SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Shirkii Ogaden Human Rights Committee (OHRC) ee Geneva

Ururka xuquuqda aadanaha u dooda ee Ogaden Human Rights Committee (OHRC) ayaa shalay oo ay taariikhdu ahayd 26/06/2008. shir jaraa’id ku qabtay xarunta Naadiga Suxufiyiinta ee magaalada Geneva Dalka Switzerland oo aay ka diiwaan gashan yihiin dhamaan wariyayaasha caalamiga ah ee ka howl gala xarumaha Qaramada Midoobey (QM) ee Geneva. Shirkan jaraa’id ayaa cinwaankiisu ahaa "Xaalada xuquuqda aadanaha iyo mida amaanka Ogaadeenya iyo doorka Qaramada Midoobay".

Foowsiya C/qaadir oo ka tirsan OHRC,kana mid ahayd madaxdii shirkan ka hadashay ayaa sheegtay in ujeedada halkan u yimaadeen ay tahay in eey ku booriyaan heeyadaha caalamiga ee Qaramada Midoobay in eey ka soo baxaan waajibka ka saaran sidii loo joojin lahaa dhibaatada ulakaca ah oo uu sameeynayo taliska Addis-Ababa is la markaana loola xisaabtami lahaa cidii falalkaas geeystay. C/Qaadir Sulub oo ah xiriiriyaha guud ee ururka xuquuqul insaanka Ogaadeenya ayaa isna sheegay in dhibaatada, gaajada, kufsiga iyo barakicinta lagu hayo umadu tahay arin qorsheysan oo si kutagal ah u fulinaysa dowlada Itoobiya.

Shirkan jaraa’id oo socday mudo sadex saacadood iyo wax ka badan ayeey labadan masuul ku soo bandhigeen cadeeymo maqal iyo muuqaal ah oo ka marqaati kacaya xadgudubyada baaxada leh oo uu taliskani sida badheedhka ah ugu geeysto shacabka Soomaalida Ogaadeenya. Marka la eego baaxada dhulkan kheeyraadka iyo nacfiga leh waxey muujinaysaa in eey qalad tahay in abaar ka dhacdo dhulka Ogaden loo yaqaan ayeey tiri Foowsiya C/Qaadir, iyadoo ku dartay in abaaraha soo noqnoqda ee dhulkaa ka taagay tahay mid eey sameeysay si ulakac ah masuulna ka tahay dowlada itoobiya.

C/Qaadir Sulub ayaa isna sheegay in itoobiya isticmaasho kufsiga, cunaqabateeynta, wadar xasuuqa iyo barakacinta sida hubka oo kale, isagoo intaa raaciyay in ujeedada itoobiya tahay sidii aay umadani ugu sanduleeyn lahayd in eey ka tanaasulaan xuquuqdooda aasaasiga ah, xuquuqahaas oo aay damaanad qaadayaan shuruucyada caalamiga ah ee dunida.

Labadan masuul waxey sheegeen in maanta Alle mahadii tahay, sababtoo ah dhibaatooyinka ururka OHRC uu diiwaan galiyay waxa ka marqaati kacay ururo caalami ah sida warbixintii maqal iyo muuqaalka lahayd oo aay Human Rights Watch soo saartay bishan gudaheeda. Dunida maanta waa sida hal tuulo oo kale cid dhibaato geeysatay qarin kartaa ma jirta, sidaa daraadeed ayeey ugu baaqeen taliska itoobiya in uu qaado xayiraadaha uu ku soo rogay dadka iyo gaadiidka gala ama ka baxa Ogaadeenya isla markaana joojiyo xadgudubyada nooc walba leh oo aay amartay dowlada itoobiya . Baaq kan oo kale ahna waxey ujeediyeen maamulada kala duwan ee dhashay burburkii dowladii dhexe ee Soomaaliya ka dib iyagoo xusay in shuruucda caalamiga mamnuucayaan qabashada iyo u gacan galinta shaqsi ka soo cararay xasuuq dowladii markaa uu amaankiisa kala soo baqay, waxeyna sheegeen dhibaatada loo geeysanayo shacabka dhulkaa ku nool in aanay ahaaneeny mid xisaab aan ka danbeeyn.

Foowsiya ayaa ka soo laabatay shir eey isugu yimaadaan ururada xuquuqul insaanka ee wadamada Islaamka oo ka dhacay isbuucan gudahiisa dalka Ingiriiska, halkaa oo eey ku soo bandhigtay dhibaatada lagu hayo umada Soomaalida Ogaadeenya.

Si Kastaba ha ahaatee ururka Xuquuqul Insaanka Ogaadeenya ayaa u ololeeya sidii umada dhulkaa ku nool u heli lahaayeen xuquuqohooda aasaasiga ah oo aay ugu horeeyso xaqa aayo ka tashiga, wuxuuna diiwaan galiyaa dhibaatooyinka loogeeysto shacabka dhulkaa ku dhaqan iyadoo ujeedadu tahay sidii danbiilayaashan loo horkeeni lahaa maxkamad caalamiga ah. Ugu danbeeyntii waxey ugu baaqeen dadka ku nool Ogaadeenya in aanay qarin marka xadgudub loogeeysto lana xidhiidhaan xubnooda gudaha jooga ama dibadaba, waxeyna qeeylo dhaan u dirayaan Soomaalida samaha jecel guud ahaan gaar ahaana ururada iyo jaaliyadaha Ogaadeenya ee dibada in door firfircoon ka qaataan sidii loo joojin lahaa dhibaatada umada dalkii ku heeysata. Dhiciseeynta qorshayaasha guracan ee itoobiya waxey ku xiran tahay juhdiga qurba joogtu galiyaan wax ka qabashada dhibaatooyinkaa ayeey hadalkoodii ku soo gabagabeeyeen.

Xadiis Xaaji

xadiis80@hotmail.com

SomaliTalk.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 28, 2008

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS