SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MANDELA

Nelson Mandela Geesiga Qaaradda Afrika Oo 90 Sanno Jirsaday!!!!

Waxaa shalay oo ku beegneed 27 Bisha Juun 2008 looga dabaal degaya barxadda weyn ee ku taalla badhtamaha magaalada London dhalashadii Madaxweynahii hore ee Koonfur africa isla markaana ah geesiga ugu weyn ee dunida maanta ku nool Nelson Rohilihla Mandela.

Nelson Rohilihla Mandela oo ahaan jirey Madaxweynihii Hore ee dalka Koonfur Afrika ahna calaamad Afrika u taagan ee la dagaalanka Midab kala sooca iyo cudurka HIV/Aids-ka ee qaarada uu diloodey Cudurada iyo Faqriga ee Afrika, Madaxweyne Nelson Mandela ayaa ka qeybgalay munaasabad xalay loogu qabtay magaalada London oo loogu dabaal degayay 90 sano guuradii ka soo wareegatay dhalashadiisa.

Mr. Mandela ayaa yimid masraxa xafladaasi lagu qabtay ee Beerta la yiraahdo Hyde Park, waxaana goob joog ka ahaa xidigo ku caan baxay majaajilada, heesaha, aflaamta iyo Show-ga telefishannada.
Dadka ugu caansan ee ka soo qayb galay xafladaasi waxaa ka mid ahaa Fanaanada caanka ka ah dalka Britain Amy Winehouse iyo gabadha ugu taajirsan soo saarayaasha barnaamijyada Showga Oprah Winfrey.

Nelson Mandela ayaa la hadlay dad gaarayay 50,000 oo daawadayaal ah wuxuuna ku yiri "Haddii xitaa aan dabaal degayno waa in aynu is xusuusinaa in shaqada aan hayno ay ka fog tahay dhammaad, shaqadeenuna waxay tahay mid lagu raadinayo xorriyad".

Waxaa sidoo kale halkaasi lagu ururiyay lacago loogu yaboohayo barnaamijka Nelsom Mandela ee la dagaalanka cudurka HIV/Aids.
Barnaamijka lacag ururinta waxaa loogu magac daray 46664 lambarkaasoo ah kii la siiyay Nelson Mandela markii uu ku jiray xabsiga jasiiradda Roben markii uu mudo 27 sano u xirnaa xukuumadii midab kala sooca ku dhisneyd ee Koonfur Afrika.

Si Kastaba ha ahaatee Nelson Mandela waxa uu noqday calaamad ka jirta qaaradda Afrika isagoo lagu tilmaamay halyeey u soo halgamay dalkiisa inuu ka saaro nidaam midab kala sooca ee dalka Koonfur Afrika.hadaba Madaxwaynihii hore ee Koofur Afrika, Nelson Mandela ayaa la sheegey in uu la kulmay boqorada Queen Elizabeth II ee dalkaasi Britain ayadoo joogta Buckingham Palace, oo ku taal bratamaha London, June 25, 2008. Mandela ayaa Britain u yimid xaflada dhalashadiisa isaga oo sagaashan jirsaday,taas oo shalay oo maalin Jimco ha 27-da Juun 2008, ka dhacday beerta wayn ee bartamaha London ku taal ee loo yaqaan Hyde Park.

Mohamed Ismail
SomaliTalk.Com

Faafin: SomaliTalk.com | June 29, 2008

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS