SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dowlada Mareykanka oo 6 malyan oo Dollar ugu deeqday dib u heshiisiintii dhinacyada Soomaalida ee dhawaan Jabuuti ku Kala saxiixdayn.

Si ay u tageerto heshiiskii dhawaan dhinacyada Soomaalida ku kala saxiixtay magaalada jabuuti ayaa dowlada Mareykanka oo adeegsanayso Hay'adayda Hormarinta Calamiga ee USAID, waxa ay soo jeedisay oo ay ku deeqaysaa deeq garayso 6 malyan oo doollar.

Lacagtaan deeqda ah oo ay dowlada Mareykanka oo Soomaalida u sii marsiinayso Hay'adaha Qaramada Midoowbay aya loogu talagalay in lagu taageero hagajinta maamulka iyo ammanka ee soomaaliya.

Laba malyan oo kamid ah lacagtaan waxaa loogu talagalay sida uu sheegayo hadalka qoraalka ah ee ka soo Safarada Maraykanka uu ku leeyahay Magaalada Nairobi, ururka Caalamiga ee shaqalaha ee ILO,waxaana gacan loga gaysanaya xoojinta hanaan socodka nabada ee heer Dagmo iyo heer Gobol ee Soomaaliya,in fursado shaqooyin loogu abuuro dhalinyarada shaqa la'aanta qatarta ku riixi karto iyo in lagu hagaajiyo oo kor lagu qaado awooda wax qabad ee Golayaasha Dagmooyinka si ay u bixiyaan adeeg fursado shaqooyina ay u abuuraan.

Afar malyan oo kamid ah lacagtaan deeqda ah ee dowlada Mareykanka ay ku tageerayso heshiiskii dhawaan Soomaalidu gaareyn,waxaa loo sii marin donaa Hey'adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Hormarinta ee UNDP,waxaa lagu taageerayaa hanaan socodka samaynta Dastuurka sida uu sheegayo Xeerka Fadaralka ee kumel garka ah ,waxxaa kaloo kor lagu qadayaa taagerada waxyabaha jira xoojinta dowlada dhexe iyo kuwa deeganada xoojinta kala danbaynta sharciga ayadoo la abuurayo ciidan boolis ah oo shaqadiisa gudan kara .

Sida uu shegayo war saxafededkani qoralka ah ee ka soo baxay dowlada Mareykanka deeqdaan lagu tala galay Hormarintu waxa ay mar kale muujinaysaa sida ay uga go'antahay Mareykanku taagerista dowlad Soomaaliyee oo wax qaban karta oo leh hey'addo maamul oo sharci ku dhisan kala danbeyn sharci nabad dhisid oo hormarin karto dhaqalaha soomaaliya .

Hadalkaan qoraalka oo soo xiganayo hadal uu sheegay wakiilka gaarka ah dowlada Mareykanka u qabilsan arimaha Soomaaliya John Yates ayuu ku sheegay ahmiyada ugu sareysa ee qorshaha mareykanka uu ka leeyahay gayska afrika ay tahay in Sooomaaliya laga abuuro daganaasho iyo nabad ayadoo taas lagu heli karo dowlad loo dhanyahay oo dimuquraadi ah .

Raage Cali Dheere

raagenews@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 29, 2008

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS