Qormadii Abdikarim Ahmed Huseen
Guud Mar Dagaaladii Sokeeye ee Somaliya.
Hordhac;
Waa marka ugu horaysee waa inaan xusaa inaanan ahayn qof taariikhyahan ah
(Historian). Waxaa taas macnaheedu yahay in waxyaabaha hoos ku qorani ayna ahayn
fikradayda iyo fahmideyda shakhsiyeed, iyo waxaan usoo taagnaa toona, balse uu
qoraalkani yahay ururin guud oo aan ku sameeyay bugaagtaas qalaad ee faraha
badan ee aan nasiibka u yeeshay inaan akhriyo.
Maadaama ay hadaba siyaasadii Soomalidu ay 150 sano ee u danbeesay ay ku
salaysnayd kuna dhisneyd qabiil ama qabyaalad, ayaa waxaa lama huraan noqonaysa
in lamagacaabo qabiiladii ama shakhsiyaadkii kaalinta laxaad ka ciyaaray
burburka Soomaaliya.
Inkasta oo aanan wax aflagaado ah ku samayn qabiiladaas, hadana waxaa mararka
qaarkood ka fursan waayey inaan faaqido siyaasadoodaas gurracan anigoon u aabo
yeelayn magaca qabiilkooda ama darajada shakhsigaas.
Guud Mar Dagaaladi Sokeeye ee Soomaaliya. PART 3
Qorayaal farbadan ayaa isku dayay inay wax ka tilmaamaan asalka dhibaatada
Soomaliya ku habsatay. Qaar kale waxay isku hawleen iney fasiraan asbaabaha
burburiyaya qarankii Soomaaliyeed. Qaarna waxay aad ugu kuuro galeen sidii daawo
loogu heli lahaa caalirka haleeyay lafdhabarka jiritaanka midnimada Soomaaliya.
Hase yeesha, Anigu waxaa muuqata inaan la kali noqday baarista, lafgurka iyo
garashada unugyada xambaarsan jeermiga ku faafay jirka Soomaaliyeed halistana ku
ah jiritaanka magaceeda.
Waxa maanta Soomaaliya loo yaqaana dhulka ay ku fadhido Dawladii ka dhalatay isu
tagii labada gobol ee Woqooyi iyo Koonfur markii ay taariikhdu ahayd 1/7/1960.
Cudurka ay qaranimada Soomaalidu u dhimatay magaciisa waxaa la yidhaahdaa (
Qabyaalad ), waxaana lagu daaween kara oo kali ah ( Qabiil ).
Somalilanda waxa kaliyah ee ay dunida ugu faanta ee ay isku qiimayso waxa weeye
inay tahay dal nabad galyo ka jirto oo ku faanta oo ah waxa qudhah ee ay dunida
ka iibnayaan, iyagoo ictiraaf raadis ah.
Sidaa darteed waa in mushkilada Soomaaliya taala maaraynteeda loo maraa unko
gole wada tashi oo ay qabiilooyinku u dhanyihiin kana kooban dad leh karti aqoon
iyo doonis qaran adag oo Soomaaliyeed. Golaha dhexe ee ay qabiilooyinku u
dhanyihiin waa in uu ahaada ka gacanta ku haya maamulka dalka dhinac walba.
Waana in uu gollahaasi lahaada guddi dhexe ( gole madaxtooyo ) oo dhawr qof ka
kooban kuwaas oo wali kala metelaya qabiilooyinka oo leh awood siman iyo
gudoomiye ( madaxweyne ) wareegto ah oo muddo gaanbana mar la bedelo oo aan
gudoomiyenimada ku soo nqon ilaa ay gudida oo dhan jagadaasi soo wada marto.
Xubnaha golaha waxaa golaha ka saari kara oo kali ah afar sababood ; Geeri,
Shaqo ka tegid, Maxkamad qaran oo ku cadaysay dembi ka qaaday jagadaa iyo
qabiilkii soo dirtay oo kalsoonida kala noqda. Golaha qabiilooyinka isugu
yimaadeen isna waa in uu markiisa magacaaba gole kale oo ka kooban aqoonyahano
awood iyo aqoon u leh hawlaha uu u baahanyahay qaranka cusubi, kaas oo dadka
maamulka gacanta ku haya kala talinaya dhinac walba, una ifinaya toobiyaha loo
baahanyahay in cagta la saaro.
Qof kasta oo daneeya lana socda colaada sokeeye iyo ayaan darrada dadka iyo
dalka Soomaaliyeed ku habsatay taas oo ah xaalad cusub oo an dunida casriga hore
usoo marin, wuxuu si joogto ah isu weydiinaya jawaab caqli gal ahna u raadiyaa
waxyaalaha keenay dhibaatada intaa le,eg ee qaran dhan mood iyo noolba lumisay.
Waxaa kale oo si joogto ah la is waydiiya sababta amma sabaha keenay in colaada
xal loo waayo.
Waxyaalaha dadka arrimaha Soomaaliya isku taxalujiyaa yaabka ku noqdaa oo
maskaxdooda gali waaya waxa ugu weyn, dadka Soomaalida oo aan lahayn kala
duwanaan diineed, asal dhaqan, af, midab iyo waxyaalaha la midka ah ee lagu
yaqaano in ay bulshooyinka soo koraya ka dhex abuuraan colaada iyo dagaalada
sokeeye.
Iyada oo aanay kala duwanaantaasi jirin ayay haddana colaada Soomaaliya ka
aloosani noqotay mid ka mid ah kuwii ugu foosha xumaa uguna qallafsana ee
qaarada Afrika iska daaye, dunida oo dhan soo maray, hadiiba ay jiraan kuwo la
babar dhigi karaa.
Maalintii ay dadka Soomaalidu goosteen in ay is gumaadaan, dalkooda dumiyaan,
qaranimadoodana dalluun ku tuuraan,midabki,diintii,asalka, dhaqanki iyo magacii
ay wada lahaayeen ee lagu xasdi jiray oo ahaa liibaan ay yartahay bulsho dunida
ku dhaqan oo haysataa, waxba kamay tarin joojinta amma yaraynta dhibaatadii soo
foodsaartay.
Anigu Abdikarim ahaan waxaan leeyahay Eebe talada ha waafajiyo kuwa dadaal iyo
dulqaad badan oo daacad u ah danta guud ee dalka iyo iyo dadka Soomaliyeed
markasta ula hor taagan.
Maxaa Dhacay Xilliyadii 1991-2000
Wuxuu sanadkiani ku bilawday dhibaatadii ugu balaarnayd ee Soomaaliya ku
habsata, maaha kaliyah midda ku dhacday dadka iyo hantidoodi, iyadoo burburku
soo socdey mudda dheer ama aan iraahdo dhawr iyo tobankii sano ee la soo dhaafay
dad iyo maalba aafa dagaal ku naafoobeen, gumaad iyo geeriyina soo foodsaaartay,
hadana tobankan sano waxaa ku burburay dhamaan hab nololeedkii Sooomaalida, waxa
hana qaaday sumcad xumadi Soomaalida ee adduunka wada gaartay iyadoo noqotay
tuke canbaar leh oo laga yaqyaqsado, dhaqankii Soomaaliyeed oo gabi ahaan u
burburay, oo aduunku u qaadan waayay in binu aadmi sidani jiro, waxa laga
leexday diinta Islaamka oo ay la yaabeen wixii micnaha diinta Islaamka
garanayay, waxay Soomaalidi soo baxday dad ka haray sida aadmigu u noolyahay,
waxa la yaab ahaa dawladii oo dhankeeda dadka ka xasuuqaysa iyo kii doonayay in
uu xukunka kala wareego oo isna dhankiisa ka xasuuqaya, dawlada ajnebi ah oo
xasuuqayadaas taageeri jirtay. Maaha wax laga sheekayn karo wixi dhacayay.
Bishii Janaayo 26keedi 1991, waxaa sida daadka u soo galay xaruntii madaxtooyada
dad diidaya xukunka Dawlada oo lagu soo kiciyay hab qabiil, wixii ay arkeen
cagta soo mariyey, raggi uu madaxweynuhu isku halaynayay horay ayeey u wada
goosteen oo nin waliba wixii uu haleeyay ayuu ka baxsaday, midna kan kale dib
uma eegin, waxaa ku soo haray Jeneral Maxamed Siciid Xirsi -Morgan- iyo ciidan
kooban oo uu wato kuwaas oo magaalada ka saaray madaxweynaha 27/1/1991, isagoo
ula baxsaday dhanka Kismaayo, USC Muqdisho oo uu hogtaaminayo Cali Mahdi, waxay
ku guulaysteen inay soo galaan xaruntii madaxtooyada oo markiiba bililiqaysi
loogu dhaqaaqay, halkaas oo Cali Mahdi kursigii madaxweynaha haleelay.
Waxaa magaaladi hareeyay gumaad loo gaysanayo wixii aan ahayn USC ama loo
aqoonsado in ay ka soo jeedaan qabiilkii Maxamed Siyaad Barre, oo ahaa qabiilka
Mareexaan, kuwii horay ugu kacsana iyo kuwii kale ee la jiray looma kale aabe
yeelin, qof waliba oo reer Daaroodka ahi wuxuu toos u abaaray ama toos u aaday
kii deriska la ahaa, oo isagu ahaa qabiilo kale sida Shiikhaal, Galgalo, inta
dadkii la gumaday ama la laayey hantidoodi guurto iyo maguurtaba lagala wareegay
nooc kasta oo dhibaato iyo fara xumayn ahna loo gaystey.
Maxamed Siyaad Barre wuxuu tegay Kismaayo, waxa uu u tegay odayaal reer Kismaayo
ah oo uu ka dalbaday in uu markab taagan raaco oo dalkii iskaga baxo mar haduu
xaruntii ka soo cararay. Dadka qaar ayaa ku celcelin jiray madaxweynaha,
"Madaxweyne maxaad xaruntii uga soo baxday" Madaxweyne Siyaad hadalkaas kuma
qancin oo wuxu uu isna ku jawaabay " Dalka anaa Madaxweyne ka ah inta aan dalka
gudihiisa joogo meel kasta aan jooge" waxaa talda ugu jiray in uu mar rogaal
celiyo oo xaruntiisi mar labaad kasoo jeesto. Markii hadalkii laga deyn waayay
wuxuu ku dhaqaajey dhanka Gedo bal si uu dib ugu habaysto ciidamo isagoo waliba
ku beer laxawsanaya qabiil.
Mudaba laba goor ayuu in tihiyey in uu Muqdisho dib ugu laabto, mase suura
gelin, oo hadba dhan ayey kala daacdey iyadoo rag badani ku dhintey, ugu
danbayntiina General Caydiid ayaa ka libin sheegtay in Madaxweyne Maxamed siyaad
dalka xoog kaga saaray, isagoo u gudbey xadka Kenya , maalmo ka dibna wuxuu ka
helay magangalyo dalka Nayjeeriya oo uu ugu damayntii ku geeriyooday 2/1/95,
waxaana lagu aasay magaalada Garbahaarey ee gbolka Gedo maalmo ka dib.
Gabagabo
Qof kasta oo waayo aragnimo u leh Soomaaliya, goob joogna u ahaa xaaladihii aynu
soo taataabana ee ay dalka iyo dadka Soomaalidu ku jireen dhinacyada nolosha oo
dhan, caad kama saarna wacdiga maanta yaala in aanu ahayn wax iska yimid iyo
lama filaan ee uu yahay wax uu caqli bani aadam keenay iyo qabiil Soomaaliyeed.
Cadaawadii bulshada lagu kala abuuray, dulmigii muddada dheera lagu dhex
dabaalanay, qabyaaladii siyaasadeed ee dabarka iyo hogaanka goosatay, hubkii xad
dhaafka ahaa ee gacmihii dad weynaha ku dhacay, shaqo iyo wax barasho la,aanti
ay boqollaal kun wadooyinka isu tubeen, kumanyaalkii dembiilayaal ahaa ee wax
walba u samaynayay in aan maamul caafimaad qabaa gadaashooda iman si aan loo
dabo galin, dadkii Dawlada ridayay ee aanay u cadayn sida ay wax u hagaajin
doonaan, shisheeyihii ilaa bilawgii siyaasada dalka faraha kula jiray dhinacyada
is hayana u kala hiilinayey, cabsidii uu qabiil walbaa qabiilka kale u qabay,
xaladii waxbarasho iyo wacyi ee bulshada ee weli hooseeysey, saboolnimadii qof
walba nolashiisu qof kale ku xirantay, waxaas oo dhani waxay gaadheen meel aan
caqligu rumaysan karin, dabadeedna mar keliya ayey sidii baaruud dab lagu qabtay
wada qarxeen waxayna ahaayeen sabaha aasaaska u ah dagaalka Soomaalidu in uu
noqdo mid aan dhamaad lahayn. Maaha wax laga sheekayn karo wixii dhacayay
markaas.
Miyaa la ilaabay;
Miyaa la ilaabay halgankii dheera ee xoriyada Soomaaliya ragii usoo maray ee aan
maanta Ifka aan joogin.
Cabdullahi Ciise soo ma ahayn ninkii warqada liqay si ay Soomaaliya xornimo u
hesho awgeed.
Halgamaagi Daraawiishta Sayid Maxamed Cabdalle Xasan halkee martay xasuustiisi.
Dhagax Tuur iyo Xaawo Taako, Maxamed Soomaali iyo Axmed Gurey xagee martay
taariikhdoodi.
Abwaankii Murtida "Kanna siib kana saar" Cabdullahi Suldaan Timacadde iyo
halgamaagi faraha badnaa ee xubnihii SYL xagee martay xasuustoodi.
Alle ha u naxariisto dhamaan dadkii Dalkeena usoo halgamay, dadkii xornimada
usoo dagaaltamay, waxaan u rajaynaya inuu Janadii Firdawza Alle ka waraabiyo.
Aamiin, Aamiin, Aamiin.
Hadaad dhinacaaga ku aragto walaalkaayo la gawracayo oo aanad waxba u qaban
karin, walaalkaayo Guintanamo lagu ridayo oon cidna u hadlayn, dumar iyo caruur
la gawracayo, reer aan waxba galabsan oo bam ku dhacayo, masaakiin meel iska
taagan oo la rasaasaynayo ama bam gacmeed lagu soo tuurayo.
Mushkilada ha u arkin, waayo Alle waa arkaya SW.
Nabi Muxamed CSW ayaa noola isagoo saxaabadiisa lagu dhinac tumayo, oo markii
Bilaal dhagaxa la saarayay Nabigu Makka ayuu joogay, Bilaalna isla Makka ayaa
lagu ciqaabayay.
Illahayna waa la socda xaalka Soomaaliya, balse waa imtixaan adiga ku sugaya
sidii aad u hori marin lahayd dadkaaga iyo dalkaaga Soomaaliyeed.
Akhriste hadii aad tahay qof Muslim ah oo Salaada tukada, fadlan Illah u bari in
uu Soomaaliya nabad kusoo celiyo, marka aad rukuucsanatahay ee aad Ilaahay
usujuudayso, waayo markaas ayaa Ilaah loogu dhawyahay oo aqbala ducada
adoonkiisa.
Anigu Abdikarim ahaan waxaan leeyahay Eebe talada ha waafajiyo kuwa dadaal iyo
dulqaad badan oo daacad u ah danta guud ee dalka iyo dadka Soomaliyeed markasta
ula hor taagan.
Q/Abdikarim Ahmed Huseen.
skyword268@hotmail.com
skyword268@yahoo.com
Sweden, Stockhlom
Qoraalladii hore ee qoraaga halkan ka akhri
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku saxiixan