Dowlad Islaam ah waqtigaan ma laga hirgalin karaa
Soomaaliya?, Yaase u xilsaaran inuu ka hirgaliyo
Soomaaliya nidaamkaas ?
Qore: Yusuf MAY
Somali Political Columnist
mrsomalia@hotmail.com
London
DADKADalka Soomaaliya waxaa ku nool dad Muslim ah
100%, balse Soomaali ah dhaqankooduna yahay reer guuraa
xoolo dhaqato iyo beeralay isugu jira, diinta Islaamkana
xoog iyo seef laguma soo gaarsiinin ama aan iraahdo
qasab, kadib markii asxaabta ay soo gaareen dhulka
Soomaaliya biloowgii faafida Diinta Islaamka sida
taariikhdu qortey ayay dadka Soomaaliyeed Islaanimada
qaateen.
DHULKA
Soomaaliya waxay ku taal meel aad muhiim uga ah
dunida, waxayna dhacdaa Badwaynta Hindiya iyo Badda cas
ama dhulka loo yaqaan Horn of Africa, sidaa daraadeed
ayay dunida dhan isha ugu haysaa waxyaabaha ka dhacaya
Soomaaliya, saamayn buuxdana ugu leeyihiin arimaha
Soomaaliya.
DARISKA
Wadamada dariska la ah Soomaaliyana dhamaantood waxaa
kala dhaxeeya qadiyado badan sida Ethopia, Kenya iyo
Yemen, madaama ay dhul, dad iyo duunyaba ay naga
haystaan, waxayna dhulkeena iyo dadkeena ku hayaan
faragalin joogta ah, mana doonayaan inay Soomaaliya ka
dhalato dowlad la awood ah islamarkaana la xisaabtami
karta mar kale.
Wadamada Galbeedka
Wadamada Galbeedka Soomaaliya waxay u arkaan wadan leh
xeeb istaraajidyad u leh danahooda iskuna xirta Bariga
dhaxe iyo Afrika ama Dunida inteeda kale, waxaana taas u
sii dheer in dhulka Soomaaliweyn uu Allah ku manaystey
khayraad aad u badan oo noocyo kala duwan ah, marka reer
Galbeedka ma doonayaan in danaha ay ka leeyihiin
Soomaaliya in cid kale gacanta u gasho oo ka soo
horjeeda danahooda,taasna waxaa sabab u ah sidii ay u
burburiyeen dowladii hore ee Soomaaliya ee wadanka ka
talinaysay 21 sano iyo iftiinkii ka soo baxay magaalada
Muqdisho mudadii yareyd.
RAJADA SHACABKA SOOMAALIYEED
18 sanadood oo dagaalo sokeeye qaxootinimo, qax,
barakac, dhimasho, dhaawac iyo saboolnimo yaa hadana
waxaa wali muuqda in dhibaatada Soomaaliya aysan
dhamaanaynin mar dhaw, taas oo ay ugu wacan tahay dadka
Soomaaliyeed oo aad u kala qaybsan iyo faragalin baaxad
weyn oo lagu hayo.
DIINTA IN LA ISKU XUKUMO
Dalka Soomaaliya in diinta Islaamka lagu xukumo waa arin
muhiim iyo waajib ah, madaama aanu Muslin nahay
dhamaanteen, sidaa daraadeedna noqon karta tan kaliya ee
dadka Soomaaliyeed ku heli karaan cadaalad, sinaan iyo
horumar iskuna aamini karaan 18 sano oo dhibaato ah
kadib, hasayeeshee waxaa jira in hadana aysan sahlanayn
in dalka Soomaaliya waqtigaan lagu xukumo shareecada
Islaamka.
Arinkaasna waxaa sababo u ah aragtida aan ka qabo oo ku
salaysan xaqiiqda ka jirta dalka Soomaaliya iyo
afkaaraha kala duwan ay kala qabaan dadka Soomaaliyeed
iyo faragalinta awoodaha shisheeyaha ee siyaasada
Soomaaliya.
Dadka Soomaaliyeed oo idil way isku raacsan yihiin inay
Islaam wada yihiin laakinse iskuma wada raacsana cida
xaqa u leh inay ku hogaamiso dowlad Islaam ah sababtoo
ah hadaa eegto ururada ka jira Soomaaliya, markaan ka
soo tago kuwa siyaasada ee ku dhisan qaabka qabaa’ilka
iska soo horjeeda ee is fiirsanaya, hadana waxaa jira
ururo diimeedyo iska soo horjeeda sida Alitixaad,
Alislaax, Alla Suna wal jameeca, Tabliiq, Baaba Suufi,
Alshabaab iwm ah.
Culumada Soomaaliyeed
Culimada Soomaaliyeed waxay ku fashilmeen sidaan qabo
inay wax ka qabtaan dhibaatada ku habsatey ummadooda,
waxayna la wada safteen qabaa’iladooda, iyagoo iska
iloobay masuuliyada ka saarnayd dadkooda, dalkooda,
diintooda iyo waajibaadka ka sarnaa, waxayna noqdeen
kuwa fashilmay kuna fashilmay inay joojiyaan ama kala
dhaxgalaan Qabaa’ilada dirirta ka dhaxayso.
