SOMALITALK.COM dahabshiil
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MINNEAPOLIS

Xafladii 26 June 1960 ee ka Dhacday Minnesota

Xafllad si qurux badan loo soo agaasimey ayaa ka dhacday gobalka Minnesota oo ku saabsanayd sanad guuradii 48th ee ka soo wareegatay markii laga xoroobey Ingriiska 26 June, 1960. Xafladaas ayaa waxa soo qaban qaabiyey ardayda ka soo jeeda dowlad gobeleedka Northland State of Somalia.

Xafladaas ayaa waxa ka soo qayb galay siyaasiyiinta waaweyn ee gobalka Minnesota, aqoonyahano faro badan, culimo, fanaaniin, abwaano, arday, ajnabi ka kala socdey xafiisyada waaweyn ee gobalka Minnesota sida: xafiiska senator Colman, Xafiiska Senator Amy, iyo xafiisyad musharixiinta cusub.

Xafladan oo lagu soo bandhigay taariikh qoto dheer leh iyo sugaan ku saabsanayd sidii loo dhaliyey xoriyada. Fanaaniinta hobolada waaberi oo halkaas ku soo bandhigay riwaayad la magac baxday tashada Soomaalaay, oo ka turjumeysey sidii ay Soomaali soo martay iyo marxalada hada taagan.
Gebogebadii ayaa halkaas waxa lagu soo bandhigey gabayo iyo buraanburo ka turjumayey sandguuradii 48th ee ka soo wareegatey maalintii ugu horeysey ee CALAN SOOMAALI LAGA TAAGO CIIS AY SOOMAALI LEEDAHAY. Taaso dhamaan dadkii halkaas isugu yimid ay qiiroodeen. Dhalin yaradii xafladaas soo abaabulay ayaa waxa ka codsadeen dadweynihii in ay kala shaqeeyaan sidii SOOMAALI la isugu keeni lahaa oo loo mideyn lahaa, dadweynIhiina wey ka balan qaadeen.

Abdimalik Askar
Somali Media
aabdimalik@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | June 28, 2008

BAARID | SEARCH


khimarBarack Obama oo Telefoon ku Raali Geliyey
Labadii Gabdhood oo Khimarka Muslimiinta awgeed Loogu diidey Masrax uu Ka Khudbaynayey Obama Akhri

Kalfadhigii 20aad ee Golaha Wakiillada Puntland oo Ka Furmay Garoowe...
iyo Gen. Cadde Muuse oo sheegay in 5 bilood ay kusoo saarayaan Batroolka, waxana uu yiri "Jirri ayaa tiriye Shaydaan baan la heshiinayaa si aan waddan kayga wax ugu soo saaro"  Akhri..

aminaVideo.1 | Video.2
Read.1 | Read.2


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com  © www.SomaliTalk.com

La soo xiriir:

IIDHEH
XAYAYSIIS