SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

Dhibaatooyin Cusub oo soo foodsaaray Somalida usocdaasha dalka Malaysia  

Dalka Malaysia oo kamid ahaa wadamada farakutiriska ah ee sidawacan utixgeliya muwaadhiniinta Somalida ayaa maalmahan waxaa ay Somali aad ufaradan kalakulmeen Kuala Lumpur International Airport dhibaatooyin aad ufarabadan oo ay kamid yihiin in Somalida isla Airporka diblooga soo celiyo oo Somaliya iyo meeshii ay ka kalayimaadeen lagusoo celiyo.  

Wadanka Malaysia oo si gaar ah ugu warhayey dagaalka sokeeye iyo xaaladda qasan ee Somaliya kajirta ayaa waxeey muwaadhiniinta Somalida utixgelin jireen una soo dhaweyn jireen si aad ixtiraam kujira oo lamid ah amaba kafiican sida dadyowga kale ee dunida kale kasoo baqoola loola dhaqmo oo kale, Sikastaba waxaa soo ifbaxay waxii kasoo ifbixijiray meelkasto oo Somalida raadkooda kubato ee ahaa isku dhaxyaac, sharci lagutunto, iyaga oo si raxan raxan ah loo safro iyada oo laga yaabo 10 ruux oo isla safraya midna uusan luqadda English kacaawin Karin kuwo kale, iyaga oo waxbadan kaqaldanyiihin ayey waxeey kasoo dagaan Airporka Malaysia, waxyabaha kaqaldan waxaa kamid ah: 

  • Dadka dalxiis marka ay yihiin waxaa laga doonayaa in Tickit ka uu 2 way yahay oo aad ticket kada noqoshada kuu xajisan yahay, mudada kuuxajisan ticket ka bil uusan kabadneyn maxaa yeelay, muwaadhiniinta Somalida waxaa loo ogolyahay marka aydalxis wadankan kusoo galayan muddo bil ah ( Social Visa).
  • Waa in ad Yellow fever book soo sameysataa muddo 12 cisho kahor marka aad wadanka Malaysia soo galeyso, iskana hubisaa in Buugaas yellow ga si sax ah meelaha muhiimka ah ee saxiixa iyo passport numberka buuxbuuxinta ubaahan loo soo buuxiyaa. Haddii kale maalmo ayaad Airporka kujireysaa.
  • Waa in lacag gacan qabsi ah oo macquul ku ah qof dalxiis usocda in uu kunoolaado oo Hotel iyo cunno iyo Transportation, iyo rixladaha yar yare aad usocota kugu filnaan karto waa in aan gacanta kusidataa, lacagta wax ugo’an ma alahan laakiin hal ama laba usbuuc oo dalxiis wadankan Malaysia uguyaraan waa $1600 dolar iyo waxkabadan waa in aad sidataa. Lacgtaan cidna lama siinaya, kaliya haddii lagu su’aallo ayaad ushegeysaa in aad wadato.
  • Mararka qaar waxaa laga yaabaa in lagu dhaho halkee ayaad kudageysaa Hotel degan ah, waa in jawaabteeda diyaar kuu ahaataa ama Hotel ki iyo addresskisa ama qofmesha degan oo aad addresskisa  wadato
  • In qofka nimanka Immigration waxa kuweydinayaan ugu jawabto oo ay kuu fahman in aad dalxiis kusocoto, waa mushkilada Soomalida luqadda Englishka kahaysata ee ugu ba’an
  • In aad umuuq egtahay qof dalxiis usocda, majiro muuqaal ugo’an dadka dalxiis ka ah, laakiin waxaan ulajeedaa in aad yaranidaam san tahay, labiskada iyo muuqada isku tosan yahay, oo aan dadka kale ama shaqalaha immigration muuqaada kayaqyaqsoneyn.
  • Intaas korkuxusan oo qof dalxiis ah lagarabo, ayaa Somalida in ay kasoo kala tagaan, ayaa waxaa sii dheer iskudhexyaac iyo dadwada shakisan gabi ahaan, oo aad mooddo dad wax soo xaday, luqadda Englishkii aqoonin, muuqaal aad uqaab daran oo kamuqato rafaad fara badan iyo gaajo. Waxaa intaas sii dheer dad waayeelo ah, dhalin yaro wada teenage ah, labis xun, oo xitaa qaarkood shaarka ganuusyada ufuran yihiin oo ay dhacday nimanki Counterka immigration in ay dhahen maalin malmaha kamid“This not the way to travel, take care!!!”
  • Passporada ay Somalida kusafrayaan oo qaarkood in ay wax kaqaldameen oo qalin lagu tirtiray, sido kale, Somali group dhowr iyo toban ah oo safkii ay kujiraan iskubuuqay, qaar kamid ah oo lareebay oo lawareystay oo luqaddii fahmi waayey, laweydiiyey waxa ay usocdaa yana jawaabi waayey oo dib looceliyey.
  • Waxyabaha cajiibka leh ee kudhacay dadka Somalida ee Socdaalka kuyimid ayaa waxaa kamid ahaa in taksiilayasha ay dadkan sida ba’an ujahawarersan ku charge gareyen taksi fare ka Airporka ilaa caasimadda Kuala Lumpur lacag aan macquul ahayn ee saa’id ka ah inta dadka lagu keeno, tusaale ahaan, dadka qaar ayaa waxaa laga qaaday min Airporka ilaa caasimadda $ 1000 dollar, meesha uu tax fare uu ka yahay $30 dollar oo kaliya, qaar ayaa laga qaatay $ 500 dollar- ardaygaas aniga ayaa lakulmay oo uu iishegay, intaas iyo waxyaba kale oo kanaxdin badan.
  • Waxyabaha hadda soo ifbaxay oo dhibka ugu badan ee dadka in laceliyo sababayo waxaa kamid ah in dad Somali ah nimanka Counterka Immigration jooga marka ay wareysanayen uqaatay in lacelin rabo markasna ubalan qaaden in lacag laaluush ah bixinayan dadkaas oo laga qaaday lacag $800 dolar ah, wixii markii kadanbeyey raggii waxey sameyen dhibato ah in dadka Somalida si gaar ah u targatgareeyan oo safarka kuciririyan, arintii ayaa la ogaday in Somalida laalush bixiyan arintiina weysiicakiray.
  • Sidoo kale, waxaa dhib keenay marka hal qof oo Somali ah lagu celiyo Airporka, islamarkaas waxa airporka wacayo oo laxirirayo qofwalba oo qarabada ama saaxiib la ahaa ama lasocday in uu qofkaas imaanayey, oo waxey Immigration kaladoodayaan iyaga oo ay luqaddooda English ka ah aad uliidato Why qofkas loogu diiday in uu soo galo ? Why you keep our friend in the Airport? iyo su’aallo kale oo qaabkaas udhigan oo kale, oo ay u arkeen nimanka Immigration su’aallo rude ah ileen iyaga immigration luqad problem in uu qofkan haysto ma ufahamsanee, sidoo kale halkii qof dhowr iyo toban baa udoodaya, nimankii Immigration in ay yaabeen bey waxeey kudhehen dadka Somalida wax aan idiinka aqbaleyno malahan dhamaantiin waan idiinla soconaa Agents dadkan lacag kasoo qaato ayaa tihiin oo waxaad wadanka Malaysia keentaan Somalida, dadkan dhanna waan wada deport gareyneynaa.

Gabagabaddii waxaan dhamaan muwaadhiniin Somaliyeed ee usoo safraya iyaga ama saaxibadood ama qarabadooda ama qof ay isgaranayaan dalkan Malaysia, waxaan  kulatalinayaa in dalxiiskii wadanka Malaysia lagu soo galayey adkaatay oo dad aad ufarabadan lagaceliyey qaar farabadan oo kalena dhibato kala kulmeen oo ay walikusuganyihiin Airporka dhexdiisa. 

Fadlan yeysan lacag idiinka qasaarin oo siwacan iskaga hubiya shurudaha layska rabo in aad kusoo safartaan, midda kale waxaan rabaa in aan halkaan kusheego arimaha dadka lagu soo qaldo ee halkaan loo yimaado waxa kajira iyo waxa aan wax ba kajirin, waana sidaan hoos kuxusan: 

  • Malaysia waxaa loo imankaraa qofkii waxbarasho doonayo, waxeyna leedahay Jamacaddo iyo Colleges wax laga barankaro
  • Malaysia waxaa kalo  oo loo imaadaa arimo caafimaad, oo dad meelo kale loogu waayey viiso in wadankan Somalida ufuran u imaadan, kuna daweystan kana nodaan
  • Sidoo kale dad Somali ah oo arimo ganacsi u imaado, ama kagasiigudbo China, Thailand, ama Indonusia oo halkan Viisa kaqato, waa wax laxirira arimo ganacsi

Intaas kor kuxusan waa wax loo imankaro oona lagahelikaro, laakiin dadka badankood ee hadda kusoo jabay wadankan Malaysia waxaa lagu soo qaldaa in Malaysia lagasii jeexo (dibadda laga sii gallo Europe, Australia and America etc). 

Waxaa lagu dhahaa in UN ka aqballo oo lagac lagusiiyo oo line aad ufudud yahay, waxaas wax kajiro malahan UN ka meeshan cid uu lacag uqoro malahan, xitaa qaadida dadka wax sahlan oo laysku qaadayo ma ahan, 5 tii sano ee lasoo dhafay dadka laqaday 10 to 15  magaarayan ama maba kabadno, dadka waxey joogaan iyaga oo ka register gareysan 5 sanno walina jawaab haysan, wax dad kusoo qaldama oo bilo laysku kaxeyo ama lacag layskusiyo ma ahan  ee yaanan arimahaas lagu soo qaldamid, dad badan ayaa sidaa kuyimid in badan oo kamid ahna wey kalabten Malaysia kadib markii qarashki nolosha ay aad ugu adkatay waxkasta oo loo soo shegayna sida ay filayen noqonweyday. 

Sidoo kale sicirka nolosha oo aad ukacay awgeed dad farabadan ayaa qiyaastii ay ka haysteen kunoolaan wayey halkan oo isaga hayaamay, marka dadbadan weysoo galan wadankan Malaysia, qaarkalena weykaqusten oo wey iskaga laabtaan.  

Sidoo kale, wadankan Malaysia qofka haduu uu yimaada waa in uu si sharci ah kujoogaa haddii kale noloshada ciriiri ayaad galeysaa, wuu kaduwanyahay sida wadamada carabta ah sida Masar, oo mar haddii aad gudaha gasho sharci darro lagujoogikaro arintaasna dadbadan ayaa kusoo qaldamayey oo sidaa loogu so sheekeyey kana shalayey kamadanbeyntiii. 

Walalaha muwadhiniinta Somaliyeed fadlan gaarsiiya dadka kale ee usoo boqolaya wadankan Malaysia sawirka dhabta ah ee kajira wadankan, si aynu ugu caawinno midka lasoo qaldaya, fadlan una shega in aan wax lacag ah oo laaluush ah lagu bixinin Airporka waa arin Qatar ah oo sumcaddeena iyo dadnimadenna dhib ukeneysa. 

Maqaalkan waxaan ugu tiragalay in aan ku iftiimiyo xaladda dhabta ah iyo dhibkan cusub ee kusoo saa’idey dadka Somalida Malaysia usoo safra. 
 

Wabilaahi Towfiiq. 
 
 

By: Mohamud Abdirahman

Kuala Lumpur, Malaysia

E-mail: amakii@hotmail.com

 

Faafin: SomaliTalk.com | June 29, 2008

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS