SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Maamuka Puntland oo ku soo ururay Goblka Bari oo kaliya

Dakadda magaalaada Boosaaso waxaa dhawaan ka soo dagey Gaadiid kala duwan oo loogu deeqay Booliska Maamul Goboleedka Puntland, gaadiidkas oo ka kooban 8 Baabuur oo ah kuwa qaada xamuulka iyo Ciidamada ayaa waxaa weheliya Mootooyinka dheereeya oo ay ku shaqeeyan Ciidamadda boolisku.

Dakadda magaalaada Boosaaso waxaa dhawaan ka soo dagey Gaadiid kala duwan oo loogu deeqay Booliska Maamul Goboleedka Puntland, gaadiidkas oo ka kooban 8 Baabuur oo ah kuwa qaada xamuulka iyo Ciidamada ayaa waxaa weheliya Mootooyinka dheereeya oo ay ku shaqeeyan Ciidamadda boolisku.

Gaadiidkaan ayaa waxaa mamulka ku deeqay Ganacsatada Puntland oo sheegey in qeyb ka qaadanayaan hagaajinta awooda iyo tayada ciidamadda booliska Puntland oo waayahaan shaqadoodu aad jilicsaneyd, taas oo ay keentay hogaanxumo iyo qalabka shaqada oo aan u dhamaystirayn ciidamada amaanka.

Gaadiidkaan ay baxsheen ganacsatada reer Puntland ayaan la ogeyn in si siman loogu qeybin doono Gobolada Puntland iyo in kale,waxaana dad badan ay aaminsanyihiin in Madaxweynaha Puntland iyo Wasiirkiisa Amnigu ay wax is diba marin sameyn doonaan.

Qaar ka mida shacbi weynaha Soomaaliyeed ee ku nool gobalada Puntland ayaa sheegay in sida muquata gaadiidkaa iyo Mootooyinkuba ay ku koobnaan doonaan gobalka Bari arrintaas oo ay siwada jir ah uga shaqeynayaan madaxweyen Cadde iyo wasiirkiisa amaanka C/llahi Siciid Samatar.

“Ganacsatada soo iibisay gaadiidka iyoqalabka loo keenaymaamulka Puntland waxaa ay kasoo wada jeedaan gobalada Puntland oo dhan,laakin waxaan inoo muuqata in madaxweynaha iyowasiirkiisa amaanku ay ku koobi doonaan gobalka ay kasoo jeedaan ee bari”Sidaasi waxa yiri mid ka mida shacabiweynaha Puntland .

Oday kale oo isna ka gaabsaday magiciisa ayaa yidhi “Gobolka Bari cidna u madiidana in la horumarsho laakiin waa n aan la ilaawin Gobolada kale ee Puntland”.

Si kastaba arrintu ha ahaatee maalmaha soo socda ayaa laga war dhowrayaa sida gobalada Puntland qalabkan loogu qeybiyo iyo hadii sida laga qeylo dhaaminayo lagu koobo gobalka Bari. Oo ay kahowl galaan Ciidan u Badan Halbeel

Hadaba waxaa waaya daandabe soo ifbaxayey Caalamado muujinaya in Maamulka Puntland ee uu Cadde Muuse Madaxweynaha kayahay uu ku soo ururayo Gobolka Bari.

Iyadoo ay soo yaraanayaan Awooda Maamul ee kajirta Gobolada kale.

Tusaale ahaan Sool waxaa la wareegey Somaliland,Sanaag maamul shaqeeyaa majiro,

Nugaala waxaa Hareeyey Burcad Baddeed iyo Amni xumo,Mudug waxaa uu maamulka Puntland kajiray Gaalkacyo oo ah Isha Labaad ee dhaqaalaha Puntland iyana waxay noqotay meel Habeyn kasta Dad Lagu Dilo oo aan laysweydiin waxna lagaqaban ,falaka kadhacay gaalkacyo kama aysan hadal Madaxda Puntland ee jooga Garoowe iyo Boosaaso.

Madaxweynaha Puntland waxaa uu waayadaan dabbe aad uga hadla Horumarinta Bari oo uu wax kasta oo Horumar ah waxaa u u leexshay Gobolka bari. Mana’ayjirto Culays ay ku hayaan Deegaamada kale ee uu Madaxweynaha u yahay waqtigaan oo larabay in ay maamulku qabtaan arrimihii laga sugeyey ee Dhamystirka Dastuurka,Aftidda Dadweynaha, Adkeynta Amaanka iyo wax kaqabashada Sacirbararka ,ayaa waxaa Xoogsaday Amaandaradii iyo Burcad Bad iyo Barriba Qabsatay iyadoo ay jiraan Arrimahaasi ayaa waxaa uu madaxweynahu mashquul kuyahay, soo saarista Shidaal ay ka horeyso Amaan ,

waxaa kaloo aad u soo ifbaxay isqabqabsi u dhexeeya Madaxweynaha iyo Madaxda Maaliyadda.

Tusaale kale waxaa uu Madaxweynahu shaqadii kala wareegey Wasiirkiisa Maaliyadda,Wasiir kuxigeenadiisa,iyo Agaasimaha Guud ee Maaliyadda, oo marhaddii iyagoo jooga uu madaxweyne saxiixayo Foojar Lacag Laguqaadayo

Ayaa .taasi waxay cadeynaysaa in aysan jirin wax kale oo lammaamulo oo aan aheyn Dadkadda Boosaaso, iwm ,sidaasna uu isagu u Noqday Madaxdii Maaliyadda,

Ugu dabeyntii hadii aysan tashan dadka Reer Puntland ee ay sugaan Cade iyo Afqurac

Waxay Puntland gaari doontaa meel aan laga sooqaban

Bashiir Axmed
qobleex55@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 29, 2008

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS