdaasi lacageed ee ay ku yaboohday Dawlada Maraykanku waxaa soo raaca in ay
Dawlada Maraykanu ka go,an tahay in ay bixiso wax kasta oo ku haboon,
taageerista iyo ka midha dhalinta heshiiski ay kuwada gaadheen kooxaha DFKMG iyo
Isbahaysiga, ee bishan Jun sagaalkeedi lagu kala saxiixday Dalka Jabuuti.
Jhon Yates oo ah wakiilka gaarka ah ee Somaliya ayaa sheegay in Dawlada
Maraykanku ujeedadeedu tahay in laga abuuru jawi nabadeed gaar ahaan dalka
Somaliya.
Dhinaca kale Dawlada Maraykanu waxay noqotay Dawlada Aduunka ugu deeqda badan
leh ee wax ka qabadaka Somaliya iska xil saartay, ilaa sanadkii 2007_08, waxa
Maraykanu bixiyay lacag gaadhaysa Laba-boqol iyo shan iyo sideetan Malyan oo
doolarka Maraykanka ah (285,000,000$) taasi oo lagu bixiyay horumarinta iyo
gargaarka bani aadannimo.
Abdikarim Ahmed Huseen
skyword268@hotmail.com
skyword268@yahoo.com
Sweden, Stockhlom