Alitixaad, Alislaax, Alla Sunna wal jameeca, Tabliiq,
Alshabaab iwm ah oo isku aragti ahayn,taasna ay u sii
dheer tahay is nacayb dhaxdooda ah dalka Soomaaliyeed
iyo dadka Soomaaliyeed dhibaatada ma ka saari karaan?.
Jawaabtu waa maya, owal hadaan dalkeenii ku soo
halaagnay qabiil iyo xukun jacayl hadana ummada
Soomaaliyeed ma gali karaan dagaal diin iyo aragti ku
dhisan danaysi, is kooxaysi lagu doonaayo in mansab
siyaasadeed lagu gaaro.
Aniga waxaan qabaa in waqtigan xaadirka ah Soomaaliya oo
laga dhisin xaga aqoonta iyo edaabta lana soo celin is
aamidii shacabka
islamarkaana la heshiisinin dadka Soomaaliyeed inay adag
tahay in dadka lagu qaldo arimo dad dano shaqsiyadeed ka
leeyihiin.
Tusaale lix bilood ee nabada ka jirtey magaalada
Muqdisho aniga waxaan qabaa inay keeneen shacabka
Soomaaliyeed ayna magaalada ka xoreeyeen qabqablayaashii
xaraanta ku haysan jirey balse ragii maxkamadaha ahaa,
markii shacabkii aaminay gacana siiyeen inay la soo
baxeen ajandayaal siyaasadeed aysan waligood ku riyoon
jirin, ayna u arkeen fursadaas in caburiyaan shacabka
ugu dambayntiina waxay afka u galeen cadawgii
Soomaaliya, iyagoo dagaal la galay kadib markii lagu
qalqaaliyey inay dalka qabsan karaan si fudud ayna is
biideen awood aysan ka fiirsan waxa ka imaan kara.
Waxayna si cad u diideen taladii ay umadda Soomaaliyeed
kula taliyeen, dagaalkii kadib waxaa soo baxday in
maxkamadaha kala qaybsanaantooda baaxada weyn iyo
fikirka ay kala qabaan.
Marka aniga waxaan oran lahaa waxaan jirin oo aan dhalan
yaan waqtiga la iskaga qaadin waayo raga hada ideecadaha
ka hadlaya intee bay jireen markii shacabka masaakiinta
ah dhimanayeen, maxay uga hadli waayeen dhibatadaas
marka hada ay Fatwo aan jirin oo dana laga leeyahay la
soo saaraayo maalin kasto.
Soomaaliya waxay khatar ugu jirtaa inay noqoto
Afghanistaan oo kale sababtoo ah ALqaacida ayaaba noo
yeerinayso waxay rabto oo oranaysa dirara jihaada iyo
waxaan jirin ayaa loogu baaqayaa shacabka Soomaaliyeed
ee dhibaateysan, ujeedada laga leeyahayna waxay tahay in
gumaystaha dalkeena haysta lagu sii hayo si shacabka
dhibaatada lagu hayo lagu sii hayo.
Waxaan ummadda Soomaaliyeed ee wadaniyiinta ah ugu
baaqayaa inay gacmaha is qabsadaan iskana hilmaamaan
dhibaatada damiirlawayaasha uu dhax dhigay ayna u soo
jeestaan inay dalkooda ka xoreeyaan kuwa Ethopia ku
adeegato iyo kuwa iska dhiigaayo ama isku ekaysiinaayo
Alqaacida.
Yaa og inay u shaqeeyaan Tigreega iyo Mareykankaba
wadaad baa lagu leeyahay aqoon fiicana looma laha qofka
ideecadaha ka aqrinaya wararka lagu dilaayo shacabka aan
waxba galabsan.
Calaakuli xaal waxay ila tahay inaan la gaarin waqtigii
Soomaaliya lagu xukumi lahaa diinta Islaamka, sababta
aan saas u leeyahay waxay tahay ma ka horeysoo waxaas
dhan in dadka la baro diinta, dadkii ku xukumi lahaana
inay iyaga doortaan soo ma ahan.
Gabagabo
Waxaan filayaa inaysan jirin waqtiga hada la joogo cid
loogu soo wax yooday inay Soomaaliya iyada ku xukunto
diinta Islaamka hadii kalane dagaalada iska sii socon
doonaan, waxaan kale oo aad muhiim ah in qofkii rabo
inuu dalka Soomaaliya xukumo inuu xisbi siyaasi ah furto
, xisbigaasna uusan wax shaqo ah ku yeelan qabiil iyo
khaa’inimo ama cadaalad daro, uunu ku dadaalo in dadka
Soomaaliyeed oo idil ay ka koobnaadan ha ahaado ururka
mid diin salka ku hayo ama mid kalaba, waayo wax kasta
oo aan loo dhamayn raalina laga wada ahayn way
fashilmaan.
Waxaan hadalkayga ku soo gunaanadayaa in shacabka
Soomaaliyeed danahooda gartaan kana hor yimadaan kuwa
qabiilka, basaasnimada iyo shaarar kala duwan wax ku
raadinaya ama kuwa raba inay dadka ku qaldaan Diin aan
daacad laga ahayn, maxay is dhamaan kuwa laga xukumo
Addis Abbaba , Casmara, iyo Tora Bora?
Mahadsanidiin
Yusuf MAY
Somali Political Columnist
mrsomalia@hotmail.com
London